WARARKA BARAAWEPOST arbaco 16 april 2008

SALDANADA TUNNI & MARAAXILKA AY SOO MARTAY

(QAYBTA 12-AAD)

Akhristow:

Soomaalidu waxay tiraahda: ”Ciirtaa dhamaa caydaada yaqaan”. Maahmaahdan, waxay ku salaysan tahay, qofkaad adigu abaal u sameyso ee aad soo dhaweysato in uu kaasi noqdo midka adiga xumahaaga ka shaqeeyo. Haddaba, maahmaahdan waxay abaareysaa oo ay lidi ku tahay dadkii uu shalay Suldaan Xeydar abaalka u galay markii Waddanka la joogay iyo markii la qaxeyba, ayay xumaato iyo necayba ugu badaleen halkii la rabay in ay u mahad celiyaan.

Sidoo kale, Reer  Banaadir waxay dhehaa: ”Xaq darro (xumaato) nin gala yaan la waayin”, sababtoo ah Rabbigeen oo isagu ah xaq kala siiye (jaai’siiye) ayaa jooga oo qofkii qof dulma (xumeeya) abaalkiisa ka waraabin doona, qofka dulmanna wuxuu ka mid yahay saddexdii qofood ee uu Nabigeena (SCW) noo sheegay in ducadooda mustajaab yahay, sidaas darteed, waxaa Suldaan Xeydar Suufi ku boorinaynaa in uu Ilaahay ka tuugo in uu raggaas u ifiyo waddada xaqa ah oo aad ku taagan tahay, qalbigoodana ku beero in ay ka fogaadaan dulmiga, nifaaqa iwm., isla markaana ka qoomamaan ilaa hadda wixii xumaato ay kuugu sameeyeen.

Waxaa kaloo iyana muhiim ah akhristuhu in uu fahmo waxa la dhaxo ”Aarsashada” in aysan fiicnayn oo aysan baraka lahayn oo qofka ku xasda ama ku xumeeya, ma fiican in aad ka  aarsato ama aad xumeyso. Mida kale, aarsi aad aarsato waxaaba ugu fiican marka uu Ilaahay kuu aaro.

Waxaa waa Hargeysa ka dhacday mid taajir ahaa jiray ayaa Faqiiray oo waa dambe mid uu dhowr jeer ka diiday in uu wax amaahiyo ayaa isagoo meel Qaad ku cunaya, isaga iyo dhowr qof oo kale ayuu ugu soo galay kaasi faqriyay. Markaasuu kii taajirka ahaan jiray wuxuu kii meesha fadhiyay ee uu wax u diidi jiray ku yiri ”war wax aan ku soo qadeeyona i-sii, qaadkana wax iga siiy”. Markaasu kaasi ku yiri ”war orod oo naga tag waa adigii markaad tukaanka buuxa lahayd wax noo diidi jiray ee!. Markaasu kani baaba’ay ku yiri ”war gacantii waagii wax kuu diidi jiray soow maanta adigan ku hoos taal ma aha!

Horey waxaa loo yiri: ”Adduunyo waa sheeko ama shaahid”. Haddaba, waxaan Eebbe (SW) hortiisa markhaati ka ahay in Suldaannimada uu huwan yahay Xeydar Suufi, ay tahay mid ku salaysan sharci iyo Qaanuun Dowli ah, isla markaana waafaqsan Xeerka, caadada iyo dhaqanka ay leeyihiin Ummadda Soomaaliyeed, cid oran karta in Xeydar Suufi uu mansabkaas ku hantiye si sharci darro ah ama ku helay si musuq-maasuq iwm., ma jirto, waxaan daliil u ah arrimaha soo socdo:

1.  In Odayaasha Dhaqanka Beelaha ku abtirsada Mujtamaca ReerBaraawe, ay si wadajir ah uga      codsadeen Dowladdii Kacaanka ahayd in Xeydar Suufi loo magacaabo Suldaan Tunni Shangamaas,     Toorre iyo Todoba Tol oo xaq u lahaayeen mansabkaas, laakinse in muddo ah la iska daayacay,     ahmiyadna aan la siin, dhowr sababo awgood;

