WARARKA BARAAWEPOST Isniin 10 decemBER 2007

                    BARBAARINTA UBADKA

                     BAR UBADKAAGA XUQUUQDA WAALIDKA

 

قَالَ اللهُ تَعَالَى: {وَقَضَى رَبُّكَ أَلاَّ تَعْبُدُواْ إِلاَّ إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِندَكَ الْكِبَرَ أَحَدُهُمَا أَوْ كِلاَهُمَا فَلاَ تَقُل لَّهُمَآ أُفٍّ وَلاَ تَنْهَرْهُمَا وَقُل لَّهُمَا قَوْلاً كَرِيمًا 23 وَاخْفِضْ لَهُمَا جَنَاحَ الذُّلِّ مِنَ الرَّحْمَةِ وَقُل رَّبِّ ارْحَمْهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيرًا} {سورة الإسراء:23-24}.

(Rabbigaa wuxuu go'aamiyay in aydnaan cid aan isaga ahayn caabbudin, labada waalidna u sama-fashaan, haddii midkood ama labadooduba agtaada ku gaboobaan, haku oran ereyo xurmo darro ah, hana hariifin, waxadna ku tiraahdaa hadal xurmo iyo cisayn leh. Uguna raarici "labadaada waalid" garabka nuglaanta si naxariis leh, waxaadna dhahdaa: Rabbiyoow ugu naxariiso siday markaan yaraa iisoo koriyeen) (Al-Israa': 23-24).

Waxyaabaha ugu mudan ee barbaariyuhu inuu ubadka baro looga baahan yahay waxa weeye xuquuqda ay labadiisa waalid ku leeyihiin, si uu baarri ugu noqdo, warkooda u maqlo, ugu sama falo, ugu adeego, kolkay gaboobaan u daryeelo, codkiisa aanu codkooda ka kormarin, markay dhintaan keddib usoo duceeyo, iwm., oo xuquuq waajib ah iyo edeb waalidnimo oo lama huraan ah.

Bal aynu dardaarankii Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) uu ummaddiisa kula dardaarmay, kuna saabsanaa baarri u noqoshada waalidka wax ka taabanno. barbaariyaha iyo waalidku waa inay carruurtu intay yaryihiin dardaarankaas baraan say dusha uga qaybaan, talooyinka la socdana u raacaan.

Raallinimada Alle raallinimadooday ku jirtaa.

- Cabdullaahi ibnu Camr ibnul-Caas (RC) wuxuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Raallinimada Alle waxay ku jirtaa raallinimada waalidka, carada Allena waxay ku jirtaa carada waalidka)[1].

Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Ubad abaalka waalidkiis ma gudi karo in isagoo addoon la leeyahay ah intuu arko uu iibsado dabadeedna xoreeyo mooyee)[2].

U baarri noqoshadooda ayaa ka horraysa Jihaadka.

- Cabdullaahi ibnu Mascuud (RC) waxa laga weriyay: Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ayaan weydiiyay shaqa la qabto tee Alle ugu jecelyahay?. Wuxu yiri: (Salaadda oo waqtigeeda la tukado). Wuxuu yiri: Maxaa xiga?. Wuxuu yiri: (Labada waalid oo baarri loo noqdo). Wuxuu yiri: Maxaa xiga?. Wuxuu yiri: (Jidka Alle oo lagu jihaado)[3].

- Mucaawiye ibnu Jaahima Al-Sulami (RC) waxaa laga weriyay: Jaahima (RC) ayaa Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) u tegay kuna yiri: Rasuul Alloow waxan doonayaa inaan duullaan galo, waxanan kuugu imid inaan kula tashado. Wuxu ku yiri: (Hooyo ma leedahay?). Wuxuu yiri: Haa. Wuxuu yiri: (La joog iyada, Jannadu labadeeda lugood ayay ku ag taalle)[4].

- Cabdullaahi ibnu Camr ibnul-Caas (RC) wuxuu yiri: Nin baa intuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) u yimid, ku yiri: waxaan Axdi kugula gelayaa inaan haajiro oon jihaado anigoo ajar Alle uga doonaya. Wuxuu (Nabigu) yiri: (Labadaadii waalid mid ma ka noolyahay?). Wuxuu yiri: Labadoodii ayaaba wada nool. Wuxuu (Nabigu) yiri: (Mana ajar baad Alle ka doonaysaa?). Wuxuu yiri: Haa. Wuxuu yiri: (Labadaada waalid u laabo oo iyaga wanaag kula joog)[5].

