WARARKA BARAAWEPOST AXAD 6 JANUARY  2008

WAA IN LA DHOWRAA TAARIIQDA REER BARAAWE   

AQOON LA AAN WAA IFTIIN LA,AAN WAXAA XUSID MUDAN SHAQSI WALBOO ISKU DAYA INUU TARIIQ AMA WARBIXIN KA QORO BULSHADA REER BARAAWE WAA INUU AQOON U LEEYAHAY TAARIIQDA FACA WAYN EE AY QOWMIYADA LEEDAHAY, WAA INUUSAN SHAQSI U GEFIN,WAA INUU KA FOGAADO BEENTA MALA AWAALKA  IWM.

MAALMAHAAN DANBE WAXAA SOO BAXAY  SHAQSIYAAD GAAR OO MAQAALO AYSAN KA FIIRSAN ISKA QORA AFLAGADO IYO BEEN AAN JIRIN KA SHEEGA AQOONYAHANADA IYO ODAYAASHA WAXAAN XUSAYAA MAQAALKII KU MAGACAAWNAA CABDICASIIS ABUUKAR BAAFO IYO ODOYAASHA QADKA KA LUMAY. HADABA WAXAAN SHAQSIGAA U SHEEGAYAA IN   DR ABDIAZIIZ BAAFO IYO ODOYAASHA UU LEEYAHAY WAY MARIN HABAABEEN  WAA INUU UGU HORAYN  SOO OGAADAA WAXAY YIHIIN IYO HALKA AY KAGA JIRAAN BULSHADA TODOBA TOL IYO TOOREBA   SHAQSIGAA WAXA KALE UU QORAY WAXAY AHAYD IN AY REER BARAAWE LEEYIHIIN HAY;ADO KALA SAREEYA WA YAABE MA INOO SHEEGI KARAA HAY;ADAHAA HALKAY KA JIREEN IYO GOORTII LA AAS AASAY IYO WAXAY QABAN JIREEN   MAANGAABNIMADA UU SHEEGAY IYO LAASHUUSHAKA AY QAATEEN WAA YAABE SHAQSIGAA MA ISAGAA AQOON LEH AMA BULSHADA MAGAC KU LEH WAXAAN MARKALE SHAQSIGAA GEFKA BALAARAN U GAYSTAY ODYAASHII AQOONYAHANADA INDHEERGARADKII INUU KA WAANTOOBO UUSANA FARA GASHAN HOWLO ISGA AANAN QUSAYN UUSANA TAARIIQDA BULSHADA BARAAWE KA BEEN ABUURAN TAARIIQDAASOO SOO JIRTAY MUDO KA BADAN 10 QARNI IN KA BADAN REER BARAAWE WAA DAD SHARAF IYO DIINTA LAGU XURMEEYO HADAAN TAARIIQDA SOO JIREENKA AAN WAX XUSO REER BARAAWE WAXAY KA QAYB QAATEEN FIDINTII DIINTA ISLAAMKA  SIDAAD BADANKIINA AAD OGTIHIIN MAANTAY WAXAA BARAAWE  MISAAJIDYO AAD U FAC WAYN 10 QARNI KA BADAN DHISAN WAXAA KA DHASHAY MASHAAIQ DUNIDA ISLAAMKA AAD LOOGA YAQAAN WAXAA KA MID AHALLAHA KA RAALI NOQDO NAXARIISTII JANO ALLE HAKA WARAABIYO SHEEKH AWAYS SHEEKH QAASIN BARAAWI, MACALIM ABDULLE  IYO CULIMO KALOO FARA BADAN AANA HALKAAN KU SOO KOOBI KARAYN XAGA XORIYADA MARKAAN U LAABTO  QOWMIYADA BARAAWE WAXAY KA QAYB QAATEEN AYNA SI AADA ULLA DAGAALAMEEN GUMAYSTIHII TALYAANIGA WAXAAN XUSAYAA URURKII GOBONIMO DOONKA SOOMAALIYEED SYL 13KII DHALINYARO OO SOOMAALIYA OO DHAN MATELAYSAY IN LABO KA MID AY AHAAYEEN REER BARAAWE WAA GUDOOMIYIHII UGU HOREEYEY  NAXARIISTII JANO ALLE HA WARAABIYO MUDANE ABDULKADIR SHEEQ SAQAAWADIIN  SIDOO KALE AFHAYEENKII UGU HOREEYEY EE URURKII SYL ALLLAHA U NAXARIISTO JANADII FARDOOWSA  ALLE HAKA WARAABIYO  MUDANE MOHAMED OSMAN BAARBE IYO HALGAMAAYAL AANAN HALKAAN KU SOO KOOBI KARIN HADABA WAXAAN XASUUSINAYAA IN BULSHADA TAARIIQDAAS FACA WAY AY LEEYIIN XAGDIIMEED IYO XAG WADANINIMOBA  BEESHA REER BARAAWENA TAARIIQO BADAN LAGA QORAY NINKA ISKU MAGACAABAY LO JIR AMA GEEL JIR WUXUU DOONOBA HA AHAADEE OO U GEFAY DR ABDIASIIS BAAFO  KUNA TILMAAMAY MAAN GAAB BAL ADIGA KUMAAD AHAYD? DR ABDIASIIS BAAFO BOGAA IYO TAARIIQDAA UU SOO QORAY MA AHAN  QORAAL UU ISKA QORAY  WAA TAARIIQ  QORAN MUDO DHEERNA LA QORAY  QOFKII RABANA WUU HELI KARAA  WAASE QOFKII YAQAANA SIDA TAARIIQDA LOO RAADIYO ,AQRISTOOW SALDANA BARAAWE WAY DHISNAYD WELIGEEDNA WAY DHISNAANAYSAA MA AHAN MID MAANTAY NORTH AMERICA LAGU DHISAAYO MANA AHAN JAGO DOORASHO LOO GELAYO SULDAANKA REER BARAAWE WAA  SULDAAN HAYDAR SUUFI MUNYE OO LOO CALEEMO SAARAY MUDO HATAN LAGA JOOGO 20 SANO  WABILAAHI TOWFIIQ.  

