WARARKA BARAAWEPOST Isniin 4 february 2008

 

SALDANADA TUNNI & MARAAXILKA AY SOO MARTAY

(Qaybta 2-aad)

Akhristow:

Dhibaatada ugu weyn ee aan la kulmay markii aan Maqaalkan qoristiisu bilaabay, waxay ahayd in qoraalladii taariikheed ee Reer Galbeedka, Carab iyo qaar ka mid ah Aqoon-yahaannada Soomaaliyeed ka sameeyeen ay laftoodu isku khilaafsan yihiin, sidaas darteed, waxaa waqti badan iga qaatay is bar bardhigga iyo dib xaqiijinta wararkaas is khilaafsan.

Sidoo kale, marka aad soomaalida dhexdeeda (gaar ahaan Qowmiyadda Reer Baraawe) ka raadinaysid  xaqiiqo taariikheed, ha ahaato wax qoraal ah ama dad si daacad ah kuugu warama, run ahaantii aad ayey u adag tahay in aad heshid qof 100% ka banaan dareenka xagga qabiilka. Dadka qaarkiisu waxay ku weydiinaayaan su’aalo qalafsan. Tusaale ahaan: waxay ku weydiinaayaan xaggee macluumaadka ka heshay, yaad wareysatay, Reer hebel yaad ka waraysatay iwm.

Waxaan xasuusta nin Oday ahi beri hore wuxuu iiga sheekeeyey arrin aan aad ula yaabay heer dadkeena ay ka gaareen is-nacaybka, is-xasdiga iyo is-tiblidaba. Odaygaas wuxuu yiri: Nin aad u da’weyn ayaa talo siinaayey nin ay isku qabiil yihiin oo dhalin yaro ah, wuxuu u sheegayey sidii uu ula dhaqmi lahaa qabiilka ”Reer hebel” ee ay is neceb yihiin wuxuu yiri: ”haddii nin Reer Hebel ahi ku yiraahdo Ilaahay waa waaxid, ha ku raacin, waa beentaana ha oran illeyn waa Shirkiye (oo waad ku kufriyeysaaye), waxaadse tiraahdaa LAGAA OG.

Waxaan taas ula jeedaa, in sheekadaas oo kale hadda ka socota Reer Baraawe dhexdooda. Aawey diintii, xadaaradii, caddaaladii, run sheegii walaaltinimadii, nabad-ku-wada-noolaashii ay ku caan baxeen, Adduun-weynahana ku kasbadeen magac iyo sharaf!

Maanta in badan oo dadkeena ayaa isweydiya halka ay ka soo bilaabatay utunta kala irdhaysay xiriirkii, midnimadii, wadajirkii, dhaqankii, is walaalayntii soo jireenka ahayd ee ka dhexeesay Bulshadeena Reer Baraawe, laakinse soomaalidu waxay tiraahda ”Dad iyo Duur wax walba ka filo”. Waxaa kaloo soomaalidu tiri: ”Dad wada fiican ninkii doona dad la,aan buu ku dhacaa”. Mahmaayadaas waa run, maxaa yeelay, xilliyada dambe waxaan la kulanay noocyo kala duwan oo dad ah. Noocyadaas waxaa ka mid ah: mid magaagay, mid aan damiirba lagu ogeyn, mid munaafaq ah iyo mid aad moodo in uu wato maskax riyood oo aad u jeedo amaba la yaaban tahay khiyaanadiisa, kaas oo waliba is-moodaya in ay kaa caqli badan yihiin amaba ku siri karaan adiga oo weliba xayawaannimadooda u dul qaadanaya.

Akhristow:

Ninkii la oran jiray Ibnu Batuuta wuxuu ahaa nin Marookaan ah oo ku dhashay Magaalada Danja, sannadkii 1304, wuxuu ahaa ninkii ugu socod badnaa xilligaa inta la hayo. Wuxuu maray Shiina ilaa Spen, Soomaaliya ilaa Shaam, wuxuu socod ku maray dhul gaaraya 120,000 km., wuxuu dhintay isagoo aan isku duwin buuggiisi la magac baxay ”Tuxfadul indaar fii qaraayib al absaar wal cajaa’ibul asfaar (ama Rixlatu Ibnu Batuuta). Buuggan waxa qoray Suldaankii Abu Cismaan ee xilligaas Marooko u talinayey oo ku amray nin oran jiray Ibnu Jasi Al Kelabi.