Werin kale waxay leedahay: (Laba waalid ma leedahay?). Wuxuu yiri: Haa. Wuxuu yiri: (Iyaga ku jihaad).

Isla Cabdullaahi ibnu Camr ibnul-Caas (RC) waxaa laga weriyay: (Nin baa Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) u yimid, kuna yiri: Waxaan u imid in aan Jihaad Axdi kugula galo, waxanan kasoo tegay labadaydii waalid oo ooyaya. Wuxuu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) yiri: (Noqo oo sidaad uga oohisay uga qosli)[6].

Usoo ducee, saaxiibbadoodna soo dhowee:      

Waxa taladaas laga tixraacayaa Aayadda Qur'aanka ah:

{وَاخْفِضْ لَهُمَا جَنَاحَ الذُّلِّ مِنَ الرَّحْمَةِ وَقُل رَّبِّ ارْحَمْهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيرًا} {سورة الإسراء: 24}.

(Ugu raarici "labadaada waalid" garabka nuglaanta si naxariis leh, waxaadna dhahdaa: Rabbiyoow labadooda ugu naxariiso siday markaan yaraa iisoo koriyeen) (Al-Israa': 24).

- Abuu-Hurayra (RC) waxaa laga weriyay: Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Allaha sarreeyaa addoonka suubban Jannada dhexdeeda darajo ayuu kor u qaadaa, markaas buu yiraahdaa: Alloow tanna xaggeen ka helay?. Wuxu yiraahdaa: Ubadkaagii dembi dhaaf uu kuu weydiiiyay "baad ku heshay")[7].

- Cabdullaahi ibnu Cumar ibnul-Khadhaab (RC) wuxuu tusaale wanaagsan inoogu yahay wiil wanaagsan oo baarri ah, Cabdullaahi ibnu Diinaar baana qisadiisa ka sheekaynaya isagoo leh: Cabdullaahi ibnu Cumar oo Makka kusii jeeda ayaa waxay waddada isku heeleen nin. Ninkii buu markaas dameerkiisii ku qaaday, cimaamad madaxa ugu duubnaydna wuu siiyay. Ibnu Diinaar wuxuu yiri: Markaas baynu niri: Alle ha ku hagaajiyee, waa dad reer baadiyaa, waxyar bayna raalli ku noqdaan. Cabdullaahi wuxuu yiri: Ninkaan aabbihiis baa aabbahay Cumar ibnul-Khadhaab saaxiib la ahaa, waxaanan maqlay Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) oo leh: (Baarinnimo ta ugu baarrisani waa in ninku saaxiibbada aabbihiis reerohooda  xiriiriyo)[8].

Hadday Gaalo yihiin xariiri:

- Asmaa' bintu Abii-bakar (RC) waxa laga weriyay: (Hooyaday oo dan iigu socota ayaa waqtigii Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) iyadoon weli islaamin ii timid. Markaas baan Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) inan xiriiriyo iyo in kale weydiiyay. Wuxuu yiri: (Haa, hooyadaa xariiri)[9].

Baarrinimada Hooyadaa ka horraysa ta Aabbaha:

- Abuu-Hurayra (RC) waxaa laga weriyay: Nin baa Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) u yimid, kuna yiri: Rasuul Alloow dad yaa in aan wanaajiyo ugu xaq leh?. Wuxu yiri: (Hooyadaa). Wuxu yiri: Keddibna?. Wuxu yiri: (Hooyadaa). Wuxu yiri: Keddibna?. Wuxuu yiri: (Hooyadaa). Wuxu yiri: Keddibna?. Wuxu yiri: (Aabbahaa)[10].

Werin kale waxay tiri: (Hooyadaa, keddibna hooyadaa, keddibna hooyadaa, keddibna aabbahaa, keddibna kan kuu xiga, kan kaasii xiga).

