WARARKA BARAAWEPOST sabti 23 february 2008

SALDANADA TUNNI & MARAAXILKA AY SOO MARTAY

(QAYBTA  5A-AAD)

Akhristow:

Aw Munye Xaaji Cabdulqaadir oo ka carooday kana xumaaday dulmigii lagu sameeyay, wuxuu doorbiday in uu Degmada Baraawe oo dhan ka haajiro, isagoo iska ilaalinaayey in ay isku dhacaan Aw Faqi Xaaji Awiisa, isla markaana uu naftiisa u baqay, kana cabsaday in taagerayaashiisu oo ”MAY & MAXAA TIRI” iskugu jira, is-hortaagaan ama si toos ah oo aan gabasho lahayn diidaan in Aw Faqi uu la wareego mansabkii uu ka geeriyooday Suldaan Xaaji  Cabdulqaadir Cabdiyow, sidaasna uu kacdoon uga dhasho Baraawe, dhibaatada ka dhalata halkaasna isaga dusha loo saaro, wuxuu u guuray Degmada Diinsoor , halkaasna waxaa gacmo furan ku soo dhaweeyay Suldaanka Beesha Dawarre iyo shacbiga Reer Diinsooreba in muddo ahna halkaas ayuu ku noolaa ganacsina ka bilaabay.

Intii uu Aw Munye Degmada Baraawe ka maqnaa, maalinba maalinta ka dambaysa guuxii iyo cabashadii ku saabsanayd dulmigii lagu sameeyay Aw Munye wuu sii kordhaayey ilaa ay gaartay heer qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka, Culimaa’udiin iyo Waxgaradba ay la xiriireen ninkii u sareeyay ee Dowladda Talyaaniga Baraawe Maamulkeeda gacanta ugu jiray iyo Aw Faqi qudhiisa, ugana dalbadeen in Baraawe lagu soo celiyo Aw Munye, wixii uu xaq u lahaana la siiyo.

Akhristow:

Xukuumadda Talyaaniga, kadib markay qaddarisay dalabkii ay soo qaddimeen Odayaasha Dhaqanka, tixgelisayna in Aw Munye magac weyn uu ku lahaa Beeshiisa, aqlabiyada shacbiga R/B doonaayaan in Aw Munye laga dhigo Hoggaamiye Tunni, isla markaana qiimaysay duruufihii iyo xaaladihii soo wajahday Dowladda Fajiistaha ahayd xilligaas, sida Kacdoonkii lagu diidanaa in gumaysiga uu xoog ku qabsado dhulka beeraha ku fiican ay bilaabeen qabaa’ilka Wacdaan oo taageero ka helay Saldanadii xoogga badnayd ee Gobroon (Geledi) iyo Biimaal.

Xilligaas waxaa la dilay Antonio Cecchi iyo 13 nin oo Ciidankiisa ahaa, ayagoo maraayey meel Xamar iyo Afgooye u dhexaysa (Lafoole). Antonio Cecchi oo ahaa nin Talyaani ah, aadna u aaminsanaa in dhulka

mara labada Webi uu Talyaaniga xoog ku qabsado. Sidoo kale, waxaa xilligaas la dilay Maamulihii Talyaaniga ee Magaalada Marka Mr. Giacomo Treviso o uu dilay nin dhalinyaro ah oo u dhashay Beesha Biimaal, lana oran jiray Cumar Xasan Yuusuf, Sida la sheegay, Cumar waxa uu ka soo baxay Masjid ”Sheekh Cusmaan”, kadib wuxuu arkay Giacomo oo xeebta lugaynaya, halkaas oo uu tooray la dhacay.

Degmada Luuq, ayaa iyadana Xabashida dagaal ku qaaday Ciidankii Ferrandi iyo soomaalidii Magaalada u dhalatay, laakin Xabashida ayaa laga xoog roonaaday si xun ahna way u jabeen. Dowladda Talyaaniga, iyadoo ka shidaal qaadanayso arrimaha kor ku xusan oo dhan, waxay ku noqotay arrin ”laba daran mid dooro”, sidaas darteed, waxaa khasab ku noqotay in ay oggolaato in ergo loo diro Degmada Diinsoor si Aw Munye looga dhaadhiciyo in uu ku soo noqdo Baraawe.

