WARARKA BARAAWEPOST Axad 4 may 2008

                  SALDANADA TUNNI & MARAAXILKA AY SOO MARTA

                                          (QAYBTA 14-AAD)

Akhristow:

Si kastaba arrintu ha u dhacdee, Isaaq Macalin (Xoghayaha D.Hoose) waa laga qaaday xilka, waxaana lagu wareejiyey Aawo, taasna waa Ilaah mahadiis waxay ku timid geesinimada iyo kartida Suldaan Xeydar Suufi. Sheekadaan xaqiiqadeeda waxaa laga wareysan kara Moxamed Sarmad oo xilligaas ahaa Taliyaha Ciidanka Dowladda Hoose Degmada Baraawe oo hadda ku sugan London iyo Mudane Aawo ee weli Baraawe ku nool.

Sida aynu xog-ogaal ugu nahay, markii maleeshiyadii USC ay hareereeyeen Magaalada Muqdisho, kacdoonkii dadweynahana uu culeys weyn saaray Taliskii Siyaad Barre, waxaa uu xaalka Xamar isugu soo biyo shubatay god madow. Waxaa si buuxda u luntay kala dambeyntii iyo u hogaan sanaan sharci, dhimashada, xasuuqa, bililaqada iyo darxumada waxay heer aanay indho soomaalinimada jecel aysan eegi karin. Sababahaas awgood, dadkii ugu samirka iyo dulqaadka badnaa waxay bilaabeen in ay ka baxaan Xamar. Kumanyaal dad ah oo ka soo bara kacayCaasimada Soomaaliya, soo gaareen Degmada Baraawe si ay naftooda u bad-baadiyaan.

Haddaba, si loo sugo nabadgelyada Baraawe iyo Tuulooyinkeedaba, isla markaana looga hortago falalka xun xun ee ka imaan kara dad aan Ilaah ka baqayn, ayaa Odayaasha Dhaqanka Baraawe oo hormood ka ahaa Suldaan Xeydar dhiseen ”Golaha Badbaadada & Nabadgelyada Baraawe” oo xubnaheeda ka koobnayd dhamaan Odayaasha Dhaqanka Beelaha R/B, Beelaha Maay & Maxaa-tiri oo xilligaas ku sugnaayeen Deegaanka Baraawe, Siyaasiin, Saraakiisha C.Q.S. iyo Waxgaradka Mujtamaca Reer Baraawe.

Guddoomiyaha Golahaas, biloow waxaa loo doortay Marxuum Abuukar Cumar Sheegow, markii uu Xamar tegay oo uu ku biiray Golaha Dhexe ee Ururka SDM., waxaa xilka lagu wareejiyay Marxuum Axmed Cadde Munye, ugu dambeyntii waxaa xilkaas loo doortay Mudane Bishaaro Xaaji Munye.

Akhristow:

Isaga sheekeyn mayno waxyaabihii laga dhaxlay dagaaladii sokeeye ee Dalka ka dhacay iyo dhibaatooyinkii aan la soo koobi karin soo gaaray Bulshada R/B, siiba intii ka dambeysay markii dagaaladu yeeshe weji qabiil (Hawiye Vs. Daarood), haddana waxaa xusid mudan in la sheego halgankii, xeeladii, siyaasaddii dhex-dhexaadnimada iyo geesinimadii uu Suldaan Xeydar la tacaali jiray qab-qablayaasha dagaalka markay Baraawe soo gaari jireen, taas oo Ilaah mahadii u suurta geliyay Suldaanka in uu xadka ugu yar gaarsiyo dhibaatooyinkii iyo khasaaradihii ay Maleeshooyinkii dagaala-maayay gaarsiyeen Beelaha kale ee ay nala midka ahaayeen oo laga tira badan yahay (minority), aan hubeysnayn, dhexdhexaadnimadana ka muujiyeen intii dagaalada socday.

Ma jirto cid ka tirsan Bulshada Reer Baraawe inkiri karta in Suldaan Xeydar Suufi uu qayb libaax ka qaatay sugidda nabadgelyada Magaalada Baraawe, naftiisa iyo waqtigiisaba u huray danaha shacbigiisa oo dulmi iyo gardarroba lagu hayay muddadaas ilaa uu gaaray heer naftiisa halis gasho.

Akhristow, qiimaha dhabta ah ee ragga, waxaa lagu bartaa saddex xaaladood marka lagu jiro:

Jabad la deg, oo ah meel la dago (deegaan) aad la dagto;Ama jid la mar;Ama jidin la cun oo ah in aad wax wada qaybsataan oo aad wax wada wadaagtaan.