JAWAAB YAR OO FAAHFAAHSAN HADDAAN KA SIIYO GEEL JIRKA QORAALKII LAGA SOO MINGUURIYAY DOKUMENTIGII ENRICO CERULLI KOLLEY GEELJIRKU WAXAAN ISKA GARAN KARAA INUUSAN AQOON GAAR AH U LAHAYN LUQADDA TALYAANIGA OO UUSAN SII AQRISAN QORAALKAAS WAXAA KALOO LAGA YAABAA IN GEELJIRKAAS QORAALKAAS SI QALAD AH LOOGU FASIRAY SUAALAHA UU ISWEYDIIYAY LO JIRKU WAXAA KAMID AH YUU WAREYSTAY QORAAGU MA GEEDUHUU WAREYSTAY TAAS WAXAAN UGA JAWAABI LAHAA GEEL JIROOW HADDAAD FAHMI KARTID LUQADDA UU QORAALKAAS KU QORAN YAHAY EE AF TALYAANIGA AH ENRICO CERULLI KUMA UUSAN ORAN CID BAAN WAREYSTAY EE WUXUU KU YIRI QORAALKIISA SECONDO LE ATTESTAZIONI SCRITTE RILASCATE DAL´AMMINSTRAZIONE FASCISTA ITALIANA FAQI E MUNYE  SONO STATI CONFERITI TITOLI DI SULTANO. TAASOO MICNAHEEDU YAHAY HADDAAN KUUGU MICNEEY AF INGIRIISI ” ACCORDING TO THE WRITTEN ATTESTATIONS ISSUED BY TH E ITALIAN ADMINSTRATION FAQI AND MUNYE HAD BEEN CONFERRED THE TITLE OF SULTAN.

GEEL JIROW HADDAN WELI AF SOOMAALI KUUGU SII FAAHFAAHIYO WUXUU WERIYUHU QORAALKIISA NOOGU SHEEGAY SIDA KU CAD DOKUMENTIYO QORAAL AH OO KA SOO BAXAY XAFIISKII MAAMULKA TALYAANIGA EE SOMALIA WAXAA LABADAAS SHAQSI LOOGU MAGACAABAY DARAJADA SULDAANINO.                                 
 
QORE ABDULFATAH OMAR MOHAMED( MADAXEEY)

fataah05@hotmail.com

ARAGTIDA QORAALKAN KU XUSAN MASUUL KAMA AHA BARAAWEPOST WIXII JAWAAB AH WAXAA TOOS LOOGU DIRI KARAA QORAAGA KU SAXIIXAN QORAALKA.