WARARKA BARAAWEPOST Arbaco 16 july 2008

Hooyo ku xanuunsan magaalada baraawe oo gargaar loo raadinayo

Waxaa saakay xafiiska shabakada warbaahinta ee Baraawepost la soo gaarsiiya warqad codsi ah oo ay soo direen odayaasha dhaqanka ee beelaha dega degmada baraawe kaasoo ay kaga codsanayaan dhamaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool gaar ahaan bulshoweynta Baraawe inay gargaar degdeg ah la soo gaaran hooyo leh afar caruur ah oo uu xanuun hayo taasoo aan haysan wax dhaqaale ah oo lagu daaweeyo isla markaana lagu quudiyo iyada iyo caruurteedaba. Sida ay odayaashu ku sheegeen warqaddooda  dadaweynaha ku nool degmada Baraawe qaarkood ayaa xoogaa taakulo ah ugu ddeeqay isla markaana haatan laga codsanayo dadweynaha intooda kale siiba kuwa dibadaha ku nool inay tabaruc la soo gaaraan hooyadaas xanuunsan iyo caruurteedaba.

Wixii taakulo ah waxaa loogu hagaajin karaa nabadoon Cabdulqaadir Cabdow tel 2521 804528

warbixinta iyo sawirada waxaa na soo gaarsiiyay Sh Xasan Abdalla shehasmo@yahoo.co.uk

Baydhabo oo la liiceysa culeyska ciidamo fara badan oo soo gaaray halkaas.

Ciidamo fara badan oo ay leedahay DFKMG islamarkaana ay tiradoodu u dhexeyso 2000 illaa iyo 4000 ayaa xalay illaa iyo maanta soo gudaha u soo galay Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Ciidamadan faraha badan ayaa sida wararku sheegayaan waxay wataan gaadiid dagaal oo fara badan ayaa waxay intooda badan xalay ku baryeen habeenkii xalay goobo aan sidaa uga fogeyn magaalada Baydhabo. Ciidamadan ayaa waxay isugu jiraan sida ay wararka naga soo gaaraya gobolka Bay sheegayaan  Boolis & Militeri.

Ciidamadaan ayaa markii ay saaka soo gaareen magaalada baydhabo halkaas durbadiiba horey uga sii gudbay Dadweynaha Magaalada Baydhabo ayaa saaka siweyn usoo dhaweeyey ciidamadan Xerooyin Militeri oo kuyaala duleedka Magaalada Baydhabo waxaana intii ay gudbayeen la xirey Wadooyinka waa weyn ee Magaalada Baydhabo.

Saraakiisha horjoogeyaasha u ah ciidamadan iyo madaxda wasaaraddda gaashaandhigga ee DFKMG ayaa waxay ku urursan yihiin haatan Xarunta Madaxtooyada DFKMG ay ku leedahay magaalada baydhabo halkaasoo  ay shirar gaar ah ku leeyihiin shir khaas ah ku leeyihiin iyagoo isla gorfeynaya goobaha iyo degaanada ay ka howlgalayaan ciidamadan,waxaana sida ay sheegayaan warar hoose oo laga soo xigtay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda FKMG ee Somalia ay sheegayaan in ciidamadan intooda badan lla geyn doono oo ay ka howlgali doonaan Magaalada Muqdisho .

Sidoo kale warar hoose oo laysla dhexmarayo ayaa sheegaya Magaalada Baydhabo inay Saacadaha soo socda ku soo wajahan yihiin dalka Soomaaliya ,ciidamo kale oo ay leedahay DFKMG oo aad u fara badan.

Raiisalwasaare Nuur cadde oo sheegay inuu diyaar ah inuu xilka ka dego haddii ay taasi horssdeyso nabad ka dhalata Soomaaliya.

Ra’isul wasaaraha xukuumadda FKMG Somalia Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu iskaga dego xilka raiisalwasaarenimo ee uu hayo  haddii taa beddelkeed nabad uu dalku helayo.Nuur Cadde ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in uu wada hadal la yeesho cid kasta oo Soomaali ah xitaa hadii ay taasi tahay shuruud looga dhigo in uu xilka ra’isul wasaarenimada ka dago.
Raiisalwasaaraha ayaa sidoo kale sheegay inuu waddanka u joogaa in uu u shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed islamarkaana uusan ahayn nin awood sheeganaya. 
Nuur Cadde ayaa hadalkiisa sii raaciyay in xilka uu u hayo ummadda ay tahay sababta ku kalifeysa in uu dhinacyada dowladda kasoo horjeeda ugu yeero madasha wada hadalada nabadda.Dhamaan dhinacyada kasoo hor jeeda dowladda FKMG ee Somalia waxaan si cad ugu sheegayaa in aan diyaar u ahay wax kasta oo Soomaaliya nabad ku gaari karto in aan sameeyo”ayuu yiri ra’isul wasaaruhu.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo la weydiiyay su’aal ku saabsanayd in uu la hadlayo ururka AL Shabaab oo lagu xiriiryo in uu ka mid yahay ururada argagixisada caalamiga ah ayaa ku jawaabay  “Waan la hadlayaa cid kasta oo gacan ka geysan karta nabadeynta Soomaaliya”

Raiisal wasaare Nuur Cadde ayaa sheeay in heshiiskii dowladda FKMG iyo isbahasyiga la magac baxay dib u xoreynta ku dhex maray dalka Jabuuti bishii lasoo dhaafay uu yahay fursad cusub oo la helay muhiimna ay tahay in laga faa’iideysto oo lagu taageero dhinacyada saxiixay heshiiskii Jabuuti meel marintiisa.Dhinaca kale raiisal wasaaraha Soomaaliya waxaa uu eedeyn u jeediyay dilalka iyo afduubyada loo geysanayo shaqaalaha gargaarka oo uu sheegay inuusan hadda cid si gaar ah ugu eedeyn karin,laakin waxa uu sheegay inay arrimahaas fuliyeen kooxaha muqaawamada ka wada gudaha dalka Somalia.

Axmed Xuseen (Jeesto) iyo Cusmaan Amerika. Baraawepost  Muqdisho iyo Marka.Somalia