WARARKA BARAAWEPOST isniin 3 march 2008

SALDANADA TUNNI IYO MARAAXILKA AY SOO MARTAY

                                      (QAYBTA  7)

Akhristow:

Waxaan idiin ballan qaaday in aan idin soo bandhigo ”Xaashida Lacag Bixinta ahayd” oo Odayaasha Dhaqanka Beelaha Tunni loogu qoondeeyay Mushaaradooda (Remuneration), xilligii Dowladdii Talyaaniga ee Maxmiyadda ahayd (A.F.I.S.). Haddaba, anigoo fulinaayo ballantaas, waxaan halkan idin ku lifaaqay  xaashida kor ku xusan, inkastoo ay tahay warqad aad u gaboobay, haddana, tusmadeeda ama nuxurkeeda (contents) si fiican ayaa loogu jeeda, si fudud ayaana loo akhrin kara, cid ka shaki karto in la been abuurayna ma jirto, maxaa yeelay, shaabadda ku taalo ayaa muujinaysa in waqtigeeda ay aad u fogtahay, waana shaabaddii xilligaas Dowladda Maxmiyaddii ahayd ay isticmaali jirtay.

Intaas waxaan uga dan leeyahay dadka beenta ka faafiya Suldaan Aw Munye oo sheegaaya in uu mansabkiisu ahaa ”Nabadoon Beesha Dacfaraad oo keliya” ha ku kancaan xashidaas in uu Aw Munye ahaa Suldaan, mushaarkiisu ayaana markhaati noogu filan.

Mar kale, waxaa iga su’aal ah muxuu Aw Munye ku mutaystay in la siiyo mushaar dhan So.240, Odayaasha kale sida: Aw Sheego Faqi, Xaajiyo Nuurkii, Xaaji Beytulla, Xaaji Cabdulqaadir, Nuur Hajuuwa iyo Maxamed Ibraahim loogu qoondeeyo So.130 oo keliya iyo Cabdi Yaris oo loo qondeeyay So.90 oo keli ah? (RIIX HALKAN)

Su’aasha kale waxay tahay, suuragal ma tahay in labo qof ay u matilaan Nabadoon ahaan Beesha Dacfaraad (Aw Munye iyo Sheego Faqi) oo labadaba ka muuqda xaashida mushaar bixinta, mid kastana hortiisa ay ku qoran tahay lacagta loo qondeeyey? Jawaabtu waa iska caddahay, Aw Munye Xaaji Cabdulqaadir waxaa la siin jiray mushaarkii Salaadiinta Beelaha Soomaaliyeed ay qaadan jireen. Rumayso ama ha rumaysanin, Eebbe ayaana deraja Suldaan gaarsiiyay Aw Munye.

Akhristow:

Wuxuu Ilaahay ballan qaaday umuurihiisa cidda ku faraxda oo wax uu bixiyay oo uu cid siiyay ku faraxdana in uu raali ka noqonaayo, ciddii ka naxda ama ka xumatana uu u caroon doono. Hadduu Ilaahay kuu caroodana ”Walee Malagaa-baa galay” oo waa wax la hubo in aad ”dabar go’eyso”. Ma ummuraha Ilaahay baa la fara gashtaa?.

Sidaas darteed, ma habboona in Odayaasheena aan abaalkooda ka dhigno in aan dafirno isla markaana xasadno martabadooda iyo kaalintii ay ka qaateen xornimada & madaxbanaanida guud ahaa ummadda soomaaliyeed, gaar ahaan sharafta, sumcadda iyo magaca ay u soo hooyeen Bulshada Reer Baraawe. Waxaana waajib nagu ah sannad kasta in aan xusno, dhallinyaradeena uga sheekeeno taariikhdooda, siiba marxaladihii ay soo martay Saldanada Tunnida.

Tusaale ahaan: Sayid Maxamed Cabdille Xasan, boqol sano ka hor soomaali oo dhan oo huruda uu isagu hurdada ka kaco oo uu u babac dhigo quwaddii ugu weynayd adduunka in uu ka kiciyo soomaaliya, mar kasta taariikhdiisu waa la xusa, gaar ahaan waxaa xusaa dadka iyo qabiilka uu ka dhashay, sidaas awgeed, bulshada R/B. maxaa u diiday in ay mar kasta xusaan taariikhda & wax-qabadka Odayaashooda oo taariikh soo jireen ah iyo xadaaro aad u qoto dheer ku leh Dalka Soomaaliya gudihiisa iyo dibadiisaba? Ayna ka waantoobaan in ay kala saftaan ama in ay kala mucaaradaan ”Halyeeyaheenu” iyo ”Geesiyaasheena”:

Soomaaliduna waxay tiraahda: ”Sidii laguugu lisay uguma aadan hambeyn”. Maahmaahdani waxay tilmaameysaa qof loo dhibtooday oo hawl loo galay wixii dheef ahaa ee loo keenay amaba uu helay oo aan waxba ka soo hambeyn amaba ka soo celin amaba wax yar oo aan manaafacaad weyn weyn lahayn laga helay amaba ka soo hambeeyay.

