WARARKA BARAAWEPOST arbaco 2 april 2008

SALDANADA TUNNI & MARAAXILKA AY SOO MARTAY

(QAYBTA – 10-AAD)

Akhristow:

Bal ila eega baaragarafkan ”Aniga miyaa waalan mise Cadan baa laga heesaaya”, taas waxaan ula jeeda haddii Suldaan Xeydar Suufi uu ahaa nin si musuq-maasaq ah uu boobay ama marooqsaday saldanadii ay xaq u lahaayeen dhaxaltooyada Aw Faqi (sida ay ku doodaan qaar ka mid ah durriyada Aw Faqi), sideebay ku dhacday in Sayid Faqi Xaaji Awiis u guuriyo gabadhiisa nin ”Marooqsaday mansabkii ay lahaayeen”, xaqoodana dudsiiyay (ninka aan ka hadleyno waa Xeydar).

Haddaba, halkan waxaa nooga soo if baxay in Suldaan Xeydar Suufi uusan cidna dulmin, waxna uusan boobin, balse wuxuu Beeshiisa dib ugu soo celiyay martabadii iyo sumcadii ay ku lahayd ummadda soomaaliyeed dhexdeeda iyo Adduun-weynaha oo muddo dheer si hakad ah , madashada Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed uga maqnayd mas’uul darro awgood.

Soomaalidu waxay tiraahda: ”Allahayoow nin aan wax ogeyn ha cadaabin”.Yaa waaye qof aan wax ogeyn? Waa qof arrin ka indha iyo dhaga la’, sida kooxda hadda soo baxday oo maskax cudur mansabnimo ka gashay, hase yeeshee habka iyo nidaamka loo maro si loo hantiyo aysan garanayn.

Akhristow:

Yaa dadaal u galay, waqtigiisa iyo dhaqaalihiisaba u huray in tolka dib ugu celiyo maqaankii iyo mansabkii la daayacay in muddo ahna (in ka badan dhowr & soddon sano) faraha ugu jirin? Soow ma ahayn ninka hadda la doonaayo in si laaluush iwm. Looga qaado xilka ay bulshadiisa u doorteen? Xageebay ku sugnaayeen dadka hadda u hanqal-taagaayo in ay huwadaan mansabka Saldanada Tunnida, markii loo baahnaa in halgan iyo dagaal loo galo mansabkaas oo in muddo ah faraha looga qaaday, cid dan u gashayna aysan jirin, marka laga reebo Suldaan Xeydar Suufi oo ku guulaystay in uu tolkiisa u soo celiyo Xilka Suldanada luntay?

Ummadi waatii abaal marisa in alla intii ka shaqeysa danteeda, wanaageeda, magaceeda, samaanteeda, dhaqankeeda, sugaanteeda iwm., sidaas darteed, haddi Eebbe laga baqo, Suldaan Xeydar wuxuu mudan yahay in la abaal mariyo, taariikhdana lagu xuso, maadaama uu soo dhiciyay xaqii tolkiisa laga xayuubiyay. Ragga ku kacsan Suldaan Xeydar  oo xasdaayay, dedaalna ugu jiraan in ay caqta mariyaan ama daboolaan wax qabadkiisa, sharaftiisa iyo sumcadiisaba, waxaan leeyahay dedaalkiina iyo hadafkiinaba ay noqon doonaan, haddii uu Eebbe raalli ka noqdo mid ”Hal bacaad lagu lisay”.

Waxaa la yiri ”Xin iyo Xasad waxay diloodaan qofkooda”, waxayna mar walba u faaiideeyaan midka la xasdo oo ka hela ”taran, baaxad, sharaf iyo haybad.” Ir-saaqada Ilaah baa baxsha oo isaga og cidda uu siinaayo maal, magac, darajo iyo jannaba. Isaga keliyaa og wax walba waxa uu uga jeedo. Adigu ha fara gashan! Lama galo hawlaha ilaahay cid alla ciddii gashana iyada LEE WAAYE.

