WARARKA BARAAWEPOST Arbaca 28 novemBER 2007

GUURKII CAA’ISHA (RC)

Caa’isha (RC) waxaa dhalay Abuubakar Al-Siddiiq (Cabdullaahi ibnu abii Quxaafa) (RC), hooyadeedna waxay ahayd Ummu Ruumaan bintu Caamir Al-Kinaaniya. Caa’isha waxay dhalatay sanadkii siddeedaad ama kii sagaalaad ee Hijrada kahor, kuna beegnaa 613 ama 614 Miilaadiga, ayadoo yar bayna islaantay. Haween gabar ah oon ayada ahayn Suubbanuhu “Sallallaahu calayhi wasallam” ma guursan. Wuxuu ku nikaaxsaday Makka bishii Soon-fur, laba sano iyo shan bilood Hijrada kahor ama sanadkii koow iyo tobnaad ee Nabinnimada, ayadooy da'deedu markaas ahayd 6 sano jir, wuxuuna kula aqalgalay Madiina bishii Soon-fur, Hijrada 7 bilood kadib, iyadoo ay da'deedu tahay sagaal sano jir, wuxuuna Meher uga dhigay 400 Dirham.

Waxa laga yaabaa inay dadka qaar kolkay hadalkas maqlaan durbaba lasoo boodaan: “Siduu u guursaday ilmo sagaal jir ah”. Hase yeeshee kolkay xusuustaan in qofka laga hadlayaa uu Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam” yahay, bay istaaqfurulaystaan oo faraha laalaabaan, arrinkana sidaas uga haraan iyagoo Aakhiradooda u baqaya, in kastoo aanay qanacsanayn, su’aashiina ay weli ka dhex guuxayso.

Waxan leennahay gabadha sagaal jirka ah ee noolayd kun iyo afar boqol iyo jarjar sano (1428) kahor waxay u dhigantay gabadha maanta nool ee shan iyo toban jirka ah. Waxyaabaha aynu aragtideennaas usoo daliishannayna waxaa kamid ah:

1- Aadan, aabbihii dad oo dhami kasoo farcamay, oo sida la qiyaasay waqtiguu noolaa lix kun (6000) oo sano laga joogo, waxaa la weriyay in dhererkiisu uu lixdan dhudhun ahaa. Xadiith Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam” laga weriyay buu macnihiisu ahaa: Aadan baa dadka ugu dheeraa wixii dad isaga ka dambeeyayna way isa sii dhimayaan (Jir ahaan iyo Cimri ahaan intaba) ilaa maalinta Qiyaamaha.

2- Reer Thamuud oo lagu qiyaasay inay noolaayeen afar kun (4000) oo sano kahor, qofkoodu wuxuu dhabarkiisa kusoo qaadi jiray dhagax, markaas buu intuu meel dhigto dhexda ka Qodi jiray oo guri ka dhigan jiray. Haddaba dhagaxa guri laga dhex qodayaa inta uu la ekaan karo waynu qiyaasi karnaa, waxase isweydiin leh qofka dhagaxaas qaadayaa intuu la’ekaan karaa xoog iyo joogba?, nin xilligaan noolise dhagax uu guri ka dhex qoto dhabarkiisa ma ku qaadi karayaa?.

3- Waqtigii Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam  ninku wuxuu dagaallami jiray min aroortii ilaa habeenkii isagoo weliba seef ku dagaallamaya, waxana sidaas u dagaallami jiray dhallinyarada shan iyo toban jirka ah iyo duqayda toddobaatan jirka ah labadaba. Waxaa qofka ku dhici jirtay 30 –90 nabar oo isugu jira Seef, Fallaar, Toorri iyo Waran, waxana weliba laga yaabay iyadooy intaas oo dhami ku dheceen inuu geeri ka badbaado. Hase yeeshee xilliga hadda la joogo qofkii hal nabar lagu dhiftaa dhulkuu ku dhacayaa haddaanayba isla markaas naftu ka haadin. Waxaa xusid mudan in markuu Nabigu “Sallallaahu calayhi wasallamUsaama ibnu Zayd ibnul Xaaritha Abaanduulaha ciidanka islaamka ka dhigayay uu Usaama jiray toddoba iyo toban sano oo qura. Haddaba toddoba iyo toban jirka maanta joogaa ma leeyahay awood jireed iyo garasho maskaxeed ugu filan in ciidankii Ummadda difaaci lahaa loogu dhiibo?.

4- Mar hadda laga joogo 40 ilaa 50 sano oo qura, waxay Soomaalidu dhihi jirtay: “Ninkaani waa labaatan jir oo xoog u dhimani ma jiro”. Waxaa kaloo la dhihi jiray: “Labaatan jir intuu tallaabo ka boodo ayuu talo ka boodaa”. Micnaha Maahmaahdu waxa weeye in labaatan jirku uu ka boodo halka ugu sarraysa ama ugu dheer (hadba nooca bootinta) ee uu qof ka boodo, ha yeeshee waa talo ku cayaar oo xikmad iyo xasillooni ku filan ma uu laha. Haddaba iminka waxaynu aragnaa in ruuxa labaatan jirka ahi uu weli cardun yahay, awooddiisa iyo bootintiisuna aanay  dhammaystirmayn ilaa uu soddon jir ka gaaro. Tiiyooy weliba u dheertahay caqli gaabidii iyo xikmad yaraantii. Waana kaas Usaama, 1428 sano kahor, isagoon 20 jir gaarin helay kalsoonidii Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam”.

