WARARKA BARAAWEPOST Axad 23 december 2007

Odayaasha Dhaqanka Ee Beelaha baraawe Oo Soo Saaray Warmurtiyeed Ay Ku Beeninayaan Sheegashada Uu Faqi Said Faqi Sheegtay Inuu Yahay Suldaanka Baraawe.

War murtiyeed ay odayaasha dhaqanka ee beelaha Baraawe (Shangamaas, Toore ito Todobatol) ay ka soo saareen shir ay ay isugu yimaaden degmada baraawe ayay ku beeniyeen qoraal loo gudbiyay qaar ka mid ah websiteyada soomaaliyeed. Qoraalkaasoo lagu sheegay in nin lagu magacaabo Faqi Sacid Faqi ay u magacaabeen asxaabtiisa kula nool magaalada Colmbus Ohio inuu yahay suldaanka guud ee beelaha Baraawe.

Odayaashaa ayaa waxay qoraalkooda ku sheegeen in sheegashadaasi ay tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn isla markaana ka timid kooxo maalin cad iska riyoonaya waxayna dhamaan bulsha weynta Soomaaliyeed gaar ahaan Salaadiinta beelaha Soomaaliyeed kaga cudurdaarteen kana raalligeliyeen hadaladaas bbeenta ah ee loo soo gudbiyay.

Qoraalka oo ay ku saxiixan yihiin dhamaan Nabadoonada beelaha Baraawe iyo nabadoonka guud ee beelahaas iyo weliba afhayeenka golaha guurtida beelaha baraawe ka aqrista halkan hoose: