WARARKA BARAAWEPOST isniin 18 february 2008

SALDANADA TUNNI IYO MARAAXILKA AY SOO MARTAY

(Qaybta 4aad)

Akhristow,

Xaqiiqada waa sida aan sheegay ee ma ah sida ku xusan taariikhda websitka baraawepost ku qoran, waxaana taa daliil u ah arrimaha hoos ku taxan:

  1. Magaalada Baraawe waxay maxmiyad (Protectorate) ugu jirtay Boqortooyada Sayid Barqash, sidaas awgeed, Aw Faqi awood uma lahayn in xukunka Baraawe Talyaani ku wareejiyo ama uu si toos ah heshiis la galo, isagoo aan oggolaasho ka helin Dowladii isticmaadka ku haysatay Baraawe. Sidoo kale, wax xil ah oo markaas u haayey Shacbiga Reer Baraawe ma ay jirin;
  1. Xilligaas waxaa Magaalada Baraawe Suldaan ka ahaa Xaaji Cabdulqaadir Cabdiyow, sharci ahaana laga aqoonsanaa Jasiirada Sanjibaar & Boqortooyadeedaba, sidaas darted, suurta gal ma aha in Aw Faqi Xaaji Awiisa uu iskiisa ugu dhaqaaqo ama ku talaabsado hawl uusan shaqo ku lahayn awoodiisana ka baxsan, laakinse Sanjibaar tegisteeda waxay u dhacday sida aan kor ku soo sheegay.

Akhristow,

Runi wey kharaar tahay, hase yeeshee, waa dawo oo iyada in la sheego ayuu kheyrku iyo caafimaadku ku jiraa, taa waxaan ulajeeda, xitaa haddii aan inkirno taariikhda oo dhan, waxaa la haya Manaaqibka Sheekh Nuureyni oo ku xusan Mansabka Xaaji Cabdulqaadir Cabdiyow uu huwanaa xilligii  Boqortooyada Sayid Barqash, sidaas darted, qarnigaas Aw Faqi waxba ma ahayn, laakinse wuxuu ka mid ahaa akhyaarta faro ku tiriska ee magic ku lahaa Magaalada Baraawe.

Cudurka ugu waaweyn ee Reer Baraawe haya waxaa ka mid ah cudurka ah “Xasadka” la is xasdayo oo aysan cidi cid kale oo walaalkiisa ha ahaato ka nool iyo kan dhintayba, aysan waxba u ogoleyn. Waxaan maqli jiray ummadaha uu Ilaahay rogayo (tirtirayo) waxyaala lagu rogo waxaa ka mid ah marka ay ummadii iyadu isu daraato oo uu galo waxa la dhaho “XASADKA”. Tusaale waxaa R/B isku xantaan “Hebel maal buu leeyahay, anigu ma aan lihi, muxuu hebel maal ku yeeshay? Hebel taariikh buu leeyahay, anigu ma lihi, maxay ku dhacday? IWM.

Soomaalidu guud ahaan, gaar ahaanna R/B, waxaysan ogsoonayn dhibaatooyinka uu xasdku u yeesho ummadda uu ku bato iyo Ilaahay in uu ummaddiisa ugu neceb yahay qofka xaasid noqda, sababtoo ah isaga (Cazaa wa Jalaha) ayaa irsaaqada, magaca, sharafta, awooda & cilmigaba bixiyaa. Isagaa cidduu u garto gaarsiiya meel ala meeshuu doono. Isagaa ogsoon qof walba waxa u roon iyo waxa u daran. Sidaas awgeed, qofka wax xasdo waa qof gefay oo Ilaahay umuurihiisa galay.

Xilligan waxaan haynaa dad xaasidnimadooda gaarsiiyay in ay allifaan taariikh aan sal iyo raadna toona lahayn, kuna muujiyaan, Mas-Mediyadana ka baahiyaan in Aw Xaaji Awiisa ahha Suldaan Beesha Tunii, markuu dhintayna uu wiilkiisa Aw Faqi la wareegay Saldanada.

Waxaa iga su’aal ah, maxaa sababey in la dafiro mansabka Suldaanimada Xaaji Cabdulqaadir oo muddo badan u adeegay shacbigiisa iyo in uu wiilkiisa Aw Munye loo doortay jagadii aabihiisu uu ka geeriyooday, taariikhdana laga hayo iyo sababta loo oggolaanaayo in Xaaji Awiisa Suldaan Tunni ahaa, kadibna wiilkiisa Aw Faqi ka dhaxlay? Manaaqib Sheekh Nuurayni run ma aha miyaad sheegeysaan? Fiiro gaar: Riix halkan si aad u aqrisato i “Cutubta 11-aad ee Manaakhibka Sheekh Nuureyni

BOGGA    1AAD    2AAD     3AAD  4AAD

3. Marxuum Aw Faaqi Xaaji Awiis

Kadib markii uu geeriyooday Suldaan Xaaji Cabdulqaadir Cabdiyow, durbadiiba Dowladii Fajiistadi Talyaaniga waxay Saldanada Tunni u magacawday Aw Faqi Xaaji Awiis in uu buuxiyo mansabkaas, bacdamaa Aw Faqi uu ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka Beelaha Baraawe oo aad loo qaddarin jiray, magacna ku lahaa Dowladda Talyaaniga dhexdeeda oo kala talin jiray arrimaha Bulshada Baraawe, hawshaasna ku mutaystay in lagu sharafo ama la dallacsiiyo derajada Cavaliere d’Italia”

Derajada Cavaliere, waa darajo sare oo Madaxweynayaasha iyo Boqorada ay bixiyaan, waxaana lagu mutaysta dadaal dheeri ah oo qofku la yimaado xagga arrimaha Bulshada, isla markaana dadka kale kala duuwanaado (distinguish) xagga kartida shaqada, abaabulka, talo sol (intiative) iwm. Sidoo kale Aw Faqi wuxuu ka mid ahaa akhyaartii (notable) Baraawe oo mushahar ka qaadan jiray Dowladdii Fajiistada ahayd, sababahaas ayaana keentay in Dowladdu mudnaan ay u siiso Aw Faqi.

