WARARKA BARAAWEPOST aRBACO 23 july 2008

Hey'adda Lordo oo dugsiyo wax barasho ka hir gelisay Tuulooyin hoostaga Deg Qoryooleey

NGO LORDA  oo ka mid ah NGO yada wadaniga ah ee ka howlgala degaanada Gobolka  Sh/Hoose ayaa waxay  dugsiyo wax barasho ka hir geliyay Tuulooyin hoos taga Deg Qoryooleey ee Gob SH/hoose .
Zamzam Ibraahim Cali oo ah Gudoomiyaha NGO ga Lordo oo u warameysay saxaafada ayaa shegtay in 16 Tuulo oo hoostago Deg Qoryooleey ay ka hirgiliyeen dugsiyo wax barasho waxeyna sheegtay in ay dugsiyadaasi ay dhigtaan arday tiradooda gaareyso 2020 arday 837 ardayna ay yihiin arday wax ku barato Deg Qoryooleey waxaana wax ka dhiga dugsiyadaasi macllimiin gaaraya 123 macalimiin.

  
Mar wax laga weydiyay Zamzam cidda gacan kasiisa ayaa waxey sheegtay Zamzam ibraahim Hay'adda UNICEF & Hay'adda EDC inay gacan ku siiyaan howlahaas iyadoo sheegtay in ay ugu deeqaan qalabka ardayda sida Buugaagta & meteriyaalka kale sidoo kale Hay'addahaasi ayaa tababar siiya macalimiinta wax ka dhiga dugsiyadaasi iyadoo inta badan macalimiintaasi  ay yihiin kuwa aan qaadan wax mushahar ah oo ay ku shaqeyaan si mutadawacnimo ah. Guud ahaan  degaanada Gob Sh/Hoose waxaa la oran karaa dhinaca wax barshada waa ay ku hormarsan yihiin gobolada kale ee koonfureed ee dalka dalka marka laga reebo magaalada Mogdisho.  Furitaanka dugsiyadan ayaa waxey ku soo beegmeen xilli sanad dugsiyeedka 2007-2008 ay u fariisteen imtixaan ilaa 16 kun oo arday taasi oo marqaati ka ah in ay dib u soo kabanayaan waxbarshada jiilka soo koraya ee ku nool degaanada Gob Sh/Hoose.

  

Isu socodka gadiidka & goobaha ganacsaiga ceelasha biyaha lafoole oo hakad ku yimid kadib markii Ciidamada DKM ay u dhaqaaqeen.

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye Ee Gobolka Sh/hoose ayaa shegaya in ciidamada  Mileteriga DFKMG ee shalay soo gaaray degmada Afgooye ay saakay u baqooleen dhinaca magaalada Mogdisho kuwaasoo socdaal dheer ku maray wadada u dhaxeysa Baar ismaaciil iyo weliba Ceelasha biyaha illa iyo Muqdisho wararka aanu halkaasu ka heleyno ayaa sidoo kale sheegaya inay ciidamadaas oo ay daba socdaan gaadiidkooda dagaal ay socod dheer ku marayaan waddadaas.
Socdaalkaan dheer ee ay ku jiraan ciidamadan  la filayo in ay ku jiheysan yihiin dhinaca Muqdisho ayaa waxaa guud ahaan hakad geliyay dhaqdhaqaaqa gaadiidka isaga goosha Magaalooyinka Muqdisho & Afgooye sidoo kale waxaa gebi ahaan xirmay goobaha ganacsiga  ceelasha biyaha lafoole & baar ismaaciil oo ay dadku baqdin ka qabaan in uu isku horimaad kale ka dhaco.

Ciidamadan ayaa tan iyo intii ay ku sugnaayeen Deg Afgooye ayaa waxaa gebi ahaanba xirnaa 24kii saac ugu danbeeyay qeybaha ganacsiga ee deg Afgooye  iyadoo maalinimadii shalay iska hor imaad gaaban uu ku dhex maray ciidamada booliska ee hoos tago maamulka gobolka  sh/hoose & kuwa meliteriga  DFKMG.


Dagaalkaasi inta la og yahay waxaa ku geeriyootay ilaa 3 askari oo laba ka mid ahi ay ahaayeen ciidanka  Booliska gobolka iyo hal askari oo kuwa DFKMG ah  halka tira kalena ey ku dhaawacantay
Dadka ku dhaqan degaanada Gob Sh/Hoose ayaa walaac weyn ka muujiyay ciidamadaan ku soo kordhay Gobolka ee ka yimid dhinaca Beydhaba waxeyna dadka si weyn u hadal haayaan in uu iska hor imaad dhex mari karo ciidamada Maamulka Gob Sh/Hoose & kuwa meletiriga.


Dhanka kale waxaa jirta cabsi in  kooxaha kacdoonka Maxkamada islaamiga ah & kuwa meletriga ay fooda islu dari karaan kuwaas oo horeyba ugu dagaalamay Degaanka Yaaqbariweyne
Guud ahaan degaanada Gob/Sh/Hoose ayaa maanta deggan iyadoo aan wax war ah kasoo bixin masuuliinta maamulka Gob & saraakiisha hor kaceysa ciidamada meletriga waxeyna dadka ay qabaan cabsi weyn iyadoo dhaqdhaqaaqa  ganacsiga & gaadiidka hoos udhac  ku yimid

Axmed Xuseen (Jeesto) iyo Cusmaan Amerika. Baraawepost  Muqdisho iyo Marka.Somalia