WARARKA BARAAWEPOST axad 22 june 2008

                  SALDANADA TUNNI & MARAAXILKA AY SOO MARTA

                                          (QAYBTA 20-AAD)

Akhristow:

Dulmigii lagula kacay Beesha Tunni Shangamaas waxaa horseed ka ahaa marxuum Cumar Faqi, haddii kalese Eng. Munye ma awoodeen in uu boobo xubintii ay xaqa u lahayd Tunnida, taasna waxay ku dhacday ”qaladkii uu sameeyay ” Cumar Faqi.

Arrinta iyada ah, waxayna xusuusinaysaa halqabsigii geedkii qoyanaa ee markii la goynaayay ku calaacalay ”Gudinyahay ima aad gooyseen ee barkay ayaa kuugu jira.” Aniguna waxaan leeyahay haddii uusan Cumar Faqi warqaddii xulushada xubnaha Barlamaanka FKMGS u saxiixi lahayn Eng. Munye, kuma aysan dhacdeen ama suurtagali lahayn Eng. Munye laba jeer in uu duudsiiyo xuquuqdii Beesha Tunni qayb ahaan u heshay. Hase yeeshee, maadaama aan nahay dad Muslim ah waa in aan qaddarka Alle u sabarnaa.

Waxaa la yiri: “Nin gar eex galay, Rabbina ku og, kuu ka galayna og, kuu u galayna og”.  Sidaas darted, waxaan Bulshada ku abtirsata Tunnida ka codsanaynaa in ay iska cafiyaan walaalkooda marxuum Cumar Faqi dulmigii iyo eexdii uu ka galay oo sababay in har cad la garab mariyo xuquuqdii ay ku yeesheen Golaha Shacbiga KMG  ee lagu dhisay Jabuuti iyo Barlamaanka Kenya lagu dhisayba. Ilaahayna ha loo tuugo in uu naxriistiisa Janno ka waraabiyo.

Laakinse Eng. Munye Sayid, isagu waxaan ka sugaynaa in uu “Cafis iyo Masaamaxba” ka codsado walaalihiisa Shangamaas oo uu ka dhaxeeyo xiriir degaan, walaaltinimo, dhaqan, caadooyin iyo wanaagba oo laba jeer si gardarro ah uu u dulmiyey, inkastoo uu dulmigiisu, khiyaanadiisu iyo xasadkiisuba, uusan waxba ka dheefin, balse sharaf darro iyo sumcad xumo ka soo raacay labadii jeerba uu shangamaas jalaafada u dhigay.

G U N A A N A D:

Akhristow:

Marka uu qof boog leh Dhakhtar u tago si looga daaweeyo boogtaas, Dhakhtarku boogta ma sasabo mana salaaxo. Waxaad arki isagoo maqas dhexda ka galiyay oo marka horeba wuu kaga dhiijiyaa si wax alla wixii dheecaan & dhiig ahaa uu uga soo tuujiyo ugana soo saaro boogta. Intaas kuma joogee, waxaad hadana arki Dhakhtarkii oo aalkol iyo dawo wax gubta intuu qaato bartanka u dhiga boogta.Marka uu Dhakhtarku sidaas sameeyo waxaa aad u gubta oo olola qofkii boogtu ku tiil oo hadduusan calool adeyg lahayn wuu cabaadi oo wuu ooyi haduu doono. Sidii iyadoo aysan xanuun intaas ugu filayn ayuu Dhakhtarku hadana intuu maqas qaato yuu boogta cadadkeeda jilcay jarjaraa. Taas oo waliba ka sii xanuun badan daawadii kululeyd ee uu ku shubay.

Dhakhtarka boogta loo geeystay ma mooga in aalkolada, dawada uu boogta ku shubo iyo maqaska uu hadba dhinac u qaadsiinayo aysan xanuun badneyn. Qofka boog Dhakhtar u geysanayana isagoo sidaas ogsoon ayuu boogtiisa dhakhtar u geystaa. Hadaba dhakhtarkuna farsamadiisa sidaas kulul isagoo og iney xanuun badan tahay ayuu sidaas mar walba sameeya. Qofkii ay boogi ku tiilna isagoo ogsoon in la xanuujinayo oo wax walba oo boogtiisa guba lagu sameynayo ayeysan ka fursan in mar walba la arko qof boog leh oo dhakhtar u geysanaya. Labadaas ficil ee qofna boog u geysanayo dhakhtar, dhakhtarkuna uu gubayo kagana xanuujinayo qofkaas, xikmada hadaba ka dambeysa ayaa waxay tahay oo kaliya iney boogtu buskooto ee ujeeda kale ee meesha taal ma ay jirto.

Waxaa marka ila noqotay ineysan ka fursaneyn in boogaha Mujtamaceena (siiba Beesha Dacfaraad) ku dhex jira  miiska la soo wada goglo oo sidii dhakhtarkii gacmaha lala wado galo oo dhig iyo dheecaanba wixii ku jiray laga soo daadiyo si marka la gubo waxyaalihii boogahaasi xanuunka iyo dakaamka u keenayay ay marka u dhacdo in booguhu buskoodaan oo bulshada walaalaha ah ee laga dhex shaqeystay ay gacmaca isu wada qabsato oo sharaftoodii iyo magacoodii ay mar kale soo ceshtaan.

