WARARKA BARAAWEPOST talaado 13 may 2008

                  SALDANADA TUNNI & MARAAXILKA AY SOO MARTA

                                          (QAYBTA 16-AAD)

Akhristow:

Suldaan Xeydar Suufi, Odayaasha Dhaqanka iyo Mas’uulinta Xerooyinkii Qaxootiga Reer Baraawe ku xareysanaa (Dr. Mustafa X. Nuur & G/le Sare Munye Abu Munye)oo labada kala maamulaayay Xerada Sant Anna & Hatim Camp, cabashooyinkooda, baaqooda, caawimaad weydiisashadooda (invoke) iyo qayli dhaantood oo dhammaantood ku wajihnaa in Qaxootiga R/Baraawe meel kasta ha ku sugnaadeen, loo aqoonsado in ay yihiin dad aan xilligaas damac ugu jirin inay dib ugu laabtaan Soomaaliya, arrimo la xiriira nabadgelyadooda iyo xorriyadooda, waxayna Hay’ada UNHCR ka codsadeen in xaaladooda si gaar ah ee bani’aadamnimada ku dheehan loo derso.

Nasiib wanaag, dedaalkooda miro dhal ayuu noqday, sababtoo ah Hay’ada UNHCR, iyadoo qiimaysay warbixintii Odayaasha ay ka bixiyeen Degmada Baraawe iyo dhibaatadii loo geystay shacbigeeda, waxay soo jeedisay in qaxootiga R/B loo qaado Dalka USA, mudnaanta koowaadna la (Resettlement as priority one) siiyo 3316-kii qaxooti ee Hatimy Camp ku jiro, lana diiwaan geliyay (Eeg. Warbixinta halkan ku lifaaqan oo ku saabsan Resettlement of Bravan Refugees to the USA ee  ogeysiis ahaa Suldaan Xeydar loo soo diray).

Akhristow:

Inkastoo horey loo yiri: Dad iyo duur wax aan la fileyb baa ka soo baxa”, haddana wax fiican ma aha in qofku ku sifoobo ”laba wajiile” (Hypocrite), ama lagu arko astaamaha ”Munaafaqnimo (Hypocrisy), Waxaa yaab iyo fajac igu noqotay, markii aan arkay dad qaarkii oo ka soo qayb galay caleemo saarkii Faqi Sayid oo u sacbinaayay uguna dhawaaqaayeen ”Suldaanow na hoggaami”.

Sida runta ah, ma aanan garan dadkaasi ujeedada ama xeelada iyo khiyaanada ay u dan lahaayeen iyo ciddii ay maaganaayeen in ay god ku ridaan. Dadkaasi waxaa ka mid ah Dr. Mustafa Xaaji Nuur oo yaqaano Xeydar Suufi in uu yahay Suldaanka Mujtamaca R/B, Xafiisyada Dowladda Kenya, Hay’ada Qaxootiga qaabilsan oo loo yaqaano UNHCR IYO World Reliefba oo Xeydar martabadiisu iyo mansabkiisuba u diiwan gashanna  in uu Hoggaamiye  u ahaa Bulshada Reer Baraawe una matilaayay, muddo dheerna si wadajir ah ka wada shaqeenaayay danaha R/B, ayuu Ilaah ka baqi waayay in uu xitaa su’aalo! Halka uu ku dhamaaday mansabkii Suldaanimada Xeydar Suufi oo in muddo ah Hoggaaminaayay Bulshada Reer Baraawe.

Akhristow, Suldaan Xeydar Suufi, waa ninkii Jeneraal Caydiid ka fujiyay Dr. Mustafa X.Nuur, markii uu ku qabsaday warkii uu Mustafa kas ii daayay BBC-da ee ku baxay ”Af Soomaali”, yirina: Bulshada Reer Baraawe in aysan ahayn ”Soomaali dhalad ah”, rajona aysan ka qabin in ay dib ugu noqdaan Soomaaliya, xitaa haddii dagaalada sokeeye la joojiyo, dibna lagu soo celiyo nabadii & xasiloonidii Waddanka Soomaaliya ka jirtay dagaalada sokeeye ka hor.

Dr.Mustafa wuxuu cambaareeyay Beelihii Soomaaliyeed oo dagaalamaayay, yirina in ay ka midaysnaayeen in R/B dhulka laga tirtiro, hantidoodana la boobo, bacdamaa aysan jirin cid ka hadlaysa ama ka danqanaysa dhibaatada maleeshiyadooda u geysanayso shacbiga R/B.

Hase yeeshee, Suldaan Xeydar Suufi ayaa ka dhaadhiciyay Jeneraal Caydiid in warka Dr. Mustafa si khalad loo shaaciyay, laakinse rag waxgarad ah oo ka tirsan Beesha Tunni ayaa ka daba tegay warkaas, waana beeniyeen. Jeneraal Caydiid, kadib markii uu ku qancay cudur-daarkii Suldaan Xeydar, ayaa Ururkii SPLU loo oggolaaday in uu Isbahaysi la galo Ururka SNA, Xafladdii loo sameeyay munaasabadaasi oo lagu qabtay Hoteel Serena ee Nayrobi ku yaala, Suldaanka ka soo jeediyay khudban aad u wanaagsan, si fiicanna looga helay nuxurkeeda.

