WARARKA BARAAWEPOST talaado 13 may 2008

                  SALDANADA TUNNI & MARAAXILKA AY SOO MARTA

                                          (QAYBTA 15-AAD)

Akhristow:

Dadku waxayba iloobeen! horta yaa go’aamiya in uu qof ama dad wax ay yeeshaan? (wax ala waxay tahay ha noqotee) Yaa gartay saca madoow caanihiisu iney cadaadaan? Yaa gartay Aadan Cabdulle Cusmaan in uu noqdo ninka kaliya ee maanta taariikhda fiican ee Soomaaliyeed galaya intii soomaali Madaxweyne u noqotay?

Haddaba, jawaabta cidda Dunidan maamusha ee isagu ka mas’uulka ah ee garta arrimaha kor ku xusan oo dhan iyo Dunidu sida ay u taal, miyuusan ahayn ”Cazaa wa jalaa Ilaahay? Maxaa marka la isu dambaajiinayaa oo ay walaalaheena beenta iyo xasadka cadaabta u sii wada ugu kufriyeysaa?

Maxaa loo xasdaaya Suldaan Xeydar Suufi oo Eebbe u gartay in uu noqdo Suldaan Beesha Tunni? Eebbe cidduu u garto gaarsiiya meel ala meeshuu doono. Isagaa ogsoon qof walba waxa u roon (bugle, musician, iwm.) iyo wax daran. Ingrisku waxay dhahaan “The more enemies , you have the more honour”, macnaheeda wuxuu yahay “Inba inta uu cadowgaagu ka badan yahay ayey sharaftaadu tahay”. Taas oo ah qofba qofka uu ka cadow badan yahay ayuu ka sharaf badan yahay. Waxaa mar walba muhiim ah in uu qofku qabto waxa la gudboon ama ku waajibka ah, sababtoo ah qaar baa mar walba jiraya ay dhibeyso wixii wanaagsan ee la qabanaayo, xaasidnimo awgood.

Akhristow:

Aan u soo noqdo sheekadii la xiriirtay wax-qabadkii Suldaan Xeydar Suufi xilli ay Degmada Baraawe ku sugnaayeen maleeshiiyo ka mid ah kuwii dagaalada sokeeye ku jiray, waxaa dhacday ninkii Madaxda u ahaa maleeshiyadaas uu gacanta ku dhigay Sarkaal Sare oo u dhashay Beesha Tunni, kaasoo Madax u ahaa Koox dhallinyaro ah oo ka shaqeyneysay sugidda ammaanka Magaalada, garbaduub inta uu u xiray ayuu ku wareejiyay suuqa Baraawe, kuna garaacayay qoryaha baadkooda sidii nin tuug ah oo la qabtay isagoo dambi faraha kula jira, kuna dhawaaqaayeen “Waa faqash, daba dhilifna u ah haraagii Siyaad Barre”.

Sarkaalkaas la qabtay, isagoo xaaladdaas ku sugan ayaa koox kale oo Maleeshiiyo, ayay weerartay guriga Sarkaalkas, halkaas ku dileen gabar walaashiisa ahayd oo 18 jir ah oo ummul ahayd, ay haleeshay rasaas ay rideen kooxdaas, iyadoo isla goobtaas ku naf baxday. Waxayna ku dhaarteen in ay Sarkaalkaas ay dili doonaan oo dusha u saareen baxsashadii uu Degmada Baraawe ka baxsaday Shaarweyne oo ahaan jiray Talihii Ciidanka Nabadsugidda ee Baraawe.

Eedda loo haystay Sarkaalkaas, waxay salka ku haysay in maalin maalmaha ka mid ah, Sarkaalkaas loo sheegay in Doon ay ku jabtay meel Baraawe u jirtay 20 Km. dhinaca Kismaayo. Sidaas awgeed, Sarkaalka wuxuu goobta u diray gaadiid si u badbaadiyo rakaabkii ay naftu haysay, loona qaaday biyo iyo raashiinba.

