WARARKA BARAAWEPOST khamiis 10 april 2008

SALDANADA TUNNI & MARAAXILKA AY SOO MARTAY

(QAYBTA – 11-AAD)

Akhristow:

Beel daajiyihii taladiisu waxay noqotay in marka hore in la gooyo madaxii Rida, kadibna la burburiyo Dherigii. Markii amarkiisi la fuliyay ayuu Beel-daajiyihii go’iisii meesha ka qaatay wuxuuna hadal ku yri ”Talloow tan hadaan ka tago yaa u talindoona”.

Haddaba, ninka Faqi la dhaho tala xumo heerka uu ka gaaray waa nin ka qalin jabiyay Kuliyadii ninkaas Beel-daajiyaha ahaa, maxaa wacay, markii uu Degmada Baraawe la geeyay, qaabilaad ama soo dhawyn ah ka waayey Shacbiga iyo Odayaashaba, halkii laga rabey in uu ka tanasulo laab ku hayntiisa ama hammigiisa (ambition) ahaa in uu noqdo Suldaan Tunni, ayuu hindisey in Websatyada lagu daabaco war aan jirin, kuna bandhigo sawiro ka muuqda qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka oo ka been abuuray, sababtoo ah Baraawe kama dhici haba yaraatee xaflad isagu lagu soo dhaweeyay.

Taas wuxuu Faqi Sayid u sameeyay si uu ceebtiisa u qariyo, bacdamaa taagerayaashiisa oo Dibadda ku nool uu u sheegay in Shacbiga Reer Baraawe ay raalli ka yihiin caleemo saarkiisa, si fiicanna loo soo dhaweyn doona markuu gaaro Baraawe iyo Nawaaxigeedaba, taas oo ay been noqotay, magac xumo, ceeb iyo sharaf darro ku habsatay tala xumadiisu awgeed.

Akhristow:

Run si kasta haddii la isugu dayo in la qariyo ama la daboolo, waxaa hubaal ah in kasta ha qaadato ee ugu dambeysta runi waatii soo baxda oo dibadda iyadoo taagan la arko, taa waxaan ula jeeda in Faqi Sayid Faqi in muddo ahba maskaxdiisu ku taagnaa oo marna ka faaruqin, cudurna ku noqday (obsession) wax la yiraahdo ”Mansabka Suldaannimo”, dhowr jeerna wuxuu isku deeyay in uu xitaa adeerkiisa Allah ha u naxristee Cumar Faqi  ka takhaluso, laakinse Odayaasha qaarkooda oo ku sugan Dalka USA oo arrintaas ka war helay, kula taliyey Faqi in uusan ku dhaqaaqin arrintaas.

Waxaan Odayaasha oo xog-ogaal u ah arrinta iyada ah, ka codsanaaya kuna boorinaaya in ay runta ka caddeeyaan arrintaas oo cabsi, xishood, eed ka carar iwm. Iska dhaafaan oo Ilaahay ka baqaan awaamiirtiisu raacaan. Eebbe wuxuu Qur’aankiisa Kariimka ah ku yiri: ” Naftaadana aad ku qarinaysay wax Eebbe muujin, kana cabsanaysid dadka (xishoonaysid) Eebaana u muta in laga cabsado (lahana xishoodo)”. Suurat Al-Axzaab, aayadda 37-aad. Haddaba, ruuxii amarka Eebbe iyo Rasuulkiisa caasiya oo khilaafana waa ruux dhumay oo jidka xaqaha ka leexday, ”ha la iska jiro

Tallabada ku xigay ee uu ku dhaqaaqay Faqi, waxay ahayd in uu beddelay magaciisu markii loo oggolaaday dhalashada USA (citizen), wuxuuna ka dhigaySuldanFaqiSayid,sida aan ku maqalnay warar aan ka helay dadgoobajoogayaal ah  markii la weydiiyayna sababta oo sidaas u yeelay, wuxuu ku jawaabay in gaalada ay ugu wacan ”FUCK FUCK” oo cay ah, sidaas darteed ayaan hormariyay Suldaan kuna xijiyay Faqi, hase yeeshee, durbadiiba waa la fahmay in tallabadaasi ay ahayd mid uu ugu ”gogol xaaraayey” mansabka Suldaannimada oo uu in muddo ahba ku riyoonaayay (dream).

Waxaa dhacday mar shir lagu qabtay guriga Nabadoo Dacfaraad Mudane Maxamuud (Jeel Jire) oo ku yaala Columbus (Ohio) oo lagu heshiisiinayay Faqi & sedigiisa Suldaan Xeydar, shirkaas oo gaar u ahaa ayna ku kulmeen jaaliyadda Beesha Dacfaraad oo keliya. Waxaa Faqi iyo walaalkiisa Prof. Cali la su’aalay sababta ay xilligan lid ugu noqdeen Suldaan Xeydar? Waxayna ku jawaabeen in uu marooqsaday mansab uusan xaq u lahayn oo ah Suldaan Tunni oo Abkooda uga geeriyooday.

