WARARKA BARAAWEPOST sabti 19 july 2008

 

Hey`adda CEFA oo hirgelisay qodista kanaal loogu magacdaray Liibanta.

Waxaa si habsami leh u socdo qodista kanaal loogu magacdaray liibanta oo ku yaala degaanada ku xeeran degmada Qoryooloey ee goblolka shabelaha hoose. kanaalkan oo dhirirkiisa gaarayo 12km ayaa waxa fulinaya hey,ada CEFA oo ka mid ah hey,adaha hostaga midowga yurub EU Isla markaana ka howl gala gobolka shabellaha hoose.Mar aan xiriir la sameynay dad ka mid ah Injineerada CEFA ayaa waxay noo shegeen in kanalkani lagu waraabin doono dhul beereed lagu qiyaasi 30 kun oo hektar  uuna baahi tiri doono dad gaaraya ilaa iyo 42 kun oo qoys kuwaasoo isugu jira beeraleyda yar yar iyo xoola dhaqatada wuxuu kaloo sheegay inay qodistan iska kaashadeen hey,ada CEFA iyo FAO oo ayada beeraleyda yar yar gacan siisa .


Kanaalkan ayaan la qodin muddo 9 bil ah iyadoo dhibato ay u qabeen xoolo dhaqatada iyo beeraleyda degaankaasi wuxuuna qeyb ka yahay horumarinta iyo dib u dejinta dadka soomaaliyeed ee ay haleeshay abaaraha, fataahaadaha  iyo dagaalda ka socda gobolada qaar.
Heyaddana CEFA ayaa horey u qoday kanaalo aad u faro badan sida kanaalada Bakoor, Keli Asayle iyo kuwa kale waxaana ku diirsaday beeraleyda iyo xoolaleyda waxeyna qeyb ka tahay kobcinta dhaqaalaha dadka iyo dalka soomaliyeed
.

Qabashada caado dhaqameedka Istunka ee degmada Afgooye oo uu hakad ku yimid.

Wararka naga soo gaaraya degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya inuu hakad ku yimid qabashada caada dhaqameedka Istunka Afgooye kaasoo aalaaba la qaban jirey xilligan iyadoo maalintii shalay oo kale ay horey u ahaan jirtay bilow isla markaana uu socon jirey mudo sadex maalmood ah .
Suxufi madax banaan oo ku sugan degmada Afgooye oo u waramayey shabakada warbaahinta BARAAWEPOST ayaa sheegay inuu hakadkan ku yimid qabashada caada dhaqameedkaas ay ka dambeysey kadib markii dhawaan gudaha degmada Afgooye lagu daadiyay waraaqo ay ku qornaayeen hanjabaado taasoo ku wajahneed ruuxii ka qeyb gala caada dhaqameedka istunka afgooye inuu la kulmi doono cawaaqib xumo iyo waliba dil taasoo sababtey in dadka ka qeyb qaadanaaya caada dhaqameedka istunka afgooye ay cabsi ka muujiyaan arrintaas.

Waxaa iyana jirta in dhawaan bam gacmeed lagu tuurey meel qolooyin ay ku ciyaarayeen ciyaar dhaqameed loo yaqaano (shirib) taasoo uu sadex ruux dhaawac ka soo gaarey lamana oga cidii ka dambeysey si kastoo ay ahaataba caada dhaqameedka istunka iyo dab shid sanadeedka ayaan la ogeyn siyaabaha uu uga dhici doono degaanada kale ee gobolada koofureed ee soomaaliya iyadoo qabaa'ilada kala duwan ay siyaabo kala duwan uga maamuusaan caada dhaqameed loo yaqaano dab shid sanadeedka kaasoo ay ka harsantahay mudo dhan 2 maalmood waxaana muuqatay in culu maa u diinka ku dhaqan gobolka shabeelaha hoose ay masaajidada ka jeediyeen in caada dhaqameedka loo baahanyahay in laga gudbo isla markana uusan ahayn wax salka ku haya DIINTA ISLAAMKA:

Siminaar ay beryahan wadday heyadda WFP oo xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Marka.

Waxaa habeenkii xalay ahaa  lagu soo gabagabeeyey hoolka tababarada ee xarunta IIDA  ee magaalada Marka ee xarunta gobolka shabeelaha hoose siminaar socdey mudo saddex maalmood ah oo ay soo qabanqaabisey HEY'ADA WFP ee fadhigeedu yahay magalada Marka.Siminaarkan oo lagu baranayay sidii dadka tabaaleysan loo gaarsiin lahaan cunooyin gar garaar ah ayaa waxaa ka qeyb galay 27 ruux oo ka kala yimid degmooyinka BARAAWE, MARKA AFGOOYE IYO magaalada MUQDISHO kuwaas oo ka socdey hey'adaha aan dowliga ahayn ee gacan saarka la leh HEY'ADA WFP waxayna ka qeyb galayaasha sidoo kale kaga faa iideysanayeen barsashada sidii loo xalin lahaa qilaafaadka ka hor imanaya xiliga ay raashinka qeybinayaan
siminarkaan aya waxaa bixinaayey qabiiro u dhashay dalalka KENYA iyo SOOMALIYA iyadoo ka qeyb galayashuna ay ka faa iideysteen sidii sahayda loo gaarsiin lahaa dadka soomaaliyeed ee ayabaaruhu iyo dagaaladu barakiciyeen iyadoo  HEY'ADA WFPna ay cunooyin ka qaybineyso qeybo ka mid ah gobolka shabelaha hoose balse u eg mid aysan fari ka qodneyn.

Axmed Xuseen (Jeesto) iyo Cusmaan Amerika. Baraawepost  Muqdisho iyo Marka.Somalia