WARARKA BARAAWEPOST aRBACA 9 JANUARY  2008

LABA WAJIILOW WAA LAGU YAQAAN WAANA LAGU ABAAL MARIN DOONAA  

WAXAAN UGU HORAYNTII U MAHAD CELINAYAA BOGA SHARAFTA BADAN EE BARAAWE POST BOGAASOO AH KAN KULANSIIYA BULSHADA KU ABTIRSATA  BEESHA TODOBA TOL IYO TOORE,WAXAAN KALOO U MAHAD CELINAYAA QORAAGII SHARAFTA MUDNAA EE ISKU TAXLUUJIYEY INUU SOO MIN GUURIYO TARIIQDA FACA WAYN EE AY BULSHA WAYNTA REER BARAAWE LEEYIHIIN MUDANE  ABDIASIS ABUKAR OSMAN (BAAFO) . WAXAA KALOO SHARAF  II AH INAAN U HAMBALYEEYO GEESIGII JAWAABTA XAQA AH KA BIXIYEY MAQAALADII UU QORAY MAANGAABKA ISKU MAGACAABAY GEEL JIRE OO  QARIYAY HAYBTIISA AANAN LA GARANAYNIN IYO LABAWAJIILAHA  AMIINI ABU HADI   OO WEJIYO FARA BADAN LEH AACUUDU BILLAAHI,  QORAAGAA GEESIGA AH LAGU MAGACAABO ABDIFATAH OMAR  MADAXEEY ,HADABA WAXAAN BULSHA WAYNTA  REER BARAAWE IYO AQRISTAYAASHA SHARAFTA LEH  WAXAAN RABAA INAAN WAX YAR KA IRAAHDO NINKA LA YIRAAHDO AMIINI ABU HADI: AMIINI MA AHAN NIN AQOON SIDAA AH LOO LEEYAHAY HOREYNA LOO YAQAANAY  GUUXIISA AYUU KA DHEEREEYA  WUXUUNA KU QARAABTAA MAGACA UU HUWANYAHAY  IYO MAGACA RAGGA SHARAFTA BADAN EE UU KU ABTIRSADO OO KA MIDYIHIIN MUDANE AWAYS ABUU HAADI,SHEKH CUMAR ABUHAADI XAFIDAHUMU LAAH .

NINKAN WAXAA AFKIISA LAGA HAYAA IN UU YIRI SULDAAN HAYDAR AYAA AH SULDAANKA XAQA AH UUNA MARKAASI KU LAMAANAA SULDAAN HAYDAR MEELAHANA UU LA TAAGNAA FAQI  SAID FAQI WAA TUUG HANTIDAYDUU DHACAY,  AQRISTOOW  MA NINKII SIDAA U HADLAYEY AYAA MAANTAYNA LASOO TAAGAN FAQI WAA SULDAAN WAA YAABE WAQTIGAAS AAN SOO XUSAY AMIINI MAXAA KA QALDANAA?  MISE WAA LABA WAJIILE?   MISE HANTIDUU KU TAAMAYEY FAQI IYO FAMILKIISA IGA DHACAY MEELAHA UU LA TAAGNAA BAA DIB LOO SIIYAY WAA YAAB, HADDABA AQRISTOW SIDEE LOO AAMINAA RUUX WEJIYO BADAN WATA OO KU QARAABTA?JAWAABTAA WAXAY U TAAL AQRISTAYAASHA IYO BULSHA WAYNTA TODOBA TOL IYO TUNI TOORE. WAXAAN KALOO RABAA INAAN JAWAAB YAR AAN SIIYO NINKA IS QARIYA ISKUNA MAGACAABA GEEL JIRE  WAXAAN KUU SHEEGAYA  ABDIASIIS BAAFO IYO ABDI FATAH WAA DAD AQOON LOO LEEYAHAY AYNA KA SOO JEEDAAN  BEESHA DAFARAAD, IRWEERE ,LAFTOODA HOOSENA AY TAHAY ABLE ABOOLE   AYNA KA SOO JEEDAAN BEELAHA UGU CAANSAN EE TODOBA TOL IYO TOORE UUNA KA DHASHAY AMASE AY KU ABTIRSADAAN GEESIGA HALGAMAAGA WAYN AY SOOMAALIDA DHAN TAQAANO ALLAHA U NAXARIISTO MUDANE MOHAMED OSMAN BAARBE  OO MAANTAY QOFKASTOO KU ABTIRSADA QOWMIYADA DIGIL IYO MIRIFLE UU KU FAANI KARO GEESIGAA SOOMAALIYEED HADABA GEEL JIROOW LABADAA NIN WAA  BAAFO IYO ABDIFATAH MA AHAN KUWO HAYBTOODA LA RAADINAYO, HADAAN IFTIIN YAR KU SIIYO GEELJIRE NINKA ISKU MAGACAABAY,  BAAFO BANGIGII SOOMAALIYEED AYUU MADAX KA AHAA ADIGUSE MAXAAD AHAYD? WAXAAD KALOO U GEFTAY ALLA HA NAXARIISTEE HAAJI CUSMAAN GOY IN AAD HORTA TAHAY NIN MAANGAAB AH OO WAX KA SHEEGO MARKASTE ODAYAASHII SHANGAMAAS OO GEERIYODAY. HADDANA WAXAAD KALOO U GEFTAY KORNAYLKA KANA TOOBAD KEEN WIXII CAQLIGAAGA YARAA KUU SHEEGAY.  LAAKIINSE WAXAAN KAA CODSANAYAA INAADAN IS QARIN AAD ISA SOO SHAAC BIXISO.  WAXAAN KU XASUUSINAYAA IN BULSHADA REER BARAAWE AY KA GUDBEEN XILIGII WIXII LA DOONO LOO SHEEGI JIRAY  WAXAA SHARAF IYO MAHAD WAYN U DIRAYAA BULSHADA REER BARAAWE IYO SULDAANKOODA SHARAFTA BADAN SULDAAN HAYDAR SUUFI MUNYE OO SULDAANIMADA LOO CALEEMA SAARAY XAGAAGII SANADKII 1987KII  LOOGUNA CALEEMA SAARAY DHULKIISA HOOYO HALKAASOO AY GOOBJOOG KA AHAAYEEN CULIMA ADIIN, SARAAKIIL, MADAXSARE OO DOWLADA KA TIRSANAA ODOYAASHII TOLKA IYO BULSHADA QOWMIYADA BARAAWE IYO MARTI SHARAF KALE OO AAD U BADNAA MARQAATINA KA AHAA AQRISTOW IYO BULSHA WAYNTA BARAAWE  HA ISKA DHOWRAAN LABA WAJIILAYAASHA IYO KUWA HAYBTOODA QARIYA  MUSTAQBALKANA MAXKAMAD LASOO SAARI DOONO INSHA ALLAH WA BILLAAHI TOWFIIQ.

CUMAR MAYE XABIIB

LONDONUK .

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of the Baraawepost

ARAGTIDA QORAALKAN KU XUSAN MASUUL KAMA AHA BARAAWEPOST WIXII JAWAAB AH WAXAA TOOS LOOGU DIRI KARAA QORAAGA KU SAXIIXAN QORAALKA.