Gumaysiga Talyaaniga wuxuu cabsi weyn ka qabay bulshada R/B oo u arkay kuwo ay ku dheertahay wadaniyada, wuxuuna doonayey in uu dareenkooda ka jeediyo tacadii faraha badanaa oo Talyaani ka waday Koonfurta Soomaaliya, siiba dhacdooyinkii ka dhacay goobtii hadda loo yaqaano ”KILI ASSAY” oo dad badan halkaas ku naf-waayay, kadib markii si naxriis darro, bini’aadninimo ka baxsan lagu shaqaysan jiray.

Sida runta ah, qoysas badan ayaa weli xanuun ka dareemaan bogtii halkaas ka gaaray, markii ay xasuustaan sida gumaysiga dadka u geli jiray, xuquuqdoodana ku tumi jiray.

Sidoo kale, gumaysiga Talyaaniga wuxuu ka baqay in Beesha Tunni ay ku dayato ama ay doorato waddadii ay qaadeen Qowmiyadaha: Wacdaan, Geledi iyo Biimaal ay Kacdoon lid ku ah Talyaani deegaankooda ka bilaabeen, sidaas darteed, Dowladda Talyaniga way sandulli ku noqotay in aqbasho in Aw Munye uu Baraawe ku soo noqdo.

3. AW MUNYE XAAJI CABDULQAADIR

Sida la ogyahay, falsafada ay ku shaqeeyaan gumaystayaasha, waxay ku salaysan tahay had iyo jeer in ay danahooda gaar ahaaneed uga hormariyaan danaha guud ee shacbiga hoos yimaada (jurisdiction). Haddaba, Maamulihii Talyaaniga ee Magaalada Baraawe, waxay danta ku kallifay in uu la soo baxo xeel iyo siyaasado cusub oo ku wajahan in ay Beesha Tunni ka kasbadaan kalsooni iyo qaddarin, heshiis gaar ahna oo ku dhisan is-kaashi, wada-shaqeyn iwm. La galaan si maamulkiisa uu si habsami ah u socdo, aagaasina uu noqdo meel ay nabad iyo xasilooni ka jirto, Dowladiisana magac iyo sharaf ku yeelato Degmada Baraawe iyo aga-gaarkeeda, sidaas darteed, Aw Munye Xaaji Cabdulqaadir, mar allaale markii uu ku soo noqday Baraawe, waxaa laga dhigay ”CAVALIERE D’ITALIA”. Darajadaan si loo gaaro ama lagu helo, waxaan ku soo sharaxay qaybta ”Xog-waranka Aw Faqi” oo isaguna laga dhigay ”Cavaliere d’Italia”.

Muddo yar kadibna, waxaa Aw Munye loo magacaabay ”Hoggaamiyaha” ama ”Capo Tunni di Brava”. Ereyga Capo, af soomaali ahaana loola jeedo ”Madax, qofka meel xukuma ama qof meel u sarreeya”. Marka haddii aan si fiican u dhuuxno micnaha uu ku fadhiyo Ereyga Capo” waxay na baraysaa in Aw Munye Suldaan Tunni ahaa.

Sida la ogsoon yahay, talaabo kasta ay qaadaan gumaystayaasha, kama maran xeelad ama tab khiyaano ku jirto si ay ugu meel mariyaan khiyaanadooda (fraud), taas waxaan ula jeeda in Dowladda Fajiistaha Talyaaniga si danaheeda u meel marto, khiyaanadeeda aan la fahmi, isla markaana ay raalli geliso Aw Faqi Xaaji Awiis iyo taagerayaashiisu, waxay si  cilmiyeysay ah ay  soo saaro Dekreto kale oo ay ugu magacawday Aw Faqi ”Capo Tunni Rurale” oo u dhiganta Madaxa Tunnida Miyiga ama Baadiyaha (rural), iyadoo aqoon iyo cilmi u leh in Beesha Tunni laga maamulo Magaalada Baraawe oo Xarunteeda tahay.