Ibnu Batuuta, waxaa laga haaya in uu yiri: qofkii taariikhda qoraayo, waxaa looga baahan yahay in uu lahaado shuruudaha soo socda:

B.     In uu nadiif ka ahaado kala qaybinta, qolo-qolaynta, xasadka,beenta iwm.;

     T.  In uu si fiican ugu kuurgalo taariikha uu rabo in uu qoro:sida Dhaqanka dadka, dhaqaalaha,           deegaanka, ganacsiga, Xukuumada ka jira iyo qaabkood maamul;

      J.  In uu kala tashado qof aqoon fiican u leh dulucda taariikhda oo uu qoraayo.

     X.  In uu la kaashado, si qoto dheer ahna (deepenin) deraasad ku Sameeyo buugagtii ay qoreen           aqoon-yahaanadii hore ee ku Takhasusay ”Cilmiga barashada dadka iyo dhaqamadooda”.

Haddaba, inta aanan u guda galin taxanaha silsilada taariikhda marxaladaha ay soo martay Saldanada Qowmiyadda Reer Baraawe, waxaa khasab igu noqotay in aan su’aal u soo jeediyo dadkii qoray taariikhda Baraawe ee ku daabacan Websitka baraawepost iyo kuwa beryaha dambe isku mashquuliye in ay is-dhaafsadaan qoraallo ku wajahan dadkii soo maray Saldanada Reer Baraawe iyo dhaxaltooyadooda sababta ay uga hadli waayeen Mansabkii XAAJI CABDULQAADIR CABDIYOW, iyadoo la ogsoon yahay in uu ahaa nin shacbigiisa u soo halgamay door shariif ahna uu ka qaatay la dagaalanka gumeystayaashii ee soomaali gumeysanayay?

Soow ma ah in sannad kasta la xasuusto qofkii taariikh iyo magac ummaddiisa iyo adduun-weynahaba ku yeesho, dadkiisa la baro, siiba dhalinyarada iyo jiilkeena cusub (new generation), bacdamaa taariikhdu qudhiisa ay na fareyso in aan xusno oo aan marna iloobin halyeygii dunida aan ku nool nahay magaca, danta iyo sumcvadda ummadda ka shaqeeyay, xornimo & madaxbanaani na soo gaarsiyay?

Qorayaasha miyay xasuusan waayeen xittaaManaaqibka Sheekh Nuurayni bin Axmed Saabir oo markii la gaaro xuskiisa dadka loo akhriyo oo aad looga sheekeeyo Xaaji Cabdulqaadir Cabdiyow iyo mucjisooyinkii uu ku arkay Sheekh Nuurayni .

Sida runta ah, aad ayaan ula yaabay markii aan taariikhda laga qorey Baraawe iyo Qowmiyadeeda ka dhexwaayay magaca Xaaji Cabdulqaadir Cabdiyow oo ahaa nin caan ah kuna sifoobay astaamihii aan kor ku soo tilmaamay, isla taariikhdaasna lagu xusay qaar ka mid siyaasiinta shangamaas oo u soo halgamay xornimadii soomaaliya sida: Cabdulqaadir Sheekh Sakhaawedin iyo Moxamed Cusmaan Barme iyo qaar kale oo Odayaal dhaqameed, kuwaas oo horseed u ahaa hormarka, nabad-ku-wadanoolaasho iyo midnimada Reer Baraawe sida: Suldaan Aw Faqi, Suldaan Aw Munye, Xaaji Cumar Sheego, Cadda Munye, Xaaji Beytulla iwm., nasiib darrose magaca Xaaji Cabdulqaadir Cabdiyow laguma xusin taariikhdaas.

(HALKAN KA AQRISO QAYBTA 1AAD)    QAYBTA 3AAD

LA SOCO QAYBTA DAMBE

W/Q. Macallin Cusmaan Sheekh Axmed

axmadiya25@hotmail.com.

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of the Baraawepost

ARAGTIDA QORAALKAN KU XUSAN MASUUL KAMA AHA BARAAWEPOST WIXII JAWAAB AH WAXAA TOOS LOOGU DIRI KARAA QORAAGA KU SAXIIXAN QORAALKA.