Adeegga Bulshada  Degmada Baraawe oo Leh Billow Wanaagsan Balse u Baahan Dhameystir Buuxa:

BP. Baraawe Khamiis 11 January 2007

Degmada Baraawe oo ka  mid ah degmooyinka Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxay ka mid tahay meelaha sida weyn ay u saammeeyeen Degaallada Sokeeye, Taasina waxay Sababtey inay burburaan adeegga Bulshada ,hase yeeshee iskudey fara badan oo ay sammeeyeen Guddiyada odeyaasha Degmada ayaa keeney inay yeeshaan Billow wanaagsan oo adeeg bulsho,waxa si wanaagsan u shaqeeya Cusbitaalka oo la oran karo heerka degmo aad buu ugu wanaagsan yahay ,magaalada waxaa ka maqan hay’adaha Gargaarka ah hase yeeshee waxa jira  kuwo yaryar oo maxalli  ah.Waxbarashada waxaa ku yaalla laba Dugsi Hoose Dhaxe .Waxaan maanta wareysiyo dhinacyo badan Taabanaya la yeeshey Maamulaha iskuulka Sheekh Qaasin Albaraawi.

Dugsiga Hoose Dhaxe ee Sheekh Qaasin Albaraawi waa Dugsi Ceynkee ah?

Dugsigan ayaa waxaa la asaasey sanadka aan soo dhaafney ee 2006 bishii jannaayo sida uu noo sheegey maamulaha iskuulkaasYaasiin xasan Jimcaale,iskuulkaas ayaa wuxuu ahaa dugsigiihore ee Hoose Dhaxe ee Degmada Baraawe hase yeeshee ku burburey dagaallada Sokeeye ,waxaana iskuulkaaas marka hore dayactirey Guddiyada Deegaanka oo uu horrmuud ka ahaa Cali Maxamuud Sheegeeow”Cali Mardduuf”oo gacan ka geystey Dayactirka Koowaad una sammeeyey kuraas iyo miisas gaaraya 40 miis iyo kuraastooda ,waxana Gacan Buuxa ka Geysatey NGO maxalliga ee “BIRDO”.

Iskuulka ayaa wuxuu ka duwan yahay qaabka lagu dhaqo iskuulaadka Soomaaliya kaas oo ah in uu dugsi waliba yahay lacag, hase yeeshee Hoose Dhaxe Qaasin Baraawe wuu ka Duwan  yahay ardadu waxay ku dhigataa lacag la’aan,waxaan Mushaarka macallimiinta Bixiya Jaalliyadda Dibadda ee Degmada Baraaweka soo jeeda , haddii ay iyagu lacagta ka daahiyaana waxaa macallimiinta mushaarkooda Bixiya  Cali marduuf Sida aad ka arki doontaan Wareysiga dheer ee uu maamuluha ka qaadney ,sidoo kale wuxuu gacan naga siiyaa buu yiri  wax kkasta oo baahi degdeg ah oo uu iskuulku u baahan yahay.

Intaas ka dib waxaan wareysi Kooban la yeehsey Maamulaha Iskuulka Yaasiin Xasan Jimacaale.waeysigiina sedan ayuu u dhacey:

DMC:mudane Yaasiin Yaa gacan idin ka siiya inaad waxbarashada lacag la’aanta Furtaan iskuulkana idiin dayactirtey?

Maamulaha :Walaal waxaa gacan Buuxda naga siisey dayactirka hay’adda la Yuiraahdo Center Education Devlopment”CED”,kuwaas oo qayb ka ahaa gargaarkii sunaami .

DMC:Tirada ardadiinu waa Imisaa ?intee fasal ayay ka kooban yihiin: Fasalkee baa u sarreeya waxbarashada ?

Maamulaha:Ardeyda Tiradoodu waa 270 ardey  tirade wiiilashu ay tahay 191ardey , halka gabdhuhuna ay yihiin 79 ardey,sidoo kale tirade Fasalladu waa 8 Fasal,fasalada waxbarashada u sarreeysa waa 6 aad .

 

DMC:Tirada Macallimiinta iskuulku waa imisaa macallin ?

Maamulaha :Tirada macallimiintu waa 8 macallimin

DMC:Mushaharaadka macallimiinta ayaa Bixiya?manhajkee baad wax bartaan ardada,Dalladdeese ka mid tihiin?

Maamulaha: Mushahaaraadka macallimiinta waxaan ka hellaa jaalliyadda dibadda ee u dhashey degmada Baraawe ,marmarka qaarkood oo ay kala go’dana waxaa na siiya Cali Mardduuf oo qayb wanaagsan ama Hormuudba ka ahaa asaaska Iskuulkan,sidoo kale manhajka aan wax ku dhigno waa kii hore ee Soomaaliya oo la carabiyeeyey,,waxaana wax xoogaa buugaag ka hellaa hayadda UNICEF ,sidoo kale wax dallad ah weli kuma aan biirin laakiin waxaan rajeyneynaa inaan ku biirno isla sanadkan.

DMC:Ma laga yaabaa inaad furtaan dugsiga Sare  ee ay magaaladu yeelato?

Maamulaha :Waxaan boqolkiiba boqol rajeyneynaa inaan furno dugsiga sare macallimiin jaamiciyaal ah oo dhigi karata waa noo joogaan .

DMC:Maamule jaalliyaduhu waa dad idin ka maqan haddiiba ay dhacdo inay lacagta gooyaan ama ay soo diirinba iskuulkana aydaan lacag ka qaadeynin ardada sidee bay idin ku suuragaleysaa inaad sii waddaan wxbarashada?

Maamulaha :Waa su’aal aad u wanaagsan waana ku faraxsanahay inaad iweyddiiso waa run arrintaas mardhow bilaha November iyo Disember Jaalliyaduhu lacag nooma soo dirin,macallimiintuna waxay u badan yihiin dad danyar oo aan shaqo kale haysanin  hase yeeshee waxa lacagta na siiyey Cali Maxamuud sheegoow”Ali Mardduf “waana ku mahadsan yahay/

DMC:Waa maxey baahida ugu weyn ee iskuulkiina haysata?

Maamulaha:Baahidu aad bay u ballaaran tahay lama soo koobi karo ,laakiin waxaa ugu muhiimsan,Macalimiinta oo lacag la’aan darteeda aad noogu yar.Qalabka Xafiiska  ,sida Kombiyuutarka ,korontada ,Laybareeri,iyo layborotiga IWM,sidoo kale waxa aan haysanin qalabka Ciyaarha ,buugaagta manhajka aan dhigno oo aad noogu yar .

Shabakadda Warbaahinta DMC Baraawe

Aadan Cusmaan

Bokoola@hotmail.com

Tel:oo25215570222