Hase yeeshee, dadkii goobta loogu tagay waxaa ka mid ahaa Shaarweyne iyo caruurtiisa oo muddo laba maalmood halkaas ku xayirnaa. Laakinse Sarkaalka kama war qabin ciddii ay ahaayeen iyo reerka ay u dhasheen dadka doonta ku jabtay, tallaabadii uu qaaday waa mid looga baahan yahay qof kasta oo Muslim ah in uu u gurmado walaalkiis Muslim ah, una gargaaro inta awoodiisa la eg.

Ilaah baan idinku dhaarshee ma ku muteysan karaa Sarkaalka tallaabadaas uu qaaday awgeed in lagu  dhaawaco sharaftiisa, naftiisana halis lagu geliyo ilaa la gaarsiiyay heer qoyskiisa la weeraro oo lagu dilo gabar ummul ahayd?

Ilaah mahadiisa, waxaa Sarkaalkaas si geysinimo ah ugu gurmaday Suldaan Xeydar Suufi oo uu taageero “HIIL & HOOBA” ka helay Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo Deegaanka Baraawe ku dhashay iyo kuwa muddo badan ku nool sida: Aw Mahaadow Nabadoonka Mudulood, Xaaji Xaashi Nabadoonka Hiraab, Cabdullahi Xalane Guddoomiyaha Xaafadda Daaraley, Sheekh Xasan iyo Maxamed Kediye oo labaduba Matilaayay USC Baraawe. Dedaal dheer oo aan kala go’ lahayn kadib, waxaa lagu guulaystay in la badbaadiyo Sarkaalkaas oo laga fujiyo dablayda uu gacanta ugu jiray.

Akhristow:

Si aan loo qaadanin in dhacdadaas ay tahay mid la iska allifay, waxaa ila noqotay in aan sheego magaca Sarkaalka lagula kacay falalkaasi oo bani’aadminimada ka baxsanaa  si aan shaki uga saaro akhristayaasha qaarkood oo mar kasta Email ii soo diraa, iyagoo maqaal kasta oo aan soo saaro nuxurkiisu ay ku fassiraan “Sheeko la iska hindisay oo khayaali ah”. Xitaa sawiradii & dokumentiyaashii aan maqaalada qaarkood soo raaciyay, waxay ku tilmaameen in aan derbiyada ka soo fujiyay ayna ka turjumeynin qisada loo aanaynaayay ama gogoldhig iyo hal qabsi looga dhigaayey. Sarkaalkaas wuxuu ahaa G/Sare Cali  Apollo, isaga ayaana markhaati ka dhigaaya.

Arrinta kale iyadana xusid mudan oo Suldaan Xeydar xalliyay, waxay ahayd markii uu dabley ka tirsanaa Ururka SPM  ku dhacay “Bullacada” guriga reer Xaaji Nuur oo khadiimka ahaa, kuna dhaawacmay, maalmo kadibna uu geeriyooday dhaawicii soo gaaray awgood. Reerka uu ka dhashay marxuumka, waxay ka dalbadeen Nabadoonkii Haatimi (SheekhMaxamed Nuur) in uu bixiyo Sh.So. 20 Milyan oo “DIYO” ah, hase yeeshee, waxaa dalabkaas gaashaan ku dhuftay oo diiday in la bixiyo “MAG” intaas la eg Suldaan Xeydar oo diidmadiisa u cuskaday heshiis soo jireen ah oo ka dhexeeyay “Beelaha Mujtamaca Reer Baraawe  & kuwa Maay iyo Maxaa-tiri.”

Heshiiskaas wuxuu dhigaaya in Beelahaasi aysan kala qaadanin DIYO iyo wax la mid, marka ay dhibaato is-gaarsiyaan. Sidaas darted, Beesha iyo  reerka uu marxuumka uga geeriyoodeen, waxay qaddariyeen heshiiskii ay waqti hore ay kala saxiixeen Odayaasha Tunnida & Beelaha Maay & Maxaa-tiri ee degaan ahaa ku nool Baraawe  iyo nawaaxigeedaba, isla markaana ay oggolaadeen, kharashkii loo gartay oo ku baxay daaweynta marxuumka & qarashka duugta, sidaasina gogoshii ku soo gaba-gabowday.