Haddaba, ma ah in Aw Munye Xaaji Cabdulqaadir abaalkiisa uga dhigno in aan xaqirno, liidino, dullino, sharaf-rididna ku sameeyno maqaankiisu (degrade), asagoo Suldaan ahaa la yiraahdo wuxuu ahaa Nabadoon, taas waa xasadka lagu xanto bulshada R/B ay is xasdeyso, waxaana ugu wacan iyo sababta ay iyadu dad isugu daran tahay.

Intaas ayaan ku joojinaaya sheekeda iyo taariikhda Suldaan Aw Munye Suldaan Xaaji Cabduqaadir, Ilaah ha u naxriisto, Jannatu Firdowsana ka waraabiyo. Aamiin. Aamiin.

Akhristow:

Dhammaan macluumaadka ku xusan qaybaha aan soo marnay ee Maqaalkan, waxay ahaayeen kuwo aan ka soo minguuriyay ”Buugagta Taariikhda Soomaaliya” laga qorey ee aan Maqaalkan kooban u raad raacay iyo warbixinno aan ka soo uruuriyay Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka iyo Aqoonyahaanada ku abtirsada Qowmiyadda Digil & Mirifle oo aan la xiriiray, waraysina aan la yeeshay.

Hase yeeshee, dhacdooyinka iyo macluumaadka soo socda, aniga ayaan u ah ”Ilahooda warbixineed”, sababtoo ah  goobihii iyo xilliyadii ay dhacaayeen (ha ahaate waddanka gudihiisa ama dibadiisa) aan goob joog ka ahaa, marka laga reebo ”Bandhigii ama riwaayadii” caleemo saarka Faqi Sayid Faqi ee ka dhacday Columbus (Ohio), taariikhdu markay ahayd 20.01.08 oo aan ka dhegaystay Idaacadda Universal.

Haddaba, waaya aragnimada aan dhaqanka Reer Baraawe u leeyahay, siiba waqtigan la joogo oo laba reer isku haystaan mansabka Saldanada Tunni, assal ahaan iyo isir ahaan halka ay ka soo ukuntay, waxay i baraysaa in aan la waayi doonin dad dhacdooyinka ama macluumaadka Maqaalka xambaarsan yahay si kale u dhadhansada ama u fasirta. Waxaanse laab furan ku soo dhawaynayaa dhaliil kasta oo looga jeedo sixid iyo wax wanaajin, maxaa yeelay ma jirto hawl bani’aadam qabtay oo aan kala dhinayn.

Akhristow:

Allow aqoon darro ha nagu cadaabin eexna ha nagu cafin, ayay ahayd murtidii hordhac uga dhigay Maqaalkayga (eeg qaybta 1-aad), taasna waxaan ula jeedaa haddii ay soo baxaan dad dhibsada sheekada taariikhda  Maqaalkan ku xusan, waxaan leeyahay ”Eex & Ayidaad” igama aha ee waxay ila noqotay in aan halkan ku soo bandhigo waxyaabaha aan ogahay, siiba Saldanada Tunni  soo martay, kadib markii uu geeriyooday Suldaan Aw Munye Suldaan Xaaji Cabdulqaadir oo ku habboon in loo iftiimiyo dadka qaarkii, gaar ahaan dhalinyarada ka soo jeeda Beesha Tunni Shangamaas iyo jiilka soo koraaya oo u baahan in looga tago taariikhda awoowayaashood oo sugan, kana barax tiran been, khuraafaad iwm.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ”Run sheeg wax kuu markhaati fura ma weyneysid”, sidaas darteed, shaki kama qabo in dad badan oo ku abtirsada mujtamaca R/B. ay ka marag kici doonaan macluumaadka uu Maqaalkani xambaarsan yahay, marka laga reebo kuwa ay ku jirto caadifad isgarabaysi ku dhisan ”qabiil, dulmi & liiditaanba”.