Sida runta ah, Mujtamaca R/B si dhab ah ayay isku barteen dagaaladii sokeeye kadib, waxaana hubaa in aan hadda kadib la is khiyaani doonin, sababtoo ah waxaan aragnay, dad naftooda ku waayay difaaca iyo badbaadinta shacbiga R/B sida Abuu Faqi Buuxo, Ilaah ayaan uga baryayaa in uu ka waraabiyo Janatul Firdowsa. Dad xoolahooda iyo hantidooda oo dhan u huray in lagu haqabtiro baahida Degmada Baraawe sida: Sayid Xaaji Beytulla iyo Xaaji Cusmaan Gooya. Dad ka bakhiilay in ay bixiyaan lacagta taakuleynta hawl-galka nabadgelyada, laakin raalli ka ahaayeen ama ay ka noqdeen iyo guryahooda iyo baqaaradooda ay tuugada kala baxaan lacag iyo badeecooyin kala duwan. Horey ayaa loo yiri: “Wax walaal loo diiday, wad baa leh”.

Sidoo kale, waxaa marna la iloobi karin kaalintii ay ka qaateen hawsha nabadgelyada ee Baraawe xilliyadii dagaalada sokeeye socdeen ay gacanta u galaayeen Magaalada Maleeshiyada Beeleed, walaalaheena Mudane Bishaaro X.Munye, G/le Sare Munye Abu Munye, G/le Sare Shariif Sheekhuna, G/le Sare Marxuum Mukhtaar X.Munye, G/le Sare Cali Apollo, G/le Sare Jeylaani Mowlaana Suufi oo habeen iyo maalinba ay u ordi jireen dhinac qayladu ka soo yeerto, hadafkoodana ahaa in ay ka hortagaan in aysan dhibaato loo geysanin ummadda waqtigaas ku sugnayd Magaalada Baraawe gudaxeeda, ciddey doontaba ha noqotee.

Hawlahaas oo la fulinaaye, mar kasta waxaa hormood ka ahaa Suldaan Xeydar Suufi oo la xaajoon jiray Odayaasha Dhaqanka ee isku darajo ah ee kala  hoggaamin jireen Maleeshiyooyinkii ku guulaysan jireen in ay ku negaadaan Baraawe, isla markaana soo dhaweyn jiray, dalabkoodana u yeeli jiray intii uu karaankiisa iyo awoodiisa saamaxaayay, si  uu dadkiisa u nabadgelyo.

Akhristow:

Waxaa waajib nagu ah in aan xusno qof walba oo uu inaga mid ah, wixii uu geystay (xumaan & samaanba), isla markaana taariikhda lagu xuso, sababtoo ah ummad kasta “Halyeeyaashooda, Aqoonyahanadooda, Culumadooda” waxay adduunka ka tagaan wax lagu xusuusto oo dhaxal gal ah, kana hadlaya dhacdooyinkii soo maray bulshadooda.

Sida la wada ogsoon yahay, taariikhdu dadku way ka faa’ideystaan haddii ay taariikhdaasi tahay mid dhab ah, xaqiiqana ku saleysan, waxayna ka qaataan duruus ay ku waano yeeshaan, isla markaana raad raac ka dhigtaan. Laakinse, haddii la iska allifo ama la iska qorto taariikh aan hubnayn oo ku dhisan keliya in ummadda lagu maran habaabiyo, horseedna u noqda is necayb iyo kala tag sii kala fogeeya midnimadooda iyo walaaltinimadoodaba, ma wanaagsan, waa in laga digtoonaada taariikh aan raad lahayn (reference).

Haddaba,  dadkii si fiican ula socda taariikhda Saldanada Mjtamaca R/B & maraaxilkii ay soo martay, waxaa mar  la yaab ku noqotay oo maskaxdooda geli weysay isbeddelka ku yimid dabeecadihii, xadaaradii, aqoontii iyo ilbaxnimadii lagu yiqiin R/B, kadib markii ay websatyada qaarkood ku arkeen “Taariikh Nololeedka” laga qore marxuum Cumar Faqi markii uu geeriyooday kadib oo lagu caddeeyay in uu ahaa Suldaan Tunni oo uu ka dhaxlay aabihiis Aw Faqi Xaaji Awiis.