-  Caa'isha (RC)waxa laga weriyay: Waxaan iri: Rasuul Alloow naagta yaa dad ugu xaq badan?. Wuxuu yiri: (Ninkeeda). Waxaan iri: Ninka yaa dad ugu xaq badan?. Wuxuu yiri: (Hooyadiis)[11]

Diinta Islaamku laba sababood dartood bay baarrinimada hooyada tan aabbaha uga hormarisay:

- Hooyadu waxay dhallaanka kasoo martay dhibaato ka badan tan aabbuhu kasoo maray maadaama ay sagaal bilood caloosha ku sidday. Waxa weliba intaas u dheer; dhaliddiisii, nuujintiisii, daryeelkiisii iyo barbaarintiisii. Waxa taas si saraaxad leh uga hadashay Aayaddan:

{وَوَصَّيْنَا الْإِنسَانَ بِوَالِدَيْهِ حَمَلَتْهُ أُمُّهُ وَهْنًا عَلَى وَهْنٍ وَفِصَالُهُ فِي عَامَيْنِ أَنِ اشْكُرْ لِي وَلِوَالِدَيْكَ إِلَيَّ الْمَصِيرُ} {سورة لقمان: 14}.

(Aadanaha waxaynu kala dardaarannay labadiisa waalid "inuu baarri u noqdo", hooyadiis tabaryari tabaryari ladul saaray bay ku qaadday, naas ka gooyntiisuna laba sano ayay qaadatay, igu mahadi labadaada waalidna ku mahadi, xaggayga "aniga Eebbaa" ayaana ugu dambaysta loosoo noqonayaa) (Luqmaan: 14).

- Hooyada wuxuu Eebbe ku beeray naxariis iyo turid dheeraad ah, iyadoo ilmaha aabbaha ka daryeeli og. Haddaba waxa laga yaabaa inuu iska sahashado xaqa hooyadiis ku leedahay, markuu arko sida ay ugu naxariisanayso, uguna turayso. Sidaas darteed bay shareecada Islaamku ubadka kula dardaarantay inuu hooyada u roonaado, si aanu xaqeeda u sahlan, u baarri noqoshadeeda iyo daryeelkeedana u fududaysan.

Hooyada naxariisteeda waxa aad ka garan kartaa in ubadku si kastuu caaq u yahay, ugu jeesjeeso, ugana jeesto, waxaas oo dhan way iska illoowdaa marka uu jirrado amay dhibaato ku dhacdo.

Asluubta baarrinimada labada Waalid:

Barbaariyaha waxa waajib ku ah inuu ubadka baro asluubtii ay waalidkood kula dhaqmi lahaayeen, waxayna u habaysan tahay sidatan: In aanay hortooda socon, in aanay magacyadooda ugu yeerin, in aanay kahor fariisan, in aanay waanadooda dhibsan, raashin ay eegayaan  in aanay cunin, in aanay meel ka sarraysa korin, in aanay amarkooda diidin, iwm.

Axadiithta Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ee in labada waalid baarri loo noqdo dadka ku tirtirsiinaysa waxaa kamid ah:

- Waxaa la weriyay: Nin baa Abud-Dardaa' (RC) u yimid, kuna yiri: (Aabbahay isagaa markii hore khasab iigu guuriyay, haddana wuxuu igu amray inaan iska furo). "Abud-Dardaa'" wuxu yiri: (Anigu ku dhihi maayo labadaada waalid ku caasi, kumana dhahayo xaaskaaga fur, balse haddaad doonto waxan kuu sheegayaa wixii aan Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka maqlay. Waxaan maqlay isagoo dhahaya: (Waalidku waa albaabada Jannada kan u dhexeeya ee albaabkaas ilaasho haddaad doontana iska daa). Wuxu yiri: (Ninkii xaaskii wuu iska furay)[12].

- Ibnu Cumra (RC) waxaa laga weriyay inuu yiri: Waxaan qabay naag aan jeclaa, Cumar baase necbaa. Wuxuu igu yiri: Iska fur, ha yeeshee waan diiday. Cumar (RC) intuu Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) u tegay buu u sheegay. Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu markaas igu yiri: (Aabbahaa warkiisa maqal)[13].

Wararkii dadkii horee suubbanaa haddaynu xoogaa idiinka tebinno:

- Waxa la weriyay: Abuu-Hurayra (RC) ayaa nin uu aabbihiis daba socdo ka daba yimid. Markaas buu weydiiyay: (Waa ayo ninkaan ku daba socdaa). Wuxuu yiri: Waa aabbahay. Wuxuu yiri: (Xaqii waad geftay sunnadiina ma aadan haleelin. Aabbahaa ha hor socon ee ama midigtiisa soco ama gadaashiisa soco, cidi yaanay idin kala dhex gelin, cad uu fiiriyayna ha qaadan waa intaasoo uu rabooday eh. Aabbahaa il qoonsi leh ha ku eegin, ha fariisan jeer uu fariisto, hana seexan jeer uu seexdo)[14].