Waxaa kale oo la weydiiyay, sababta ay raadsan waayeen dhaxalkooda, kadib markii Abkooda dhintay? Sababtay uga aamuseen muddaas dheer (1949/1987)? Iyo sababta ku kallifay in waqtigaan adag oo Degmada Baraawe xor ahayn oo xoog lagu haysto ay u hanqal taagaan martabadaas?

Jawaabta walaalaha kor ku xusan (Faqi & Cali) ay noqotay in xilligii uu geeriyooday Aw Faqi kadib, siyaasadda Waddanka marxalooyin kala gedisan soo martay, waqti munaasab ah oo lagu raadsado mansabka Aw Faqi uu ka tegay aan la helin, laakinse hadda ay diyaar u yihiin in ay xaqooda raadsadaan, waqti kasta ha ku qaadato iyo waddo kasta u mari doonaan. Waxaa jawaabahaas ku xigtay ”Caleemo Saarkii Faqi” oo in muddo ah u oomanaa (parched) ee ka dhacay Ohio (USA), hase yeeshee, dad badan oo ku abtirsada Mujtamaca Reer Baraawe, ayaa kedisk u noqotay arrintaas. Dadka fajac & amakaak ku noqotay ayaa ka mid ah Dr. Maxamed Cumar Faqi oo ku nool isla Magaalada Ohio oo arrintaas laga qariyay, kuna ogaaday Mas-Mediyada.

Haddaba, su’aasha waxay tahay, haddii uu marxuum Cumar Faqi Suldaan ahaa, kana dhaxlay aabihiis Aw Faqi (sida ay sheegeen), maxaa keenay in Faqi Sayid uu la wareego Suldaannimada, maadaama ay ifka ku sugan yihiin dhaxaltooyada Cumar Faqi? Maxaase looga qariyey Dr. Maxamed Cumar qorshaha Celeemo Saarka Suldaan Faqi? Soow liidniin (humiliation) iyo sharaf dhac (dishonour) kama muuqato in Beesha Tunni oo uu Ilaahay ku manaystay sharaf, karaamo iyo wax alla waxa qiime dadnimo iyo karti ah ee uu Ilaahay u dhaliyay qofka Soomaaliga ah, Hoggaamiyaheeda (Suldaankeeda) lagu Caleemo saro Waddan aan Waddankiisu ahayd?

Sidee baadse u dici kartaa in Magacaabidda Suldaanka iyo celeemo saarkiisaba aan lala tashanin dadka hoos yimaada (jurisdiction) Suldaanka oo ku baahsan Waddanka gudihiisa iyo Dibadiisaba? Ma suurtagalba in Beel weynaha Tunnida, arrimaheeda, mustaqbalkeeda iyo aaya-ka-talinteedaba, lagu go’aansado oo keliya ”Telefoon Conference” oo ay is-weydaarsadeen koox yar oo qayru-mas’uul ah (irresponsible), danaystayaalna ah oo tolka waxba u tarayn.

Horey waxaa loo yiri” Qofkii gurigiisuba gubanayo mid kale ma bakhtiiyo”, sidaas awgeed, waxaa habboon in marka hore qof waliba uu gurigiisa ka ad-kaado intii uusan faraha la gelin arrimaha Tolka, ogaadana qof walba wuxuu beerto ayuu helaa. Tusaale: haddaad xumato iyo dhibaato abuurato, suurta-gal ma ah in aad wanaag hesho.

Si kastaba arrintu ha u dhacdee, waxaan sugaynaa natiijada ka soo bixi doonto iyo waxa ay ciyaarihii ay goobta keeneen Faqi iyo asxaabtiisu ku dambeyn doonto. Horey waxaa loo yiri:”Ciyaari waa galin dambe”, sababta loo yirina waxay tahay inta badan la arkaa ciyaar tartameed in ay xiise iyo xarakaadba yeelato wakhtiba wakhtiga ka dambeeya ee ay sii socotaba, marka kuwa ku jira uu dhigoodu aad u sii kululaato, waxaana marar badan dhacda, dhinicii ciyaar bilowgeeda fir-fircoonaa ee la is-lahaa wuu reyn doonaa oo laga raayo. Sidaas awgeed, ciyaar waa in aan laga fiirin oo kaliya bilowgeeda hore ee la wada dhowro sida ay ku dambeyn doonto.

BOGGA    1AAD    2AAD     3AAD  4AAD     5aad  6aad  7aad  8aad  9aad   10aad

W/Q. Macallin Cusmaan Sheekh Axmed

axmadiya25@hotmail.com.

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of the Baraawepost

ARAGTIDA QORAALKAN KU XUSAN MASUUL KAMA AHA BARAAWEPOST WIXII JAWAAB AH WAXAA TOOS LOOGU DIRI KARAA QORAAGA KU SAXIIXAN QORAALKA.