Akhristow

Dowladdii Talyaaniga ahayd dan kama gelin haba yaraatee dhaqanka, hiddaha iyo caadada ummadda soomaaliyeed, siiba arrimaha ku lug leh doorashada ama sida la isku dhaxlo martabaha Saldanada bulshada dhexdeeda, waxayse ka fiirisay ama ay tixgelisay Aw Faqi qof ahaantiisa (personally) iyo iyadoo ay xog-ogaal u ahayd in Aw Faqi ahaa ninkii u dhowaa Suldaan Xaaji Cabdulqaadir, gacan yarihiisuna ahaa, kana mid ahaa Odayaashii loo diray Jasiiradda Sinjibaar, isagoo matilaayay, wakiilna u ahaa Suldaankiisa Xaaji Cabdulqaadir in ay saxiixaan heshiiskii lala galay Talyaaniga oo ka dhaci lahaa Suldaanka Sanjibaar (Sacad Binu Suldaan) hortiisa.

Sidoo kale, magacaabidda Suldaan Aw Faqi, Dowladda Talyaaniga cid ay kala tashatay ama ay qaddarisay ma jirin, waxay isticmaashay awoodeeda Fajiistinimo, bacdamaa xilligu uu ahaa xilligii gumaysigu gacanta ku dhigay dalka, kuna soo rogtay sharcigii & siyaasaddii gumeysiga (imbiryaaliyada) ee runta ahaa ee lagu maamulaayey Waddanka, laakinse qorshaheeda kuma aysan darin cawaaqib xumadii (consequence) ka dhallan karto arrinta iyada ah ama ficil celin (reaction) uga imaan karto shacbiga Reer Baraawe, bacdamaa Suldaanka uu yahay qof u adeega shacbiga, shardina ay tahay in qofkaas xagooda ka yimaado ama uu noqdo qof ay raalli ka yihiin meel kasta ha ka yimaado (dhaxal, doorasho ama magacaabid).

Akhristow

Sida ay ii sheegeen dadkii aan waraysiga la yeeshey, igase codsaday in aan magacyadooda Maqaalkan ku qorin, in go’aankii Dowladda Fajiistada Talyaaniga ka gaartay arrintii ku saabsanayd in Aw Faqi Xaaji Awiis uu daboolo mansabkii Suldaannimada Beesha Reer Tunni ee uu ka geeriyooday marxuum Xaaji Cabdulqaadir ay dad badan oo MAY & MAXAA TIRIBA isugu jiraan uga xumadeen arrintaas, kuna dhacay amaba ka qaadeen ama ka dareemeen: xanuun, murugo, calool-xanuun, tiiranyo, cadho iyo ciil.

Nin Oday ah wuxuu iigu Maah-maahay in Soomaalida dhaqankeeda waxaa ka mid ah in ninku haddii uu ooyo ay ceeb tahay, laakin aniga, markii aan ogaaday in Aw Munye Xaaji Cabdulqaadir laga boobay Mansabkii uu aabihiisa uga dhintay, wax badan ayey indhahayga ilmo ka soo daadatay, wax badan ayaan tiiraanyooday, wax badan ayaan Dowladdii Fajiistada ahayd ee Talyaaniga Aw Munye dulmisay u carooday, nasiib darrose, tawar aan u hiiliyo ama awood aan ku gargaaro ma qabin.

Xaqiiqadu waxay tahay in gumaystayaashu wax waliba dantooda iyo maslaxadooda ka hor-marinayeen, laakin ay nolosha, sharafta iyo dadnimada aanay wax qiimo ah ugu fadhiyin, ciddii isku dayda in ay ka hor timaado amarkooda,ama wax ka sheego si toosan ama si dadban ay nolosheeda iyo xornimadeeda qil-qiil galayso.

Sida la ogyahayna, xilligii Fajiistada Waddanka Soomaaliya isticmaarsaneysay, waxay shacbiga ku dabbaqi jireen xukunkii gumaystayaashu oo ahaa mid cadaadis iyo caburin ku dhisnaa, daaqaddana ka tureen wixii muwaadaniintu xaq u lahaayeen, gaar ahaan xuquuqda sharciga, caddaaladda, xorriyadda hadalka calaacalka iyo cabashoba

Sidaas darted, ma soo bixin xilligaas cid ka qaylisay, ka hadashay ama is-hortaagay xaqdaradda lagu sameeyey Aw Munye, laakinse guux ma yarayn, haba ahaatee mid codkeeda iyo dhaq-dhaqaaqeeda si degani (pacific) taxadarna ku dheehan tahay u dhacaayey.

LA SOCO QAYBTA DAMBE

HALKAN KA AQRISO QAYBTA 1AAD   2AAD       3AAD                        

 

W/Q. Macallin Cusmaan Sheekh Axmed

axmadiya25@hotmail.com.

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of the Baraawepost

ARAGTIDA QORAALKAN KU XUSAN MASUUL KAMA AHA BARAAWEPOST WIXII JAWAAB AH WAXAA TOOS LOOGU DIRI KARAA QORAAGA KU SAXIIXAN QORAALKA.