Akhristow:

Inkastoo Dr.Mustafa X.Nuur wax sharaf ah iyo sumcad ah uusan midna ku lahayn Bulshada Rer Baraawe dhexdeeda, caanna ku noqday nin had iyo jeer danaha guud ee bulshadeena ka hormari jiray danahiisa gaarka ah, haddana kama filnayn in uu munaafaqonimadiisa ay gaarsisan tahay xitaa in uu dafiro Suldaanimada Xeydar, raallina ka noqdo nin shalay danihiisa ka soo shaqeeyay, siyaasaddiisuna taageersanaa, gaarsiiyayna ilaa heer uu ka noqdo Guddoomiye Kuxigeenka Ururka SNA oo Hoggaaminaayay Jeneraal Caydiid, oo hortiisa lagu gawraco si dambi la’aan iyo sabab la’aan, maxaa yeelay, Dr. Mustafa, Ilaahay ka sokow, si dhab ah ayuu ka warqaba in Mansabka uu huwan yahay ee Suldaanka Mujtamaca R/B. uu yahay mid ku qotonta Xeerka iyo dhaqanka ummadda Soomaaliyeed, weligiisana aan lagu fara gelinin.

Sidoo kale, inkastoo la yiri mar walba oo cimrigaagu dheeraado, waxaad la kulmeysaa waxyaabo ku fajac geliya, haddana marna maskaxdeyda ma aysan soo galin in dad xiriir qaraabo iyo mid xidid ahba ka dhaxeeya Suldaan Xeydar, isla markaana ahaa dadkii daadihin jiray Suldaanka markii Waddanka la joogay, markii Kenya loo soo qaxay iyo markii USA la degayba, goob kasta ee Tolka ay ku kulmi jireenna (xaflado, shirar iwm.) ay Suldaan ahaan hadalkiisa laga hor mari jiray dadka kale, isla markaana uu xiri jiray fadhi kasta oo la isku imaan jiray, uuna ducayn jiray, in ay damiirkoodu siiyo, in ay isku deeyaan in ay “af-gambi ku ridaan” walaalkppda iyo seedigoodaba, taas oo ka soo horjeeda diinteena iyo dhaqankeenaba, waayo qof aan waxba kuu gaysanin, shacbiga uu ka tirsan yahayna abaal ku qabaan hoggaamintiisu iyo wax qabadkiisuba, haddaad cadaw u noqoto, aad necebto ama aad xasdo, waa arrin laga deeriyay, laga yaabona in qofku uu ku dhaco carada Eebbe. Hadduu Ilaahay kuu caroodana, waa wax la hubo in aad “DABAR GO’EYSO”.

Laakinse, haddii aan dib ugu noqono Siirada Nabigeena suubanaa (SCW) ee Maxamad ahaa, waxaan ka baranaynaa xitaa Nabiyadii ayaa laga hor tagay wanaagii iyo khabaarkii ay wadeen ee uu Ilaahay u soo dhiibay in ay gaarsiiyaan adoomadiisa, Nabad gelyo korkiisa ha ahaatee, Nabigeeni suubanaa ee Maxamad ahaa, waxaa jiray kuwo dhalasho ahaan dadka ugu dhawaa oo cid kasta uga daraa oo uu ka harsan waayay.

Waxaa dunida ugu fiican haddaad qabato hoggaanka, marnaba ha filin in ay cid walba kuugu jecleysato wanaagaas, lakin dheg jalaq looma siiyo oo dan iyo muraad lagama galo.

Haddaba, haddii uu Faqi Sayid asxaabtiisa ay yihiin kuwa aan kor kusoo xusay, uuna ka mid yahay Dr. Mustafa oo hal-ku-dhegiisu ahaa “Beec baro ama Been baro”, oo raashinka qaxootiga R/B. suuq madaw ku gadi jiray, beentana meherediisu ahaa, wax faa’ido ah yeelan waayo haba yaraatee, balse uu yeelan doono saanqaadkii ay lahaayeen asxaabtiisa, waayo qofba qofka uu ka weyn yahay ee uu tiigsanayo amaba meel uga sareeya ayuu hadba sida uu u dhaqmo ama u maamusho xirfadeeda iyo dhaqankeeda ka tilmaan qaata oo uu u dhaqma (Awrka dambe, awrka hore saanqaadkiisu leeyahay.)

Sidoo kale, qofkii la doonaayo in la ogaado shakhs-nimadiisa, dhaqankiisa iyo dabcigiisaba, waxaa la fiiriya rafiiqiisa.Waxaa jirta maahmaah oranaysa: “Saaxibkaa ii sheeg waxaad tahay kuu sheegi doono”, oo u dhigantaa maahmaahda Ingrisiga ah ee tiraahda “Nin waxaa lagu yaqaan hadba wehelka uu leeyahay (A man is known by the company he keeps), sababtoo ah waxay mar walba u badan tahay labada saaxiibbaha ahi, maadaama ay yihiin kuwo dabci ahaan iyo dhaqan ahaan iska helay oo ku saaxiba iney yihiin laba qof oo isku mid ah.

Midda kale, ragga Faqi Sayid baddaan ku riday, siiba kuwii Malxiiska u noqday Faqi markii la caleemo saaraare, isla markaana Xamar u raacay iyo kuwii dhaqaalaha ku bixiyay hirgelinta arrintaas, waxaan ku tilmaami kara kuwii la yiri………………………..

Qaybta  1AAD    2AAD     3AAD  4AAD     5aad  6aad  7aad  8aad  9aad  10aad  11aad

12aad   13aad  14aad   15aad

W/Q. Macallin Cusmaan Sheekh Axmed

axmadiya25@hotmail.com.

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of the Baraawepost

ARAGTIDA QORAALKAN KU XUSAN MASUUL KAMA AHA BARAAWEPOST WIXII JAWAAB AH WAXAA TOOS LOOGU DIRI KARAA QORAAGA KU SAXIIXAN QORAALKA.