WARARKA BARAAWEPOST talaado 22 july 2008

 

Qaar ka mid ah ciidamadii DFKMG ee tababarku ugu soo dhamaaday Itoobiya oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho.

 

Guutooyin ka tirasan ciidamadii DFKMG ee Somalia ee dhowaantan tababarku ugu soo dhamaaday gudaha dalka Itoobiya ayaa xalay ku hoyday degamada warmaxan ee ku dhow degmada Afgooye wxaana ciidamadan wada oo galbinaya  ciidamo Itoobiyaan ah.

Ciidamadan oo ku hubeysan gawaarida dagaalka ayaa shalay maqribnimadii soo gaaray halkaa iyagoo intii ay safarka ku soo jireen dagaal xooggan dorraad kula galay inta u dhexeysa Leego iyo degaanka Yaaq-bariweyne kooxaha Alshabaab dagaalkoos oo sida ay wararku sheegayaan geystay qasaare fara badan oo iusgu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo saraakisha ammaanka u qaabilsan DFKMG ayaa sheegaya inay dowladda FKMG ay ku hami weyn tahay inay ciidamadan wax badan ka qabtaan xaaladaha amaan darro ee ka taagan magaalada Muqdisho iyadoo la geyndoono ciidankaan islamarkaana ay ka howlgali doonaan goobaha ay had iyo jeer ka dhacaan weerarada lagu qaado ciidamada iyo howlwadeenada DFKMG iyo weliba deegaanada lagu tuhmayo iney ku xoogan yihiin kooxaha ka soo horjeeda Dowladda
KMG
.

Magaalada marka oo lagu soo gabagabeeyay imtixaanaadkii sannad dugsiyeedka 2007/2008.

Magaalada Marka ee xarunta gobolka sh .hoose ayaa lagu soo gabagabeeyay imtixaanka sanad dugsiyeedka 2007 iyo 2008 taasoo ay u fariisteen ilaa 4000 oo ardey oo wax ka barata dugisyada hoose dhexe ee magaalada marka ee xarunta gobolka shabeelaha hoose

Dugsiyadaas oo tiradoodu gaareyso ilaa 8 dugsi ayaa waxaa gacanta ku haysa Heyadda COSV oo ka mid ah Hey'adaha hoos taga midowga yurub isla markaana ka mid ah Hey'adaha ka howl gala g/sh/hoose.
Dr sh cabdi raxmaan oo ah agaasimaha 8 dugsi ee magaalada Marka oo u waramayey shabakadda warbaahinta ee Baraawepost ayaa sheegay in wax barashada dugsiyada la bilaabey sanadkii 1991 isla markaana  ay ka qalin jabiyeen ardey aad u tiro badan qaarkoodna dhigtaan jaamacadaha halka kuwa kalana nasiibkoodu noqdey waxbarasho dibadeed

Mar wax laga weydiiyey manhajka wax lagu barto ayaa waxa uu agaasimuhu sheegay  inuu yahay manhajkii hore ee wasaarada waxbarashada balse dib u habeyn ay ku soo sameeyeen Hey'adaga sida gaarka ah u daneeya horumarinta wax barashada. Sidoo kale  mar wax laga weydiiyey halka laga helo dhaqalaha lagu wado waxbarashada ayaa waxa uu sheegay inay kaalmo ka helaan Hey'adaha COSV iyo UNICEF iyo kuwo kale isagoo carabka ku dhuftey in ardeyda laga qaado lacag yar oo fee ah taasoo inta badan loo isticmaalo dayactirka iskuulada macalmiintana ay yihiin kuwo inta badan heegan u ah jiilka soo koraya inay wax baraan iyadoo caruurta agoonta iyo kuwa saboolka ah aan wax fee ah laga qaadin.

Si kastoo ay ahaataba magaalda Marka ee xarunta gobolka shabelaha hoose iyo degmooyinka hoos taga ayaa la oran karaa inkastoo aysan wax hor mar ah oo sidaa u weyn ka gaarin  dhinaca waxbarashada ay haddana aad uga wanaagsan yihiin oo u dhaamaan qaar badan oo ka mid ah gobolada iyo degmooyinka dalka, iyadoo sidoo kale magaalada Marka ay leedahay xarun dugsi sare oo ay gacantu ku hayaan hayadaha NEW WAY iyo WFL taasoo ah dugsi sare beero iyo mid caadi ah.

            

Waxaa weli degmooyinka qaarkood sida qoryooley Baraawe kunturwaarey awdheegle sablaale afgooye wanlaweyn oo todobaadkaan ka socdo imtixaanadii sanad dugsiyeedka ka socdey kuwaasoo ay inka badan ilaa 15000 oo ardey ah ay wax ku bartaan taasoo marqaati ka ah marka laga reebo magalada muqdisho gobolada koofur ee soomaaliya dhinaca waxbarashada oo uu ku hor maray waxayna qeyb ka tahay xal u helida arimaha somaaliya oo ay caruurta inta badan xiliga ay qaangaarka ka noqdaan ay hogaamiye kooxeedyada dagaalada u adeegsan jireen taasoo xiligaan laga gudbey

In ku dhow 2200 qoys oo ka barakacay degaanadooda fatahaaddii webiga  Shabeelle awgeed.

Tuulada lagu magacaaabo Afgooye yareey oo 18 km dhinaca waqooyi kaga beegan degmada kurtuwaareey ee gob.sh.hoose ayaa webi shabeelle uu ka fatahay 48 saac ee ugu danbeysay.
Cabdirashiid Joorje oo u waramayay shabakadda warbaahinta BARAAWEPOST ayaa sheegay in illa iyo 2200 oo qoys ay ka bara kaceen guryahooda kuwaas oo isugu jiray beeraleey yaryar iyo xoolo dhaqato iyadoo ay inta badan ay halkaasi gurmad gaarsiiyeen Hey'ada CONCERN oo jawaanociid lagu shubto ugu deeqdey dadkaas si looga hortago fatahaada wabiyada waxaana fatahaadaasi ay qasaaro gaarsiiyeen dhul beereed gaaraya ilaa iyo 800 oo hektar oo ay ku yaaleen dalagyo kala duwan sida galey, digir, sisin iyo waliba qudaar kala duwan. Fatahaadaani ayaa geysatey qasaaro isugu jira barakac iyo baabi`in dhul beereed iyadoo ay si xoogan u socdaan howlihi looga hortagi lahaa fatahaadaasi.

Guud ahaan dadka beeraleyda ee yar yar ee ku dhaqan g/sh/hoose ayaa waxaa heysta masiibooyin xooggan xiliga barwaaqada ee fatahaaduhu dhibaato gaarsiyaan xillina ay abaari haleesho waxaana muuqata in ay baabadey doorkii ay wasaarada beeraha ku lehayd ka hortaga fatahaadaha taasoo dib u dhac u keeni karta dalka iyo dadka soomaaliyeed sababtana in dadku ay ku soo xoomaan magalooyinka waaweyn sida Baraawe Marka iyo Muqdisho waxayna culumaaudiinku ay ku baaqeen in la badiyo ALLA BARIGA si shacabka soomaaliyeed dhibaatada uga baxaan.

Axmed Xuseen (Jeesto) iyo Cusmaan Amerika. Baraawepost  Muqdisho iyo Marka.Somalia