WARARKA BARAAWEPOST kHAMIIS 17 JANUARY  2008

War bixin ku saabsan is qab qabsiga suldaanimada beesha Tunni (Shangamaas)


Anigoo ku hadlaya magaca Shangamaas gaar ahaan (DACFARAD)
waxaan aad iyo aad ugu xun nahay haddii aan nahay haweenka Shangamaas ee ku nool Magaalada Manchester, sida foosha xun ee la iskugu jawaabaya hadalada xun xun oo qofkasta oo damiir leh ka danqanaya ee Websaadyada la iskugu diraya muddo laba bil ku dhowaad.

Haddii waxgaradkii, Aqoonyahankii, Odayaashii, Dhalinyaradii, ay sidaa u hadleen yaa u maqan Shacbiga Reer Baraawe, yaa u maqan Masaakiintii, yaa u maqan caruurtii u dhimaneysa gaajo una baaba eysa waxbarasho la’aan.

Weli maku fikirteen dadow in aad dadkiina wax u qabataan mise dantiina uunbaad ka fikirtaan, aaway dadkii laga sugaayey in ay dhulkooda dhistaan, aaway dadkii aan dowladnimo ka sugeynay, Aaway Wasiiraddii, aaway Xildhibaanadi,i aaway Dowladii aan dhankasta xaqa ugu lahayn.

Sanadihii na soo dhaafay ilaa 2008-da ma waxaan sugeynay Suldaannimo mise ragoow wax kale aan innaga ogeyn baad ku soo maqan tihiin, haddii labaatan jirkii iyo lixdinjirkii isku mashquuliyaan ama waqtiga iskaga dhumiyaan yaa Suldaan noqonay adiga yaad la jirtaa, war aaway odayaashii runta ka hadli jiray aaway waxgaradkii runta sheegi jiray aaway geesiyaashii runta ka hadli jiray.

Waxaan aad ugu xunnahay in aad wada lumiseen sharaftii shangamaas Xal uma aragno in leysku caayo websaadyada.Raggii hore waxaa lagu yiqiinay haddii colad dhacdo in gogol la fidsado, ciddii qaldan la tuso qadkiisa meesha lagu kala xaal qaato, balse Dibid iska cay habeenkaa lagu yiqiinay,

Somaali waxay ku maahmaahdaa badda hal malay ayaa uriyey dadkii fiicnaa halkan malaay ayaa uriyey ee iska qabta, haddii waxgaradii la sugaayey aflagaadadooda gaartay dad boqolaalo sanno ka hor dhintay waa wax laga xumaado dadnimadiina uma wanaagsana.

Bulshoweynta uma wanaagsana caruurteena uma wanaagsana haddii boqolaalo sano ka hore dadkii dhintay aad ubadeena soo koraya sow wax badan malaga yaabo in ay ku weydiyaan ama ay fiiriyaan websaadyada aad adiga ku hor qortay sow ceeb maha markuu cunugaaga yar ku aflagaadeysid waalidiintaada waxaad iska dhigteen dad aan jirin sharaftii iyo heybaddii aa laheedeen baad iska qaadeen haddi ilwsho idin heyso ama qurbaha wax idin dhimay bal waan idin xusuusinaysida aad wax yeeli laheedeen ee tashta ama aan idinka tash ano jawaab wanaagsan oo wacan .

Drs. Iisho Suldaan Cumar Faqi