- Abuu-Ghassaan Ad-Dabi wuxuu yiri: Maalin anigoo aabbahay la socda baa waxa igu soo baxay Abuu-Hurayra (RC). Wuxuu iweydiiyay: Waa kuma kani?. Waxan iri: Aabbahay. Markaas buu yiri: (Aabbahaa ha hor socon ee ama daba soco ama dhinac soco, cidna ha u oggolaan inuu idin kala dhex galo "marka aad fadhidaan ama socotaan", meel isaga ka sarraysana haku socon, laf uu aabbahaa fiiriyayna ha cunin waxa laga yaabaa inuu rabooday eh).

Caasinnimo laga digo:

Caasinnimo micneheedu waxa weeye warka waalidka oo la diido iyo xuquuqda uu leeyahay oo la gudan waayo. Caasinnimada waxa kamida:

- Kolkuu xanaaqo inuu waalidkiis il kulul ku eego.

- Inuu isu arko inu waalidkiis la siman yahay.

- Inuu iska weynaysiiyo dhunkashada gacanta waalidkiis iyo inuusan si ixtiraam iyo qaddarin leh ugu istaagin.

- Inuu isla weyni darteed ka xishoodo in waalidkiis lagu garto, gaar ahaan markuu qof boos sare bulshada uga jira yahay.

- Inuu labadiisa waalid oo faqiir ah quudin waayo.

- Inuu waalidkiis ka san taago, dhibsado, ku qayliyo, hadal xun yiraahdo, sharaf darri iyo wax dadnimadooda wax u dhimayana usoo jiido.

- Abuu-Bakrata, Nufayc ibnul-Xaarith (RC) waxaa laga weriyay inuu yiri: (Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu yiri: (War hooya ma idiin sheegaa dembiyada waaweyn kuwa ugu waaweyn) "saddex jeer". Waxaan niri: Haa Rasuul Alloow. Wuxuu yiri: (Eebboo shirko loo sameeyo "wax kale lala caabbudo", waalidkoo lagu caasiyo), xusulkuu cuskanaaye wuu soo fariistay, markaas buu yiri: (War hooya hadalka been abuurka ah iyo markhaati beenaadka), wuxuuna ku celcelinayay ilaa aan is dhahnay mar uun muu aamuso)[15]

- Aanas ibnu Maalik (RC) waxa laga weriyay: Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ayaa soo hadal qaaday ama wax laga weydiiyay dembiyada waaweyn, wuxuna yiri: (Eebbe oo shirko loo sameeyo, labada waalid oo caasi lagu noqdo, naf la gooyo iyo markhaati beenaad la furo)[16]

- Cabdullaahi ibnu Camr ibnul-Caas (RC) waxaa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Dembiyada waaweyn waxaa kamid ah ninka oo labadiisa waalid caaya). Waxa la yiri: Rasuul Alloow ma nin baa labadiisa waalid caayaya?. Wuxuu yiri: (Haa, ninku wuxuu caayaa ninka kale aabbihiis, markaas buu isna aabbihiis caayaa, wuxuu caayaa hooyadiis markaas buu isna hooyadiis caayaa)[17]

- Waxa kaloo laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Dembiyada ugu waaweyni waa Alloo shirko loo sameeyo, labada waalid oo lagu caasiyo, naf la gooyo iyo dhaar quudsiiso)[18]. Quudsiiso waxa loogu bixiyay qofka ayaa ulakac been ugu dhaaranaya markaas bay dembi quudsiinaysaa.

- Abuu-Hurayra (RC) waxa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Waxa sandulloobay oo sandulloobay oo sandulloobay qofkii labadiisa waalid, labadooda ama midkood gaboow ku gaara keddibna aan Janno gelin)[19].

- Waxa kaloo  laga weriyay: Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Saddex baryo shaki ma laha oo waa la aqbalayaa; ducada qofka dulman, ducada musaafurka iyo habaarka labada waalid ay ubadkooda habaaraan)[20].

- Mughiira ibnu Shucba (RC) waxa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Eebbe wuxu idinka xarrimay hooyoooyin ku caasin, "wixii lagugu leeyahay" diid iyo "wax aadan lahayn" doon, gabdho nolol ku duug, wuxuna idinla nacay kutiri kuteen, weydiisasho badni iyo maal ku ciyaarid)[21].