Dhacdooyinkaas aan kor ku soo sheegay, waxay dhaceen xilligii uu Mudane Bishaaro X.Munye ahaa Guddoomiyaha Guddiga Nabadgelyada & Badbaadada Degmada Baraawe, isaga ayaana shir guddoominayay markii lala xaajoonayay kooxdii haysatay Cali Apollo, laguna heshiiyay in aan waxba laysku raacanin, taas micneheedu yahay in Tunnida ay ka sabraan magta gabadhii la dilay, kooxdana ay si dayso Sarkaalka, dib dambena aan wax laysugu sheegan.

Haddaba, waxaa iga su’aal ah! Xageebay jireen dadka hadda sheeganaaya Suldaannimada iyo kuwa dhintayba, markii ay dhaceen arrimahaas iyo waqtigii uu Suldaan Xeydar Suufi har iyo habeenba fadhi iyo nasashoba u waayay xallintooda iyo wax ka qabadkooda awgood? Tallaabooyinkii uu qaaday Suldaanka inkastoo oo ay waajib ka saarnaa xallintooda, haddana, waxay caddeynaayaan in xitaa xilliga dagaalada sokeeye ay Odayaasha Beelaha Soomaaliyeed ee dagaalamaayay, qaddarinaayey maqaanka iyo sumcada uu lahaa Suldaan Xeydar Suufi iyo in xilligaas uusan jirin amaba ku sugnayn Degmada Baraawe & nawaaxigeedaba  Suldaan kale oo aan ka ahayn Suldaan Xeydar Suufi Munye.

Akhristow:

Wax qabadka Suldaan Xeydar intaas keliya kuma kooban, waxaa ka sii daran hawlihii joogtada ahayd ee uu u qabtay “Qaxootiga R. Baraawe”, markii ay gaareen Magaalada Mombaas (Dalka Kenya). Suldaanka, isagoo la kaashaday Odayaasha Dhaqanka Shangamaas& Todoba Tol, wuxuu Bulshada Reer Baraawe u suurta geliyay in goonidooda la dejiyo Xero ka baxsan Xeradii loogu tala galay Qaxootiga Soomaaliyeed oo dhan, sidaasna, Hay’ada loo yaqaano UNHCR u diyaarisay “Hatimi Kamp”.

 Sida aynu xog-ogaal u nahay, Wufuud kasta ee Ajaaniibta ee soo booqan jiray Xerooyinka Qaxootiga ee ku yiilay nawaaxiga Magaalada Mombaasa, gaar ahaan Wufuuda ka tirsanaa Qaramada Midoobay (U.N.) oo u xilsaarnaa in ay soo xaqiijiyaan dhibaatooyinkii loo geystay Beelihii laga tiro badnaa (minority) oo Mujtamaca eer Baraawe uga mid ahayd Beelahaas, waxaa loo geyn jiray Suldaan Xeydar si uu ugu waramo taariikhda iyo xadaarada R/B. iyo dhibaatooyinkii ka soo gaaray dagaalada sokeeye oo ku khasbay shacbiga R/B. in hantidooda (mood & noolba) uga cararaan una haajiraan Waddamada Deriska la ah Soomaaliya si ay naftooda u badbaadiyaan, caruurtoodana u helaan meel ay mustaqbalkooda ugu dhisi lahaayeen.

Qaybta  1AAD    2AAD     3AAD  4AAD     5aad  6aad  7aad  8aad  9aad  10aad  11aad

12aad   13aad  14aad

W/Q. Macallin Cusmaan Sheekh Axmed

axmadiya25@hotmail.com.

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of the Baraawepost

ARAGTIDA QORAALKAN KU XUSAN MASUUL KAMA AHA BARAAWEPOST WIXII JAWAAB AH WAXAA TOOS LOOGU DIRI KARAA QORAAGA KU SAXIIXAN QORAALKA.