Waxaa halkaas inooga cad inuu bina Aadanku marba marka ka dambaysa isa sii dhimayo, dadkii kun sano kahor noolaana ay ka waaweynaayeen dadka iminka jooga. Haddaba waa inaynu ogaannaa in Caa’isha aysan ilmo ahayn markuu Suubbanuhu “Sallallaahu calayhi wasallam” la aqalgelayay ee ay guur geli kartay, in kastoo aanay si wanaagsan u wada bislaan koritaanna weli u harsanaa, taas oo laga garan karo marka laga sheekaynayo taariikhdeedii.

5- Ugu dambayntii, guurkaas Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam” iyo Caa'isha (RC) hadduu ahaan lahaa mid aan caadi ahayn  ama ka baxsan caadooyinkii waqtigaas jiray; Quraysh, Yuhuud iyo Uurkagaaladii Muslimiinta ku dhex jirtay, kamay aamuseen. Waxaynu wada ogsoonnahay inay Qurayshi Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam” ku tilmaami jireen waxyaabo uusan ahayn sida inuu yahay Sixirroow, inuu waalnyahay iwm, waxyaabahaas ooy laftoodu ogaayeen in aanay waxba ka jirin. Haddaba hadday heli lahaayeen wax ay ku dacaayadeeyaan kuna eedeeyaan oo dhab ah, ma ay dhaafeen. Taas oo ku tusaysa in guurka gabadha da'daas jirtaa uu xilligaas caadi ahaa.

Meherka Caa’isho wuxuu ahaa 400 Dirham. Haweenkiisa, waxaan Khadiijo ka ahayn, Suubbanuhu “Sallallaahu calayhi wasallam” ayaduu ugu jeclaa. Waxa lagu naynaasi jiray "Ummu Cabdillaahi" oo ah Cabdullaahi hooyadiis. Waxaa Ummu Cabdillaahi loogu bixiyay sidatan:  Walaasheed Asmaa' bintu Abiibakar ayaa waxay dhashay Cabdullaahi bin Zubayr (RC). Wiilkaas ay habaryarta u tahay bay dhabteeda ku hayn jirtay soona korisay, wuxuuna ugu yeeri jiray: "Hooyo".

Caa’isho waxay Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam” ka werisay 2210 Xadiith, waxayna kamid ahayd haweenka kuwa ugu caqliga badan. Waxay ahayd aftahanad garaad fayoow. Waxay xifidsanayd ooy dusha ka tiqiin gabayo fara badan. Waxay ahayd deeqsi, waxna meel ma aysan dhigan jirin oo ma kaydsan jirin. Samankeedii ayadaa u xifdin ogayd Axaadiithta Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam”, waxaana iyada ka weriyay rag iyo haweenba. Suubbanuhu “Sallallaahu calayhi wasallam wuxuu geeriyooday iyadoo 18 sano jirta, wuxuna ruux baxay madaxiisa oo xabadkeeda saaran, inta u dhaxaysa kalxanteeda iyo dhuunteeda. Waxaa Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallamlagu duugay gurigeeda, halkii ay sariirtiisu taallay.

Caa’isho (RC) waxay geeriyootay habeen Talaado ah, bisha Soon-qaadna tahay 17, sanadkii 57aad ee Hijrada, kuna beegnayd 13kii Luulyo 678, waxayna jirtay 67 sano. Waxaa ku tukaday Abuu Hurayra, waxaana habeennimo lagu duugay Qabuuraha Baqiic ee Madiina. Waqtigaas waxaa Madiina xukumayay Marwaan ibnul Xakam, waana samankii khilaafadii Mucaawiye. Marwaan sanadkaas Cimro ayuu aaday wuxuuna xilka maamulka Madiina usii dhiibay Abuu Hurayra.

Fakhru Raazi tafsiirkiisa Qur’aanka, juska afaraad, bogga 656aad wuxuu Qaasim bin Maxamed kaga weriyay inay Caa’isha tiri: "Waxaan uga fadli badanahay dumarka Rasuulka “Sallallaahu calayhi wasallam toban arrimood oo kala ah: Rasuulka Eebbe “Sallallaahu calayhi wasallam” haween gabar ah aniga ayuu iga guursaday; hooyadii iyo aabbihii i dhalay labaduba waxay ahaayeen Muhaajiriin (Makka ayay ka haajireen Suubbanahana Madiina ula haajireen); Jibriil Calayhi Salaam ayaa u keenay Suubbanaha Sawirkayga oo maro xariir ah ku yaal, wuxuuna amray inuu i guursado; aniga iyo isagu (Suubbanaha) hal weel ayaan ku wada qubaysan jirnay; Jibriil Calayhi Salaam ayaa Waxyiga ku soo dejin jiray anigoo hal maro la huwan; wuxuu i nikaaxsaday bil Soon-fur wuxuuna ila aqalgalay bil Soon-fur; waxaa nafta laga qabtay isagoo ku jiifa inta u dhexeysa kalxantayda iyo dhuuntayda; dembi la'aantayda Eebbe Subxaanahu watacaalaa ayaa Samada ka soo dejiyay; waxaana lagu duugay gurigayga. Intaas oo dhan islaan igala mid ahi ma jirto".

 

Diyaariye:

Sabriye Macallin Muuse

Minnesota – United States

sabkaxaaji@hotmail.com