Arrimihii aynu soo sheegnay haddaynu qodobbo kala soo dhex baxno laga doonayo barbaariyuhu inuu ubadka baro kuna boorriyo, waxay noqonayaan sidatan:

1-Hooyada iyo aabbuhu in wax kasta ooy ubadkooda faraan u ka yeelo, waxaan dembi Alle laga galo       ka ahayn.

2-Si naxariis iyo edeb leh inuu ula hadlo

3- Markay soo galaan inuu u istaago.

4-Gacanta inuu ka dhunkado subax iyo galab iyo mararka ay munaasabaduhu jiraan sida ciidaha oo       kale.

5-Sumcaddooda, maalkooda iyo sharaftooda inuu dhawro.

6-Inuu sharfo, wax kasta ooy dalbadaanna uu siiyo.

7-Arrin kasta inuu kala tashado.

8-U ducayntooda iyo u dembi dhaafid dalabkooda inuu badiyo.

9-           Haddii ay martiyi u joogto intuu irridka ag fariisto, halkay eegayaanna isha ku haayo, waa intaas ooy si qarsoodi ah wax u doonayaane.

10-Wixii ka farxinaya inuu sameeyo iyagoon xitaa weydiisan ama amar ku bixin.

11-Hortooda in aanu codka sare ugu qaadin.

12- Markay hadlayaan in aanu warka ka dhex gelin.

13-Guriga in aanu ka bixin haddaanay u idmin.

14-Kolkay hurdaan in aanu ku buuqin oo hurdada ka qasin.

15-Xaaskiisa iyo carruurtiisa in aanu ka hormarin.

16-   Hadday sameeyaan wax aanu u bogin in aanu eedayn.

17- Meel ay joogaan in aanu ku qoslin, haddaanay qosolkaas wax keeni karaa jirin.

18-     Dhinaca iyaga xiga in aanu raashinka ka cunin.

19-     Gacanta in aanu raashinka hortood u taagan.

20-     Iyagoo fadhiya in aanu seexan inay u idmaan mooyee.

21-     Labada lugood in aanu hortooda ku fidsan.

22-     Meel la gelayo in aanu hortood gelin, ama aanu hor socon.

23-    Hadday u yeeraan inuu degdeg uga yeelo.

24-     Saaxiibbadood inuu soo dhoweeyo intay noolyihiin iyo keddib geeridooda labadaba.

25-  Qof aan waalidkiis baarri u ahayn in aanu la saaxiibin.

26-  Ducada inuu u badiyo gaar ahaan geeridooda keddib, maxaa yeelay way ka faa'iideysanayaan.         Waa inuu badiyo dhihidda: (Alloow siday anigoo yar ii barbaariyeen ugu naxariiso)

[1] Tirmidi (1899), Xaakim (4/152), Albaani (Saxiixul-Jaamic: 3501).

[2] Muslim (1510), Tirmidi (1906), Axmed (7143), Albaani (Saxiixul-Jaamic: 7498).

[3] Bukhaari (527, 2782), Muslim (85/139).

[4]Axmed (15623), Nasaa'i (3104), Ibnu-Maaja (2781), Xaakim (2/104).

[5] Bukhaari (3004, 5972), Muslim (2549).

[6] Abuu-Daa'uud (2528), Ibnu-Maaja (2782), Xaakim (4/152).

[7] Axmed (10618), Haythami (Majmacul-Zawaa'id: 10/213).

[8] Muslim (2552), Abuu-Daa'uud (5143),Tirmidi (1903).

[9] Bukhaari (2620), Muslim(1003). Ereyadii Bukhaari.

[10] Bukhaari (5971), Muslim (2548).

[11] Xaakim (4/150-175).

[12]  Tirmidi (1900).

[13]  Abuu-Daa'uud (5138), Tirmidi (1189), Ibnu-Maaja (2088).

[14] Haythami (Majmacul-Zawaa'id: 8/151).

[15]  Bukhaari (2654, 5976, 6273, 6919), Muslim (87).

[16] Bukhaari (2653, 5977, 6871), Muslim (88).

[17] Bukhaari (5973), Muslim (90).

[18] Bukhaari (6675, 6920).

[19] Muslim (2551).

[20] Axmed (7501), Tirmidi (1905), Abuu-Daa'uud (1536), Ibnu-Maaja (3862).

[21] Bukhaari (1477).