WARARKA BARAAWEPOST Khamiis 24 july 2008 Sheekh Shariif oo sheegay in kooxda Asmara ee uu madaxda u yahay Xasan Dahir ay doonayaan inay shacabka Soomaaliyeed dagaal ku sii hayaan. Guddoomiyaha guddiga fulinta ee isnaheysiga
dib u xoreynta soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay Kooxda
Asmara ku sugan ee uu horseedka u yahay Sheekh Xasan Daahir in ay doonayaan inay shacabka
Soomaaliyeed ku sii hoggaamiyaan dagaal kale oo daba dheeraa,halka garabka uu
isagu hoggaamiyona ay doonayaan inay ka
shaqeeyaan sidii uusan dagaal dambe uga dhicin dalka islamarkaana loo bad
baadin lahaa dadka iyo dalka
soomaaliyeed inta ka harsan. Sheekha ayaa sidoo kale yiri dhiigga Soomaaliyeed hala badbaadiyo munkar ma ahan ee waa macruuf isla markaana uusan khilaafka cusub ee soo kala dhex galay isbaheysiga wax saameyn ah ku yeelan doonin dadaalada nabadeed ee ka socda dalka iyo dibada, wuxuuna tilmaamay in garabka Asmara ku haray ay u muuqdaan kuwo ka soo horjeedo xal laga gaaro dalka Somalia iyo degganaantiisa. Sheekha oo ka hadlay xil ka qaadistii ay ku sameeyeen soddonka xubnood ee ka tirsan isbaheysiga ee ku haray Magaalada Asmara ayaa sheegay ineysan jirin sabab xilka looga qaado iyadoo aan loo soo marin wadadii loogu talagalay,isla markaana sababta xil ka qaadistaas aan jirin loogu dhawaaqay ay tahay heshiiska Jabuuti maxaad u saxiixday oo aad nabad u oggolaatay. Dadwewyne fara badan oo maanta ka qaybgalay aaska marxuum Cabdalla Nuuradiin. Allaha u naxariistee marxuum cabdalla Nuuraddiin oo shalay maqribnimadii ku geeriyoodey xaafadda Shibis ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta meydkiisa lagu aasay qabuuraha Sheekh Cali Cabdulle oo ku yaala Duleedka waqooyi ee Magaalada Muqdisho waxaana aaska marxuumka ka qayb galay kumanaan ruux oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho. Marxuum cabdalla Nuuraddiin oo ahaa fanaan iyo jilaa caan ahaa oo soo mara dalka soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu ahaa weriye iyo xiriiriye barnaamij oo caan ah isla markaana ay dadku aad u jeclaayeen inay dhageystaan barnaamijyada uu tebin jiray. Marxuumka ayaa horey uga soo shaqeeyay hey’adihii warbaahinta dalka ee xiligii berisamaada siiba Idaacadii radio Muqdisho, wargeysyadii Qaran, Mogadishu Times, iyo sidoo kale Idaacadda Horn Afrik iyo Cabital Voice. Maamulka iyo dhamaan aqristeyaasha shabakadda warbaahinta ee Baraawepost ayaa waxay tacsi u dirayaan qoyskii ehaladii iyo qaraabadii uu ka Geeriyooday Marxuum Al-Ustaad Cabdalla Nuuradiin Axmed, waxeyna Ilaahay uga baryayaan inuu janadii Fardowso ka waraabiyo eheladii uu ka geeriyoodey iyo dhamaan shacabka soomaaliyeed ee uu ka tagayna uu samir iyo iimaan ka siiyo Aamiin Aamiin Dagaal culus oo saakay waaberigii ka qarxay magaalada Beledweyn. Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda joogitaankooda ayaa saakay waaberigii ka qarxay gudaha magaalada Beledweyne. Dagaalkaan yaa yimid kadib markii xalay saqdii dhexe ay ciidamada Itoobiyaanku gudaha u galeen magaalada Beledweyne iyagoo fariisimo ka samaystay saldhigga magaalada iyo labada buundo ee isku xirta magaalada. Dadweyne fara badan ayaa saaka bilaabay in ay ka barakacaan magaalada Balad weyn kuwaasoo u sii cararay goobo ka baxsan halkaasi iyagoo ka ka baxsanaya madaafiicda ku soo dhaceysa xaafadahaasi. Lama hayo illaa iyo haatan warar faahfaahsan oo ku sabsan qasaaraha dagaalku inta uu leegyahay Ciidamadii DFKMG ee shalay soo gaaray Muqdisho oo isla shalay dagaal lagala horyimid iyo Fadhigii Qaramada Midoobey ee shalay oo looga hadlay arrimaha Somalia Dagaal
xooggan ayaa shalay galab ku qabsaday qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ee
ciidamada DFKMG ee dhowaan tababarka mkun soo dhamaystay Itoobiya kuwaasoo
shalay ay qeyb ka mid ahi soo gaareen magaalada Magaalada Muqdisho. Sida ay sheegayaan wararaka aanu ka heleyno Newyork Golaha amaanka ayaa isku raacay in taageero dhaqaale iyo mid Militeri oo isugu jirta qalab ciidan iyo tababaro dhanka ciidamada ah loo fidiyo dawladda Soomaaliya iyo in la cambaareeyo cid walba oo ka soo horjeeda heshiiskii dhowaan lagu saxiixey Magaalada Jabuuti ,ayadoo loo saaray gudi madax banaan oo ka soo baaraan daga talaabooyin laga qaado ciddii ku xadgudubta heshiiskaas . Arrinta ku saabasan codsigii uu golaha u gudbiyay wasiirka arrimaha dibadda ee DFKMG ee ku saabsanaa in ciidamo loo soo diro Soomaaliya ayaa xubnaha golaha amaanka ee Qaramada Midowbay ku balameen in layskugu soo laabto Bisha soo socota 25-keeda ,waxaana arintaasi loo saaray gudi ka kooban 5 xubnood oo ka baaraan daga soona qiimeeya xaalada Soomaaliya & waxyaabaha ay ciidamadaasi qabanayaan ee la xiriira dhinaca howlgallada
Axmed Xuseen (Jeesto) iyo Cusmaan Amerika. Baraawepost Muqdisho iyo Marka.Somalia
|