2.  Dowladdii Kacaanka oo xilligaas Xukunka Dalka Soomaaliya ugu jirtay, markay aragtay dalabkii &     talo soo jeedintii Odayaasha Dhaqanka, waxay sannadku markuu ahaa 1987, oggolaatay in          Xeydar uu noqdo Suldaanka Mujtamaca R/B, waxayna siisay Shahaadadii lagu aqoonsado     Saldanada, laguna sijilay Diiwaanka Guud ee Dowladda oo ku taxan magacyada Odayaasha     Dhaqanka ah ee Beelaha Soomaaliyeed si sharci loo doortay, Dowladdana Mushaar siiso;

3.  Xafladdii caleemo Saarka Suldaan Xeydar Suufi oo lagu qabtay meel Xaranka u jirtay 2 Km. ee la      yiraahdo ABALAY, waxaa ka soo qayb galay dhammaan qaybaha uu ka kooban yahay Mujtamaca      Reer Baraawe, qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Gobolka Sh/Hoose  & kuwa Degmada Baraaweba;

4.  Sidoo kale, Bulshadii deganayd Tuulooyinka kala ah: Wareer Male,Awoowa iyo Eeriileba, si gooni     gooni ah marti qaad u fidiyeen Suldaan Xeydar, dhamaashadyo, xaflado kala duwan iyo ciyaaraha      Hiddaha iyo dhaqankaba lagu soo dhaweenaayay Tuulooyinka,Dhammaantoodna si farxad & reer      reen ku dhamaadeen;

5.  Caleemo saarka Suldaan Xeydar, waxay u dhacday sida waafaqsan hiddaha iyo dhaqanka Ummadda      Soomaaliyeed, dalkiisu ayaa lagu caleemo saaray, dadkiisu ayaana doortay, Odayaasha      Dhaqankana siwadajir iyo midnimoba isugu waafaqeen in Xeydar loo magacaabo Suldaanka Guud     ee Mujtamaca Reer Baraawe, meel kasta ay Joogaan, Dowladdana u sharciyeesay.             

           

Waxaa la yiri: “Xalaal iftiinba la qasha”. Maahmaahdani waa maahmaah iyadu is-fasiraysa, sababtoo ah xalaashu waa wax uu qof sharci ahaan isaga leeyahay, mana noqoto mid lala dhuunto ama la qarsado. Wixii loo soo tuugeysato, suuq-madaw iyo wixii si qalooc lagu hantiyay ayaa lala dhuunta.

Suldaan Xeydar Suufi wixiisa banaanka ayay yaaliin, cid shaki ama muran ka qabto oo shacbigeena ah aysan jirin, laakinse dad baa jira ee duurka la wareegaayo martabadooda iyo caleemo saarkood, taasna waxay caddeynaysa in waxooda aysan “Xalaal ahayn”, sidaas awgeed, iftiinka looga cararaayo. (Eeg sawirada halkan ku dhegan oo muujinaayo Suldaan Xeydar oo Tuulada Xaranka daawanaaye Gawoodleyaasha oo tartamaaye, waxaana ka mid ahaa cayaarihii hiddaha iyo dhaqanka oo lagu qabtay Tuuladaas, munaasabadii caleemo saarka Suldaan Xeydar).

Akhristow

Inkastoo siyaasadda iyo xukunka Dalka Soomaaliya ay soo mareen maraaxilooyin kala duwan, laga soo bilaabo markii Dowladnimadii Ummadda Soomaaliyeed lahayd la bur-buriyay, Qaranimadiina dhulka lagu jiiday, haddana wax is-bedel ah ama is-casilad ah dhinac Suldaan Xeydar kama dhicin.

