WARARKA BARAAWEPOST isniin 3 march 2008

SALDANADA TUNNI IYO MARAAXILKA AY SOO MARTAY

                                      (QAYBTA  6-AAD)

Akhristow:

Aw Munye Xaaji Cabdulqaadir in uu Suldaan rasmi ahaa waxaa nagu filan in aan xasuusano hoggaamintiisa, waayo aragnimadiisa iyo garsoorkiisaba ilaa iyo maanta Degmada Baraawe & Baadiyaheedaba ”Hal Qabsi looga dhigto ama tusaale iyo raad raac laga dhigo marka gar la qaadayo ama laga doodaayo  arrimaha dadkeena iyo degaankeenaba ku lug leh, hase yeeshee, waxaan doorbiday in aan ku xoojiyo (strengthen) kuna siyaadiyo arrimaha ama macluumaadka hoos ku qoran, kuwaas oo dhammaantood ka markhaati furaaya, muujinaaya, daliilna u ah in Aw Munye ahaa Suldaanka Beelaha: Tunni Shangamaas, Tunni Toorre & Todoba Tolba:

b.  In Xafladdii Caleemo saarka Suldaan Aw Munye lagu qabtay barxadda weyn ee ka soo horjeeda      Masaajidka lagu magacaabo Sheekh Awees ee ku  taala Xaafadda Baqdaad ee Magaalada      Baraawe, waxaana ka soo qayb galay dhammaan qaybaha uu ka kooban yahay Bulshada Reer      Baraawe iyo Beelaha May iyo Maxaa-Tiri” oo Ood wadaag & daris la ah Deegaanka Baraawe iyo      agagaarkeedaba;

t.   In Aw Faaqi Xaaji Awiisa uusan hadal ama dood ka keenin magacaabidii Aw Munye lagu      magacaabay Capo Tunni di Brava,balse wuxuu ka qayb galay Xafladii caleemo saarka      walaalkiisa Aw Munye , wuxuu si caddaan ah  dadka ugu muujiyay in uu raalli ka ahaa in Aw Munye     buuxiyo mansabkii uu aabihiisa ka geeriyooday;

j.   In Aw Munye, isagoo isticmaalaayey awoodiisa Suldaanimo uu mar Nabadoonka Beesha Dacfaraad      ka dhigay Aw Sheego Faqi, markalena uu ka dhigay Mad-Maki Faqi Xaaji Awiisa, kadib markii      uu saluugay wax-qabadkii Aw Sheego Faqi, mushahar nabadoonimo ahna way ka qaadan jireen     Dowladda Talyaaniga, xilligaasna Aw Faqi wuu noolaa, hadalna kama keenin (tacitly) tallaabooyinkii     uu qaaday Aw Munye  oo ku dhisnaa “Eexasho & Qaraabakiil” (sida qaar ka mid ah Odayaasha    Beesha Dacfaraad ku tilmaameen), maxaa yeelay ilmihiisa ayaa wax loo qabtay, raallina ka noqday;

x.  In Dowladda Talyaaniga si caadi ah madaxdii qabiilada Soomaaliyee ay ugu yeeri jirtay Capo       Cabila”, laakin Aw Munye waxaa loogu yeeri (sida ku cad Dekretada) “Capo Tunni”, taas oo      micnaheedu yahay oo loola jeedo in uu martabadiisa ahaa Hoggaamiye Guud ee Tunnida ee ma      ahayn ”Nabadoon Saresida dadku qaar ay u Haystaan. Midda kale Nabadoonada derejadooda isku      mid bay ahayd, kala sarreyn ma jirin, waxayna si siman mushahar u qaadan jireen, laakinse Aw      Munye wuxuu qaadan jiray mushaar ka sarreyso intii la siin jiray Nabadoonada kale;

kh.Shir kasta oo ka dhici jiray Beelaha Tunni dhexdooda ama shirarka dhexayn jiray Tunnida iyo     Beelaha ka tirsan ”May & Maxaa Tiri” oo Ood wadaag ama deris wadaag la ah Degmada Baraawe     iyo nawaaxigeeda, waxaa mar kasta ka qayb gali jiray Aw Munye , Shir Guddoomiyena ka noqon     jiray. Marna lama sheegin Shir uu ka qayb galay Aw Faqi intii uu noolaa, ha ahaadee mid guud ama       mid gaar ahaaneed;

d.  Shirkii ay iskugu yimaadeen Salaadiinta iyo  Malaaqyada Qowmiyadda Digil & Mirifle ee ka dhacay “     Yaaq Baraawi” oo uu Shir guddoomiye ka ahaa Suldaankii  Beesha Dabarre oo lagu go’aansaday,     laguna ansaxiyay xuduuda dhulka Tunnida,waxaa shirkaas ka qayb galay Aw Munye oo      matilaayey Tunnida oo Suldaan u ahaa;