Sida aadame caadada u ah abaal in aad qof u sameyso waa la arkaa, laakin maalinta dambe in adiga wax laguu galo wey yar tahay amaba wey adag tahay. Waxaan Bulshada Reer Baraawe meel kasta ay joogaan ka rajaynaaya in ay buriyaan caadada kor ku xusan oo aysan noqon dadka lagu tilmaamay in ayna gudan abaal  loo galay. Eebbe wuxuu Qur’aankiisa Kariimka ah ku yiri:”Wanaag abaalkiisu soo wanaag ma aha?”(Suura Ar-Raxmaan, aayadda 60-aad). Suldaan Xeydar Suufi abaal ayuu nagu leeyahay, wuxuuna naga  mudan yahay in aan  abaal mariyo.

Akhristow:

Aniga iyo Reerkey ama qabiilkey hanala hoos yimaado socon weyday. Waa arrin laga ilbaxay oo cid kastoo ay shalay u suurtagashayba maanta iyo mustaqbalka arrin marna cutameysa in aysan ahayn. Siyaasadda Soomaaliya waxyaalaha cudurka kaan-karaha ah ku noqday ee Dalkeena maanta qashin qubka dhex dhigay, waxaa ka mid ah hamiga lagu haminayo qofkii wax hoggaamiya in isaga iyo ehelkiisa la hoos yimaado, markii wax la qaybsanaayona (sida xilal, ergooyin iwm.) uu sed-buursi u sameeyo qaraabadiisa iyo intii la haal maalo.

Waxa Soomaali indha xumada ay maanta leedahay u yeelayna ay tahay, laakinse hadda ka bacdi arrimahaasi ma dhici doonto, wixii ku saabsan hoggaaminta waxaa la tixgelin doona rabitaanka Bulshada iyo Odayaasha Dhaqanka.

Waxaa la yiri ”Hadal nin yareeyayna kama wada tagin, nin badiyayna ma wada koobin”. Murtidani waxay tilmaameysaa hadal faa’idadiisu in uu yahay in la soo koobo oo la yareeyo iyo hadal badan in aysan wax faaiida ah ku jirin. Sidaas awgeed, hadal inta aad xukumi karto waa inta uu afkaaga ku jiro. Mar hadduu afkaaga ka soo baxo meel kasta ayuu tagi karaa, adiguna ma xukumi kartid. Waa sida qoraalka ama buug la qoray oo waxay tagayaan meel kasta oo aadan adigu ogeyn iyo cid kasta oo aadan adigu u war hayn.

Tusaale: waxaa dhacday dad magarato ah waxay sameeyeen ”Maqaal” mawduuciisu (subject) ka dhigeen ”Suldaan Faqi Sayid oo si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada Baraawe”, kuna  daabaceen Websatyada qaarkood, waxayna Maqaalkaas ku dhejiyeen Sawiro Odayaasha Dhaqanka Degaanka Baraawe qaarkooda ka muuqdaan, waxaana loo nisbeeyay in Odayaashaas ay soo dhaweeyeen Faqi Sayid, taasoo ah been abuur aan geedna looga gabanin, keentayna in Faqi iyo xulafadiisa lagu cambaareeyo in ay ka dambeeyeen falalkaasi foosha xun leh, doonaayaana in khilaaf ka abuuraan xiriirka wanaagsan oo ay ku dheehan tahay kalsooni & qaddarin oo ka dhexeysa Odayaasha Dhaqanka & Suldaankooda (Xeydar Suufi) oo Baraawe ku sugan.

Akhristow: Soow la yaab ma ah! Qof sheeganaya Suldanimo, haddana uu dhiiqada la galo arrimo aan sal iyo raad midna lahayn, si uu u marin habaabiyo ra’yi caamka, ujeedada ka dambeysana ay tahay in uu niyad u dhiso taagerayaashiisu, isagoo ka war qabo in Shacbiga Reer Baraawe iyo Odayaasha Dhaqanka meel fagaare ah kaga dhawaaqeen in Suldaankooda yahay Xeydar Suufi Munye, si diiranna u soo dhaweeyeen, Faqina loo digay in uusan Baraawe la soo galin amaba isku daynin in uu soo hadal qaado sheekada Caleemo saarka imw.

