WARARKA BARAAWEPOST arbaco 4 june 2008

                  SALDANADA TUNNI & MARAAXILKA AY SOO MARTA

                                          (QAYBTA 17-AAD)

Akhristow:

Kula jire, kaa jire, iska jir, waayo waa  laba wajiile,  iskuma kalsoone, shakhsiyad laawe aan innaba damiir lahayn, beenaale khain ah,sababtoo ah shalay waxay durbaan u tumaayeen Suldaan Xeydar Suufi oo warkiisu iyo go’aannadiisuba qaddarinaayeen, isla markaana fulinaayeen murun la’aan, maantana waxay sacab u tumaayaan Faqi Sayid ayagoo weliba ogsoon in tallaabada ay qaadeen ay tahay mid xaq darro ah, laakin waxay la mid yihiin ”Geel caruuri qaaday meel fog ma jiro”, oo loola jeedo wax kasta oo qof aan aqoon u lahayn amaba aan ka bixi karin uu madaxa gashto, waxaasi meel fog in uusan gaareyn ee meel soke loogu tagayo.

Haddaba, inta aanan mawduuc kale gude u sii wada galin, waxaan jecleystay in aan taariikhda Suldaan Xeydar Suufi oo aan ka sheekeeyay, ku soo gebagebeeyo sheekada hoos ku taxan:

WALEENBE: wuxuu ahaa Suldaan caadil ah, naxriis badan, shacbigiisuna aad u jeclaayeen. Maalin maalmaha ka mid ah, wuxuu Waddankiisu ku soo dhaweeyay dad ”Badmaax ah” oo doontooda duufaan ku kacay halkii ay socdeen mooye ay ku leexisay Waddanka Suldaan Waleenbe xukumaayay.

Bacdamaa badmaaxiinta ay la kulmeen xilligii badxireenka ahaa, dhawr bilood waxay marti u ahaayeen Suldaanka oo si fiican u soo dhaweeyay, badeecadooda iyo ayagaba  la nabadgeliyay.

Markii la gaaray bixitaankooda, Suldaan Waleenbe iyo dhawr dhallin yaro oo la socotay, waxay fuuleen doonta ay wateen badmaaxiinta si ay u macsalaameeyaan, xoolo JISCINA oo ay sahay ka dhigtaana waa loo waday. Nasiib darrose, waxaa dhacday in badmaaxiintu ay qafaaleen Suldaanka iyo ilaaladiisaba si ay dalkooda addoon ahaan uga iibsadaan.

Suldaan Waleenbe, wuxuu ragga qafaashay ku yiri: Dhawr bilood ayaad dalkayga nabad ku joogteen,ma in aad na qafaalataan baad ”Abaal gud nooga dhigteen”. Suldaanka iyo raggiisaba waaa la geeyay suuqa Cummaan, waxaa laga gaday nin reer Basra ah. Suldaanka toban sano ayuu dadkii uga maqnaa, kadib wuxuu Ilaahay u fududeeyay in uu Waddankiisu dib ugu noqdo,si fiicanna loogu soo dhaweeyay Mansabkiisana si sharaf ah loogu soo celiyay.

Ilaah qudradiis, waxaa haddana dhacday in mar labaad dadkii soo qafaashay Suldaanka doontooda ku soo xirantay Marsadii Magaaladiii Suldaanka ku sugnaa. Markii kooxdii la gartay oo la qabtay, markii Suldaanka loo geeyay wuxuu ku yiri: ”Wixii aad igu sameyseen Ilaah dartii ayaan idin ku cafiyay”, wuxuu Suldaanka amar ku bixiyay in la soo dhaweeyo si wanaagsanna loo amba bixiyo.

Akhristow:

Sheekadan, waxay na baraysa faa’iidada ay leedahay daacadnimadu. Dhaqan kasta iyo diin kasta ee dunida jira, waxyaalaha ay iskusi u tilmaameen faa’iidooyinka iyo wanaagga ay leeyihiin, waxaa ka mid ah daacadnimada (Daacadi ma hungoowdo). Khaainkuna marnaba ma liibaano.

Waxaa jirta maahmaah soomaali ah oo u dhiganta mid Ingriisi ah oo tiraaha: ”Kuwa wax khaaima marnaba ma barwaaqaayo (Cheats Never prosper) iyo wanaagga iyo faa’idada uu samirku leeyahay oo waxaa hubaal ah qofkii samra in uu sadkiisa helayo.

Calaa kulli xaal, Suldaan Xeydar Suufi doorkii uu ka qaatay halgankii iyo dedaalkii uu u galay soo celinti mansabkii Saldanada Mujtamaca Reer Baraawe iyo wax-qabadkiisu aan kala go’a lahayn, taariikhda soomaaliya ”Baal Dahab ah” ayuu ka geli doona. Taariikhdu dadku way ka faa’ideystaan, waxayna tahay mid aan dugoobin oo aan baabi’in, sheegtana kii gef galay iyo kii gallad galay, kii sabray iyo kii sad buursadayba.

F.G. qofkii doonaayo in uu sii kordhiyo aqoontiisu, dhinac wax qabadka Suldaan Xeydar intuu ku sugnaa Hatimy Camp iyo xiriirkii ka dhexeeyay isaga & ragga hadda ku kacsan, wuxuu kala xiriiri kara

Emailkan: qaalid500@hotmail.com.

Akhristow:

Haddii uu Eebbe raalli ka noqdo, qaybaha soo socda waxaan ka hadli doona ”Taariikh nololeedka Marxuum Cumar Faqi (Biography) iyo waxqabadkiisa (Negative or positive), laga bilaabo maalintii uu Suldaan Xeydar oggolaaday  in uu shirkii dib u heshisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay Jabuuti uu Marxuumka u matilo Beesha Tunni Shangamaas, bacdamaa uu isagu Dalka dibadiisu ugu maqnaa, fursadna u waayay in uu shirkaas ka qayb galo.

Qaybta  1AAD    2AAD     3AAD  4AAD     5aad  6aad  7aad  8aad  9aad  10aad  11aad

12aad   13aad  14aad   15aad  16aad

W/Q. Macallin Cusmaan Sheekh Axmed

axmadiya25@hotmail.com.

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of the Baraawepost

ARAGTIDA QORAALKAN KU XUSAN MASUUL KAMA AHA BARAAWEPOST WIXII JAWAAB AH WAXAA TOOS LOOGU DIRI KARAA QORAAGA KU SAXIIXAN QORAALKA.