4. XAAJI CUMAR SHEEGOW CUMAR GAAB:

 Akhristow:

Waxaa la yiri “Adduunyo waa sheeko ama shaahid” oo loola jeedo: waa waxaad aragtay iyo wax lagaaga warramay. Haddaba, sida aan hereyba idin ku soo tebiyay, markii uu geeriyooday Aw Faqi Xaaji Awiisa, cid soo istaagtay oo weydiistay ama ka dooday in uu buuxiyo mansabkii uu marxuumka baneeyay, lama sheegin. Su’aashu waxay tahay! Maxaa u diiday dhaxaltooyada Aw Faqi in ay raadsadaan mansabka uu aabahooda uga geeriyooday, mar haddii ay aaminsanaayeen in uu Suldaan Tunni ahaa? Taasna ma dhicin.

Marka waxaa halkaan nooga caddaatay in Suldaanka rasmiga ah ee u adeegaayay Beelaha Tunni Shangamaas, Toore iyo Todoba Tolba uu ahaa Aw Munye Xaaji Cabdulqaadir, laakinse Suldaanimadii Aw Faqi, waxay iska ahayd derejo ama magic la siyaasadeeyay oo ay xeeladi ku hoos duugnayh oo aan dhab ahayn.

Aw Munye intii uu noolaa, cid ka hor timid hoggaamintiisa oo ku salaysnaa awood iyo mudnaan khaas ah oo  Salaadiintu astaan u ah (Prerogative) ma jirto, hase yeeshee, geeridiisu kadib, waxaa soo baxay Odayaal ka tirsan Beesha Dacfaraad oo iskugu sharaxay in ay huwadaan mansabkii Suldaan Aw Munye uga geeriyooday, waxaana loo bixiyay sannadkaas “Marxaladda Casriga ee Halganka & Loolanka Saldanada Tunni”.

Xilligii marxuum Suldaan Aw Munye uu geeriyooday, waxaa Dalka la saanqaaday Kacdoon siyaasadeed ee cusub, waxaa shacbiga dhexdiis ka socday halgan & loolan martabadeed. Odayaasha Dhaqanka waxay weli ku jireen badawnimada dhanka siyaasadda, fekerka iyo aqoontaba, dedaalna waxay ugu jireen in ay bulshada ku sii haayaan hab nololeedkii hore, kuna maamulaan xeer dhaqameedkii jiray iyo caadooyinkii soo jireenka ah oo bulshadeena lagu hoggaaminaayay.

Isla xilliyadaas, gaar ahaan sannadihii 1953/1954, waxaa Dalka Soomaaliya ku soo noqday raggii Dibada ku maqnaa oo ku barbaaray, waxna ku bartay gacmihii gumaysiga Reer Yurub, kumaasi bilowgii ahaa aqoonta keli ee bulshadii casriga ahayd.

Raggaas waxaa soo wajahay labo dhibaato oo kala ah: aqoontooda waxbarasho ee ay markaa dadka ku dhaameen oo aan horumarsanayn, heer hoosena ahaa iyo iyagoo ahaa jiilkii Reer Afrika ee la magic baxay “Ugxantii Gumaysiga ee gadaashii dillacday”. Mana ay noqon nimankaasi kuwii Afrika iyo Soomaaliya ka saari lahaa duruufihii loo baahnaa in laga baxo, sababta waxay ahayd siyaasadooda & barnaamijkooda ku saabsanaa wacyi gelinta iyo baraarujinta shacbiga si loo gaarsiiyo aaya-ka-talintooda, waxaa ka horyimid Odayaasha Dhaqaka oo ku dhegnaa dhaqamadii soo jireenka ah, una xanqaltaagaayeen in ay awoodda bulshada oo dhan aysan marna gacantooda ka bixin, wax kasta oo la xiriira arrimaha bulshadana taladooda ayaga ka go’aan, isla markaana hoos yimaadaan.

Akhristow:

Xaaji Cumar Sheegow oo ka mid ahaa raggii xilliyadaas ka soo noqday Italiya, kadib markii uu soo gebe-bebeeyay waxbarashadiisa, wuxuu loolan u galay, kuna dooday in asaga uu mudan yahay in loo doorto mansabkii uu ka geeriyooday Suldaan Aw Munye

BOGGA    1AAD    2AAD     3AAD  4AAD     5aad  6aad

 

W/Q. Macallin Cusmaan Sheekh Axmed

axmadiya25@hotmail.com.

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of the Baraawepost

ARAGTIDA QORAALKAN KU XUSAN MASUUL KAMA AHA BARAAWEPOST WIXII JAWAAB AH WAXAA TOOS LOOGU DIRI KARAA QORAAGA KU SAXIIXAN QORAALKA.