Waxaad mooda in go’aanada kor ku xusan oo ay gaartay Dowladda Talyaaniga, lagu habeeyay ama raad raac laga dhigay murtida soomaaliyeed oo oranaysa ”Sidee xeero loo xagta, ilkana ku nabad galaan” ayay ku timid in Aw Munye laga dhigo ”Capo Tunni di Brava iyo Aw Faqina laga dhigo Capo Tunni Rurale”, sidaas ayay dan u aragtay gumaysiga si hadafkiisu iyo ujeedadiisu gurracan si habsami ugu socdaan.

Akhristow:

Hadal aan runtiisa la sheegayn hadal la’aan baa dhaanta, taas waxaan ula jeeda in seddax nin oo kala gooni ah, waqtiyo kala geddisan iyo goobo  kala duwan oo gooni gooni ah ay ugu dhaarteen in Dekretada lagu magacaabay Aw Faqi oo ku qoran ”CAPO TUNNI RURALE”, ay ku arkeen gacanta shaqsiga ka dambeeya ismagacaabiddan jahawareerka dadka ku ridday, iyadoo asal ah (original) oo aan duugoobin , sidaas darteed, bacdamaa aan nahay dad Muslim ah, caqiidada iyo shareecadda Islaamka aaminsan, waxaa waajib naga saaran yahay in aan ummadda runta u sheegno, taariikhda Odayaasheena aan la qaloocinin.Shaqsigaas isagoo og runtu waxa ay tahay ayaa saldanno jaceyl awgeed iyo dano gaar ah ayaa intii uu runta sheegi lahaa oo uu alle ka baqi laha u doorbiday inuusan runta soo bandhigin oo uusan gartiiisa qaadan.

Qof hadduu yahay ”Khabaar Keene” (messenger) wax dambi ah oo uu leeyahay ma jirto aan ka ahayn in uu keenay wixii jiray ama wax dhacay oo jira soo wariya ama qora.

Qofkaan ummad wax mas’uuliyad ah u qaban wax kasta oo gaarkiis ah (private) hadduu qasto qofna wakhti isagama lumiyo, wax macna ah  ma sameyso qofkaasi wax ka sheeggiisu. Laakin qof, mar hadduu ummad mas’uuliyad u qabtay waa in la sheega wax kasta oo lagu arkay ”WANAAG & XUMAANBA”, sidaas awgeed, Eebbe aan ka baqno, aan ummadda u tebino waxaan ognahay, waxaan aragnay iyo wax aan Odayaasheenaba aan ka maqalnay, annagoo aan cidna ka baqeyn, cidna u habranin (withour fear or favour) ee wixii jiray iyo sidey wax nagala muuqdeen aan sheegno.

Run iyo ilkaba waa la caddeeyaa. Maahmaahdani ujeedadeedu wuxuu yahay hadalna nadaafaddiisu  (cadeyntiisu) waa runta oo la sheego, ilkana sida caafimaadku ku jiro waa in la nadiifiyo oo la caddeeyo. Sidaas darted, bal aan isku dayno in aan hadda kadib runta ka sheegno Saldanada Reer Tunni iyo Maraaxilka ay soo martayba.

Waa Billaahi Towfiiq.

LA SOCO QAYBTA DAMBE

BOGGA    1AAD    2AAD     3AAD  4AAD

W/Q. Macallin Cusmaan Sheekh Axmed

axmadiya25@hotmail.com.

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of the Baraawepost

ARAGTIDA QORAALKAN KU XUSAN MASUUL KAMA AHA BARAAWEPOST WIXII JAWAAB AH WAXAA TOOS LOOGU DIRI KARAA QORAAGA KU SAXIIXAN QORAALKA.