WARARKA BARAAWEPOST AXAD 6 JANUARY  2008

TAARIIQDA REER BARAAWE YAANAN LAGA BEEN ABUURAN               

WAXAA XUSiD MUDAN IN QOFKASTOO ISKU DAYA INUU TAARIIQDA BULSHA WAYNTA BARAAWE WAX KA QORO WAAN INUU HORTA BUUXIYAA QODOBADAN :

1-UGU HORAYN WAA INUU KA SOO JEEDAA BEESHASHANGAMAAS, TODOBA TOL AMA TUNI TOORE EE UUSAN AHAYN  SHEEGAD AMA MAGAC U YAAL.

2-WAA INUU WAX KA YAQAAN AMA UU SOO AQRISTAA  TARIIQDA DHEER EE BULSHA WAYNTA REER BARAAWE LEEYIHIIN TARIIQDAASOO SOO JIRTAY MUDDO KA BADAN KUMANAAN SANO.

3-WAA INUUSAN XAG XAGAN SHAQSIYAAD GAAR AH. WAA INUU KA FOGAADO BEENTA IYO MALA AWAALKA .

AQRISTOOW MARKAAN INTAA UGA GUDBO HORDHACA MAQAALKA WAXAA MAALMAHAN SOCDAY TARTAN AAN JIRIN OO AY WADAAN SHAQSIYAAD GAAR AH  OO DANO GAAR AH LEH KUWAASOON XITAA HAYBTOODA LA GARANAYN OO WELIBA LA ISKU HAYSTO INAY BEESHA BARAAWE KA SOO JEEDAAN IYO IN KALE AYAA WAXAY DOONAAN  SOO QORAAN.

HADDABA WAXAAN KU WAR GELINAYAA SHAQSIYADKAAS INAY FARAHA AY KALA BAXAAN  ARRIMAHA QOWMIYADA BARAAWE . SHAQSIBAA QORAALKIISA KU XUSAY  IN QOWMIYADA REER BARAAWE AY LEEYIHIIN HAYADO KALA SAREEYA ODOYAASHII REER BARAAWENA AY YIHIIN CAADO QAATEYAAL. WAAYAABE SHAQSIGAASU WELI MA IS WAYDIIYEY CIDDUU YAHAY ISAGU ? IYO HAYADAHA UU SHEEGAY WAXAY QABAN JIREEN IYO MEELAHAY KA DHISNAAYEEN ?  HADABA AQARISTOOW TARIIQDAAN FACA WAYN EE AY BULSHA WAYNTA BARAAWE LEEYIHIIN MA AHAN IN UMMADAHA KALE EE WALAALAHEENA SOOMAALIYEED SIYAABO KALE LOO FAHANSIIYO REER BARAAWE WAXAY KASOO QAYBQAATEN FIDINTII DIINTA ISLAAMKA SIDAAD OGTIHIIN MAANTAY BARAAWE WAXAA KA DHISAN MISAAJIDYO 1000 SANO KA WAYN KUWAASOON TIRADOODA LASOO KOOBI KARAYN ,WAXAA SOO MARAY CULIMO ADUUNKA ISLAAMKA AAD LOOGA YAQAAN GAAR AHAAN EAST AFRICA WAXAA KA MID AH SHEEQ AWAYS , SHEEQ QAASIN BARAAWI ,SHEEKH NUUREYNI, MACALIM ABDULLE,MACALLIN NUUR IYO MASHAAIQ BADAN AANAN HALKAAN KUSOO KOOBI KARAYN ALLAHA KA RAALI NOQDO NAXARIISTII JANO ALLAHA KAWADA WAABIYO AAMIIEN  XAGGA XORNIMO U DIRIR KII  WAXAA SHARAF U AH BULSHA WAYNTA REER BARAAWE INAY KA DHASHEEN HALGAMAA AANAN LA SOO KOOBI KARIN OO AAD ULA DAGAALAMAY GUMAYSTIHII TALYAANIGA TARIIQDANA KU XUSSAN OO UMADA SOOMAALIYEEDNA MAANTAY AY WADA TAQAANO WAXAAN XUSAYAA URURKII UGU HOREEYEY OO LAGA DHISAY SOUTH SOMALIYA EE XORNIMADA SOOMALIYEED DHELIYEY  SYL  EE 13KA DHALINYARO SOMALIYA OO DHAN MATELAYSAY INUU GUDOOMIYIHII UGU HOREEYEY UU AHAA ALLAHA U NAXARIISTO MUDANE ABDULQAADIR SHEEQ SAQAAWADIIN  WAXAA KALOO XUSID MUDAN ALLAHA U NAXARIISTO AFHAYEENKII UGU HOREEYEY URURKAA MUDANE MAXAMED CISMAAN BAARBE  HADABA 13  DHALINYARO OO SOOMAALIYA OO DHAN MATELAYSAY AYEY REER BARAAWE KU LAHAAYEEN LABADAA HALGAMAA AAN SOO XUSAY SIDEE MAANTAY AY TAARIIQDEENA AY UGA BEEN  SHEEGAYAAN SHAQSIYAAD AAN HAYBTOOTA LA AQOON AQRISTOOW JAWAABTAA AYAAN SUGAYAA SULDAANIMADA REER BARAAWE WAA MID SOO JIREEN AH OO SOO DHISNAYD WELIGEEDA DHISNAAN DOONTO WELIGEEDA MA AHAN MID NORTH AMERICA MAANTAY LAGU DHISAAYO 

WABILAAHI TOWFIIQ                 


QORE ABDULFATAH OMAR MOHAMED( MADAXEEY)

fataah05@hotmail.com

 

ARAGTIDA QORAALKAN KU XUSAN MASUUL KAMA AHA BARAAWEPOST WIXII JAWAAB AH WAXAA TOOS LOOGU DIRI KARAA QORAAGA KU SAXIIXAN QORAALKA.