Sida hadaba boogahaas bulshadeena ku wada yaal maqaska loola gaaro, waxay noqoneysaa oo kaliya in runta laga sheego dhibaatooyinka, cuqdadaha, khuraafaadka iyo beenaha ku kala dhex jira dadkeena walaalaha ah ee Ilaahay wax walba wada wadaajiyay. Runtu waa ay kharaar tahay oo waa la huba iney dad fara badan af labadiis yeeri doonaan marka ay  qaybaha kala duwan ee Maqaalkan ay dhex maraan, si fiicanna u dhuuxaan nuxurka uu xambaarsan yahay. Soomaalidu waxay tiraaha: Runtu ragga ma dhisee wey ka nixisaa. Aniguna dan kama aan lihi oo in aan wixii jira iyo runta sheego waa arrin aan ugu tala galay, sababtoo ah cidda kaliya ee ay waajibka tahay in laga baqo waa ILAAH. Sida kaliya ee manta samaanta iyo wanaaga danta u ah dadkeena looga shaqeyn karo waa in ”runta” la isu wada sheego.

Sidaas darteed, waxaan isugu xilsaaray in aan baadi-goobo (search), isla markaasna soo uruuriyo dhamaan wixii maclumaad ah  iyo qoraalo oo la xiriira taariikhda ”Saldanada Tunni & maraaxilka ay soo martay”, kuwaas oo xaqiiq ku salaysan, mid kastana sababeysan .

Sidoo kale, waxaan Maqaalka ku  soo bandhigay   Suldaan kasta wixii daliil ama caddayn (evidence) u ahaa oo muujinaaye in mansabka uu xilliyadiisu huwanaa uu aha amid ku yimid rabitaanka & doorashada shacbiga, isla markaasna waafaqsanaa qaanuunka,  dhaqanka iyo caadada Beesha Tunni

Haddaba, waxaan hubaa in aan la waayi doonin dad taariikhda ku xusan Maqaalkan si kale dhadhansada amaba u fasirta, waxaanse laab furan ku soo dhaweynayaa dhaliil kasta oo looga jeedo sixid iyo wax wanaajin, laakinse waa in ”Maanka & Maskaxda” lagu haayo in taariikhdu ay sheegtaa kii hadimo gaystay iyo kii samafal sameeyay, kii sabray iyo kii sad buursaday intaba, sidaas awgeed, waa in  runta laga sheega taariikhda oo aan la beddelin ama  aan la is daba marin.

Waxaan jeclaan lahaa in qof kasta wax qori kara uu iska xil saaro in uu saxo ”Taariikhda” Maqaalkan ku xusan, haddii uu khalad ku arko, haddii kalese, waa in uu ka faaideystaa duruusna uu ka qaato, isla markaana raad raac ka dhigto hadda kadib, bacdamaa taariikhdu uusan duqoobin, mana baaba’o haddii taariikhdaasi tahay mid habboon oo si dhab ah ka tarjumaysa dhacdooyinka ay xambaarsan tahay.

Ugu dambeyntii waxaan halkan uga Mahad-celinayaa dhammaan dadkii aan wareeysiyada kala duwan la yeeshay, kuwii igu biiriyay macluumaadka aan ku isticmaalay Maqaalkan iyo kuwii ii soo gudbiyay sawiro & qoraallo xambaarsan taariikhda Mujtamaca Reer Baraawe, kuwaas oo jecleystay in aan halkan ku magacaabin, balse aan qalbiga ku hayo.

W A A N O

Dunida inta la joogo ayaaba aad isaga yar oo aan lagu khasaarin karin “Eedo iyo xag-xagasho Ummadeed” oo kaa soo gaara xil aad ummad u qaaday iyo in aad “Aakhiradaada” ku weydo arrimo noocaas ah oo ay adagtahay “Dunuubtooda” in laga samatabaxo ama laga fakado hadaad qoorta gashato, maadaama wax kasta oo Dal ka dhaca ay mas’uul ka yihiin kuwa maamul ummadeed dhabarka u dhigta.

Waxaan u arkaa awooda dhabta ah ee uu qof heli karo in ay tahay in aadan awood raadsan, kuna tagar-falin. Laakin awooda dhabta ah waa in la isku dayo in wax alla wixii loo qaban karo loo qabto bulshada aad u dhalatay adiga oo uusan wax hunguri ah ama damac uusan dabada kaa wadin, sida dadkeenu maanta caadeysteen.

.XAQQA  ALLAAH  HAYNA  WAAFAJIYO. Aamiin

WAA BILLAAHI TOWFIIQ.

W/Q. Macallin Cusmaan Sh.Axmed

Qaybta  1AAD    2AAD     3AAD  4AAD     5aad  6aad  7aad  8aad  9aad  10aad  11aad

12aad   13aad  14aad   15aad  16aad  17aad 18aad 19aad

W/Q. Macallin Cusmaan Sheekh Axmed

axmadiya25@hotmail.com.

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of the Baraawepost

ARAGTIDA QORAALKAN KU XUSAN MASUUL KAMA AHA BARAAWEPOST WIXII JAWAAB AH WAXAA TOOS LOOGU DIRI KARAA QORAAGA KU SAXIIXAN QORAALKA.