Akhristow:

Waxaa jirta maahmaah Ingrisi ah oo tiraahda: “Balaayo ha raadsan iney iyadu ku soo raadsato mooye” (Never trouble trouble till trouble troubles you). Haddaba, Faqi Sayid iyo La-Taliyahiisuba, waxay lugahooda iyo adinkoodaba ku raadsadeen balaayo, kadib markii ay soo qaadeen sawiradii munaasabadii Xafladii loogu magic daray “Education Awareness & Brava Community” oo lagu qabtay Degmada Baraawe, sannadku markuu ahaa 2006 oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah Odeyaasha Dhaqanka iyo akhiyaar kale oo munaasabadaasi lagu casumay, wayna ku daabaceen Websatyada, iyagoo u nisbeeyay in sawiradaasi la xiriiraan Xaflad ku saabsan soo dhaweynta Faqi, Odayaasha ka muuqda sawiradaasina ay ka mid ahaayeen dadkii soo dhaweynta ka qayb galay.

Waxaa hore loo yiri “Cagtii joogsan weydo ceeb bey la kulantaa”. Waa run qofkii socod badan ee joogsan waaya waxaa hubaal ah in uu marka dambe la kulmo dhibaatooyin, ceeb iyo fool xumo, waxayna la mid tahay midda ah “ Akhristow, talo aan la rog-rogin waa lagu kufaa. Murtidani waxay tilmaameysaa in wax walba oo lagu talaabsanayo (lagu dhaqmayo) ay haboon tahay in laga fiirsado oo aad loo calaaliyo. Sidaas darted, waddada keliya oo xal u noqon karto Faqi ay tahay in uu Odayaasha uu ka been sheegay, sharaftoodana meel uga dhacay, ka codsado iney  cafiyaan , raallina uga noqdaan gefkii uu galay.

Raalli hala iga noqdo waa raganimo.Marka aad khaldanto ama aad gefto in aad tiraahdo raalli hala iga noqdo ma jileec ama doqonnimo ee waa dadnimo iyo raganimo, Maahmaahdan waxay ku timid markii la arkay dadkeenu in ay yeesheen dhaqan ah “raalli galintu iney tahay daciifnimo iyo xaal maskiin ama xaal xaawaley”. Sidaas awgeed, raali hala iga noqdo in aad tiraahdo, waxaa ku jirta dadnimada fiican iyo aadaminimada.

Akhristow:

Waxaa jiri jiray nin Beel-daajiye ka ahaan jiray Beel Soomaaliyeed. Maalin maahmaha ka mid ah ayaa Islaan (habar) ka mid ahayd dadka hoos yimaada Beel-daajiyaha ahaa, waxay la soo daristay ibtillo aduun. Habartaasi waxay maal aduunyo ka lahayd Ri iyo hal Dheri ah. Waxaa dhacday ridii iyadoo wax ka raadsaneysa in ay madaxa la gashay dharigii oo ay meeshii kala soo bixi weyday geesaheedii.

Habartii markay dhibaatadaas, wax talo iyo tabba weyday, waxay isku sii deysay Beel-daajiyihii oo ay u bandhigtay dhibaatada subaxaas la soo daristay. Beel-daajiyihii markuu guriga Islaanta tegay, wuxuu Jaafaa-juglayaashiisii  ku amray in talaabada ugu horeysa ee dhaxal-galka ahayd ay noqoto…………

BOGGA    1AAD    2AAD     3AAD  4AAD     5aad  6aad  7aad  8aad  9aad

W/Q. Macallin Cusmaan Sheekh Axmed

axmadiya25@hotmail.com.

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of the Baraawepost

ARAGTIDA QORAALKAN KU XUSAN MASUUL KAMA AHA BARAAWEPOST WIXII JAWAAB AH WAXAA TOOS LOOGU DIRI KARAA QORAAGA KU SAXIIXAN QORAALKA.