WARARKA BARAAWEPOST Arbaco 2 January  2008

TAARIIKHDU DADKAY BARTAA DUNIDANA WAY IFTIIMISAA QORAAL KA HADLAYA TAARIIKHDA BARAAWE OO UU QORAY ENRICO CERULLI.

By: Cabdicasiis Abukar Baafo

Aqristow qoraalkaan ma ahan mid aan ku difaacayo ama aan ku eedeynayo shaqsiyaad gaar ah balse waxaan uga dan leeyahay inaan aqristeyaasha siiba dhalinyarada beelweynta Baraawe gaar ahaan kuwa Tunni Shangamaas aan ugu ifiyo waxyaabihii uu qoraaga weyn ee talyaaniga ah uu ka qoray taariikhda soomaaliya iyo tan degmada Baraawe.Qoraalkan oo aan ka soo minguuriyay warbixin ay daabacday Amministrazione Fiduciaria Italiana Della Somalia (AFIS) .

Sida aad ka aqisan kartaan warbixintan waxaa ku cad in Munye Hagi Cabduqaadir uu ahaa Sultdaanka Tunni ee Magaalada Baraawe halka  Faqi Hagi Awisa  uu isna ahaa Suldaanka Tunni ee baadiyaha.

Waxaa sidoo kale la hayaa Decretooyin ka soo baxay xukuumadda Talyaaniga oo ay ku caddahay in Aw Munye iyo Aw Faqi loo kala magacaabay labadaas xil.

Haddii dadku yihiin dad xaq iyo xal raadinaya wanaagga ummaddana ka talinaya waa in la raacaa sida taariikhdu qoreyso oo uusan qofna isku dayin inuu ku xadgudbo qof kale xuquuqdiisa iyo xuduudihiisa sharciyeed isla markaana aan laysku dayin si xoog ah lagu qaato xaq uu qof kale leeyahay.

Maanta waxaa badiya shaqsiyaad iska qora hadalo iyo taariikh aan sal iyo raad toona lahayn oo wax walba oo ay sheegayaan ama qorayaan waxay u sameeyaan sida ay iyagu jecel yihiin amaba ay la tahay.

Aqristow halkan hoose ka aqriso qoraalkii talyaaniga uu qoray