r.      Xitaa haddii aan qaadano aragtida dadka aaminsan in Aw Faqi Ahaa Suldaan, taas waxay ka hor-imaanaysa “xaashida mushaarBixinta oo Odayaasha Beelaha Tunni lacagta lagu siin jiray,

waxaana ugu horeeya Aw Munye oo u qornaa lacag dhan Shs.200, intii kale oo Aw Sheego Faqi uu ka mid ahaa, waxaa u qornaa Shs.120. Su’aasha waxay tahay! Sideeba Aw Munye mushaarkiisa uga sareeyay Odayaasha kale ee ay isku darejada ahaayeen? Suurta gal ma tahay in Beesha Dacfaraad ay yeelato labo Nabadoon, mushaarna ku qaataan (Aw Munye & Aw Sheego Faqi)? Jawaabtu waxay tahay Aw Munye, waxaa mushaar lagu siinaayey Suldaanimo, Aw Sheegona lagu siinaayey Nabadoon Dacfaraad.

Akhristow: 

Waxaa xusid mudan, in geeridii Aw Faqi Xaaji Awiisa kadib, cid  ka hadashay jagadiisu ama ka dooday dhaxalkiisu ma jirto, maxaa u sabab? iyadoo la ogsoon yahay in durriyadiisu badankooda qaan gaar ahaayeen, welibana Aw Sheego & Mad-Makii ay noqdeen (xilligii uu aabahooda noolaa) Nabadoono Beesha Dacfaraad oo uu Suldaan Aw Munye ka dhigay? Dhacdadan waxay na baraysaa in Suldaannimada Aw Faqi ay iska ahayd mid “Sharafeed” (honorary) oo Dowladda Talyaaniga ku maamustay Odeyga, waxayna iska ahayd mid khayaal ah (fictitious), waa mansab la siyaasadeeyay (political jargon) oo aan qiimo lahayn,  aan awr kacsi ahayn mooye, macne kale oo uu lahaa uusan jirin.

Suldaannimada Aw Faqi waxay iska  ahayd mansab ay xeeladi ku hoos duugnayd oo aan daacad ka ahayn Dowladdii Talyaaniga Fajiistada ahayd, Aw Faqi qudhiisu wuu fahansanaa khiyaanadii gumaysiga Talyaaniga uu u qarsoona arrinta iyada ah, laakinse dood kama keenin sida loo qaybiyey awooda Saldanada Tunni. RIIX halkan Eeg. Cutubta 27-aad ee Manaaqib Sheekh Nuureyni oo halkan ku lifaaqan, si aad u rumeysato  wixii uu Sheekha ka yriri Saldanada Tunnida iyo ciddii ay ku hari doonto.

Akhristow:

Maclumaadka kor ku xusan, dhammantood waxay caddeynaayaan in Aw Munye Xaaji Cabdulqaadir ahaa Suldaan Tunni, intii uu noolaana cid ka hor yimid ama mucaarad ku noqotay hoggaamintiisu lama arkin, balse waxaa taariikhdu ku haynaa in asaga iyo Aw Faqi ka dhexeeyay xiriir aad u qoto dheer, weligoodana iskuma khilaafin amuuraha ama danaha Tolka , cimrigoodana ku dhamaaday: “qaddarin, istixgelin iyo ixtiraam ku salaysan walaaltinimo & xigtinimo.

Sidoo kale, xilligii uu Suldaan Tunni ahaa Xaaji Cabdulqaadir Cabwdiyo, waxaa la sheegay in Aw Faqi Xaaji Awiisa ahaa La-Taliyaha iyo gacanyaraha Suldaanka, si midnimo & wadajir ayay shacabkooda u adeegeen, khilaaf iyo waxyaalaha kale sida: is-xaqrin, is-xasdin, is-necayb iwm. Ma ahayn mansabkooda, taariikhdoodana lagama hayo, waqtigoodana kama dhicin.

Haddii  uu Eebbe raalli ka noqdo qaybta 7-aad ee Maqaalkan, waxaan idin ku soo lifaaqi doona “Xaashida Mushaar Bixinta, oo aan kor ku xusay.

BOGGA    1AAD    2AAD     3AAD  4AAD     5aad

W/Q. Macallin Cusmaan Sheekh Axmed

axmadiya25@hotmail.com.

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of the Baraawepost

ARAGTIDA QORAALKAN KU XUSAN MASUUL KAMA AHA BARAAWEPOST WIXII JAWAAB AH WAXAA TOOS LOOGU DIRI KARAA QORAAGA KU SAXIIXAN QORAALKA.