Sidaas oo kale dhinacyada Dowladihii Maamulka Dalka la wareegeen Dowladdii Siyaad Barre, iyagana wax fara gelin ah, nasakhid (repeal) iwm., kuma aysan sameyn Suldaannimada Xeydar, sidaas darted, ilaa hadda shahaadadii loogu magacaabay xilkii Suldaannimada, waa mid sharci ah, ansaxna ah (valid), xaqiiqna ah, ficil ahaanna u jirta (effective), una jiri doonto, maxaa yeelay, awoodeeda sharciyeed ma burin, mana baaba’in, hadafkeeda iyo martabadeedana ay weli saamayn (effect) ku leedahay hawl qabadka & u adeegida Shacbiga Reer Baraawe ee uu Suldaan ugu hawlan yahay. Wax waliba heerkay taagan yaa lagu haweystaa oo cidda haweysaneeyso ahaataa.

Mid doqon ah oo ku sugan Dalka Ingriska oo aan la yaabay garasha xumadiisa, ayaa wuxuu meelahaas dadka kaga maaweeliyaa “Waakaase maxaa Xeydar loogu kacay, soow manta wakaase lama eedin iwm.” Kaasi waa mid ay hayso xanuunka afqalaad lagu dhaho “NAIVETE” (waa qofka wax fududaysta, badana carruurnimo ama waaya-aragnimo la’aan darted) oo aan ogeyn saaka wuxuu ku quraacday.

Su’aasha halkan ka soo baxaysa waxay tahay: Yaa waaye dadka ku kacsan Suldaan Xeydar oo xilligan diidan Suldaannimadiisa? Yaa waaye dadka eedeeyay Suldaanka? Maxaysay ku salaysan tahay eedeytaas? Suldaan Xeydar Suufi waxaa garabkiisa taagan Odayaasha Dhaqanka oo la shaqeenaayay tan iyo xilligii loo doortay xilka Suldaannimada. Sidoo kale Bulshada R/B. raalli ayay ka yihiin, taageer buuxanna way u fidiyeen, markii uu dib ugu noqday Deegaankiisa oo in muddo ah uga maqnaa arrimo dhowr ah awgood, laakinse si joogto ah ugu adeegaayay bulshadiisa, HIIL & HOOBA aan marna ka xaqrin, kana joojin.

Waxaa la yiri “War la og yahay wax xiisa ah oo u leeyahay ma jirto”. Mitaal jaraa’idkii shalay cidina wax kuma fasho oo waa wax la arkay. Taa waxaan ula jeedaa, haddii dadka ku kacsan Suldaan Xeydar ama eedeeyay ay yihiin kuwii Faqi Sayid Faqi dusha u saaray xil uusan xamili karin, awoodiisu iyo kartididiisuna ka baxsan WAA LAGUU YAQAANA, waa dad xaasidiin ah, hase yeeshee, wax ay ka qaadi karaan ama u kordhin karaan Suldaan Xeydar ma jirto, wax kastana Ilaahay xaggiisa ayey ka idman-tahay, bani’aadamka wax awood ah oo wax kuugu sameeyo ma laha.

Mida kale, qofka ku xasada wuxuu la mid yahay sidii  EY ku qeyliyay xiddig cirka ku dhagan. Ma waxbuu ka qaadi EY ku WAH-WAH-LEEYAY xiddiga cir ku naban? Jawaabtu waa maya! Xasadka lagu xasdo inay wax kuugu siyaadaan mooye wax kaaga dhacaya ma uu jiro oo waa arrin la hubsaday oo la og yahay.

BOGGA    1AAD    2AAD     3AAD  4AAD     5aad  6aad  7aad  8aad  9aad  10aad  11aad

W/Q. Macallin Cusmaan Sheekh Axmed

axmadiya25@hotmail.com.

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of the Baraawepost

ARAGTIDA QORAALKAN KU XUSAN MASUUL KAMA AHA BARAAWEPOST WIXII JAWAAB AH WAXAA TOOS LOOGU DIRI KARAA QORAAGA KU SAXIIXAN QORAALKA.