WARARKA BARAAWEPOST khamiis 17 july 2008

Hayadaha WFP iyo Lordo oo gargaar cuno gaarsiiyay tuulooyin hoos taga deg Qoryooleey.

Waxaa si habsaami leh uga socdo tuulooyinka hoos taga degmada Qoryooley ee gobolka sh/ hoose howlo ku saabsan qeybinta gargaarka cunooyin deeq ah oo la gaarsiiyay dadka ku nool degaanadaas. Deeqahaas ayaa waxa ugu yaboohey laanta u qaabilsan qaramada midoobey dhinaca cuntada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (W.F.P) waxaana qeybinaayey deeqahaasi Hey,ada (LORDO) oo ka mid ah Hey,adaha wadaniga ee ka howl gala gobolka sh. Hoose.

Zam Zam Ibraahim Cali oo ah gudoomiyaha Hey,ada (LORDO) oo u warameysey wargeyska xiddigta Marka ayaa sheegtay in cuntooyinkaas oo isugu jira masaggo ,digir iyo boorish ay u qeybiyeen 20 tuullo iyo 10 daabyad oo hoos taga degaanada degmada qoryooley isla markaan ay sheegtay in ay deeqaha ay gaarsinayaa dadka ka soo barakacay fatahaadihi iyo daadadkii roobabka ay dhibaatada ka soo gaareen iyo waliba dadka ka soo baracay dagaalada ka socdo magaalada Muqdisho. Howshan  cunto qeybinta ah ee ay qaybinaysay Hey,ada (LORDO)ayaa socotay muddo 7 maalin ah waxaana illaa iyo haatan la gaar siiyey deeqahaasi  5500 oo qoys. Mar aan  socdaal dheer ku sii maray qeybo kala duwan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa muuqday in ay wadooyinka gobolka dhexmara gebi ahaanba  ay burbursan yihiin dadkuna ay raashiinka ay ku qaadinayeen gaarigacano halka dadka kalana ay ahaayeen kuwa dhabarkooda ku qaadinayay taasoo u baaahan in wax laga qabto wadooyinka gudaha deeganada gobolka sh/ hoose si loo gaarsiyo kaalmooyin gargaar dadkaas ay macluushu heshey.

Howshan cunto qeybinta ayaa waxaa sidoo kale gacan ka geystay maamulka iyo ciidamada degmada Qoryooley waxaaan kor meerayey sarkaal ka soctay Hey,ada (W.F.P) ee fadhigeedu yahay magaalada Marka iyadoo ay si weyn u soo  dhaweeyeen dadka ku dhaqan degaanadaasi inkastoo aysan baahidoodu weli fari ka qodneyn.

Dagaalo mar kale saakay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Saakay aadaankii salaadda subax ayaa waxaa si kedis ah mar keliya uga qarxay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka waddada warshadaha dagaal aad u culus kaasoo u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKMg oo wadajira iyo maleeshiyooyin ka tirsan maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed, iyadoo dagaalkaasina uu geystay qasaare isugu  jira dhimaasho iyo dhaawac sida ay sheegayaan wararka laga helayo goobahaas.

Dagaalkan ayaa bilowday ka dib markii dagaalyahanad maxaakiimta Islaamka ay weerar gaadmo ah oo u qorsheysnaa ku soo qaadeen fariisimaha ciidamada Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DF ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah waddada warshadaha, waxaana dagaalka oo markii hore ku bilowday madaafiic lagu weeraray xaruntii warshada baastada oo xarun u ah ciidamo itoobiyaan ah uu markii dambe isku bedelay mid fool ka fool ah, isagoo markii dambena ku fiday qeybaha kale ee waddadaasi ay ka deggan yihiin ciidamada DFKMG iyo kuwa Itoobiya sida Ceymiska, Carafaat, iyo isgoska Towfiiq.

Hugunka madaaficda iyo daryanka rasaasta ay isku adeegsanayaan dhinacyada dagaalamaya ayaa waxaa si weyn looga maqalayay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana xitaa madaafiicdii laysku riday qaarkood ay gaareen deegaano ka baxsan goobaha uu dagaalku ka socday sida xaafadaha  Jungal, Waxaracadde Suuqa Xoolaha iyo meelo kale

Waxaa sidoo kale wararku sheegayaan inay jiraan dad rayid ah oo ku sugnaa guryahooda oo ay ku habsadeen qaar ka mid ah ,waxaa illaa iyo haatan la soo sheegay inay dagaalkaas ku dhaawacmeen inta laga warqabo illaa todoba ruux .

Shir Jaraaid oo ay salaadiinta Somaliland shalay ku qabteen Magaalada Hargeysa

Illaa iyo lix Suldaan oo ka mid ah salaadiinta reer Somaliland ayaa shalay Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Hoteel Hadhwanaag ee magaaladda Hargeysa ayaa waxay kaga hadleen xaalada guud ee dalka, isla markaana waxay halkaas mahad-naq uga jeediyeen Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Beeshiisa tanaasulka iyo ogolaanshaha ay ku fasaxeen Riiggii dhawaantan Koonfurta magaalada Hargeysa biyaha ka soo saarayay ee ay dartii Shaqaaqadu uga dhacday.

Salaadiintan oo ka jawaabayay dhawaaq Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ku shaaciyay habeen hore in beeshiisu ay ogolaatay in Riigga meelihii kale ee looga faa’iidaysan karo la geeyo inta Ceelka koonfurta Hargeysa loo soo dhamaystirayo qalab la sheegay inuu ka dhiman yahy.

Suldaan Axmed Daahir Muuse oo ka mid ahaa Salaadiinta shirka Jaraa’id ka hadashay ayaa sidoo kale waxa uu u mahad-naqay Madaxweyne Daahir Rayaale oo uu sheegay in uu fasaxay dhoofka Xoolaha nool.

Suldaanka ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa “Hadal aan fiirsi loo oran iyo caano aan firiqsi loo dhamin labaduba way kula fogaadaan. Markaa beryahan dambe waxa ku soo badanayay Somaliland dhacdooyin yar-yar oo aan laga fiirsan, waana in talaabo kasta oo la qaadayo laga fiirsado.

Waxa kale oo beryahan la hadal hayay  arrinta dhoofinta Xoolaha Madaxweynuhuna wuxuu yiri waan fasaxay oo Xoolihi way dhoofayaan,markabkuna maanta ayuu imanayaa. Madaxweynahana talaabada uu qaaday waanu ugu mahadnaqaynaa.” ayuu yiri suldaan Axmed Daahir

Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar oo isaguna shirkaa ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay ka madax-dhaqameed ahaan ay iyagu doorkoodii dhex-dhexaadnimo ka galeen shaqaaqadii ka dhacday Hargeysa ee uu Riiggu dhaliyay islamarkaana ay ku guulaysteen, taana ay u arkaan guul u soo hoyatay Somaliland. “Waxaan kula dardaarmayaa dadka in kala dambaynta iyo dhaqanka la ilaaliyo.” Ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Suldaan Ibraahin.

Axmed Xuseen (Jeesto) iyo Cusmaan Amerika. Baraawepost  Muqdisho iyo Marka.Somalia