Mar kale haddana waxaa dadkaas kedis ku noqotay markay arkeen Xafladii caleemo saarka Faqi Sayid oo lagu qabtay Ohio (USA) iyo Xasan Cumar Faqi asaguna Xamar gudihiisa lagu caleemo saaray loona nisbeeyay in uu dhaxlay mansabkii uu aabihiisa uga geeriyooday, inkastoo markii Faqi la caleemo saaraaye, la shaaciyay in uu daboolaayo xilkii adeerkiisa Cumar Faqi uu ka tegay, laakinse taas waxaa durbadiiba beeniyay Dr. Maxamed Cumar Faqi, haddana waxaa lagu hijiyay “War-saxaafadii” uu qabtay Xasan, markii Faqi soo gaaray Xamar, isagoo ummadda soomaaliyeed ogeysiiyay in uu Faqi uusan ahayn Suldaan Tunni, cid doortayna aysan jirin. Wuxuuna raaciyay in uu Kumeel gaar ahaan  huwan yahay mansabkaas ilaa Odayaasha Dhaqanka ay go’aan uga gaaraan. Waa yaabka yaabkiis! Yaa hadda Suldaan ah: Faqi miyaa? Mise Xasan? Yaase ku xaq-le Cumar Faqi dhaxalkiisu?

Shacbiga R/B , arrinta ay ku kaceen ilmaha uu aboobe u yahay Aw Faqi, waxay u arkaayaan dhaqan xumo iyo meel kaga dhac sharafta Odayasha Dhaqanka iyo mujtamaca R/B oo ay ka mid dhigeen amaba ku sifeeyeen raggii mujtamaca dhexdeeda lagu tilmaamo dad sumcadooda aad u liita, qiimona aysan ku lahayn bulshada, kuwaas oo u kala baxa saddex  qaybood:

1.  Nin maqan oo aan la tabin;

2.  Nin jooga oo aan la tiring;.  Nin tagaya oo aan la celin.

Waxaa la yiri: “Lama dhuunto iyadoo dhabarku ku muuqdo”, taas waxaan ula jeeda! Maxaa keenay in lagu tunto dhaqankeena, caadadeena iyo hiddaheena oo meel ka baxsan Deegaanada Baraawe lagu caleemo saaro Suldaan Tunni, iyadoo laga dhuumanaayo shacab-weynaha R/B iyo Odayaashoodaba.

Hadduu deg-degsiinyo door dhalo, kaadsiinyana keyd bey dhalaan. Waxaa mar walba haboon in laga fiirsado waxa la sameenayo inta aan lagu boodin(look before you leap). Haddaba, waxaan sugaynaa in aan aragno “Jilaayaasha” (actors) halka ay la tegi doonaan Suldaanka suuq-mudow lagu raadsanaayo, maxaa yeelay, waxaa la yiri “Durbaan la xaday goobtii lagu cawyn lahaa yaala rabaa”. Durbaan la xaday in dal kale lala tago mooye, haddiiba la tumo isma qarin karo oo qofkii lahaa intuu ordo oo uu dhegta la raaco ayuu kor istaagi durbaankiisi iyo cid alla ciddii tumeysaba.

Maahmaahda kor ku xusan, waxaa loola jeedaa qofkii xada xil ama wax uusan ahayn sheegta meesha uu la tagayo oo uu ku ahaan lahaa xilkaas ayaa la raba, sababtoo ah wax aadan ahayn haddaad sheegato markiiba waa la ogaanayaa in aadan waxaas ahayn ee uu been iska yahay.

Akhristow:

Run maa la sheego roob hannoo da’ee. Murtidaan waxay tilmaameysaa faa’iidada iyo wanaagga ay runi ledahay, taas oo uu mar walba ku jiro xalku iyo kheyrku. Sida ay murtidani u qiimeyneyso runta iyo faa’idada dawada ah ee ay leedahay, waxaan iyana halkan ku soo qaadanayaa maah-maahda Ingriska ah ee tiraaha: saxa (xaqa) samee, cidna ha ka baqin LA SOCO QAYBTA DAMBE

Qaybta  1AAD    2AAD     3AAD  4AAD     5aad  6aad  7aad  8aad  9aad  10aad  11aad

12aad   13aad

W/Q. Macallin Cusmaan Sheekh Axmed

axmadiya25@hotmail.com.

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of the Baraawepost

ARAGTIDA QORAALKAN KU XUSAN MASUUL KAMA AHA BARAAWEPOST WIXII JAWAAB AH WAXAA TOOS LOOGU DIRI KARAA QORAAGA KU SAXIIXAN QORAALKA.