WARARKA BARAAWEPOST talaado 25 march 2008

SALDANADA TUNNI & MARAAXILKA AY SOO MARTAY

(QAYBTA – 9-AAD)

5. Suldaan Xeydar Suufi Munye:

Waxaan ognahay in uu Ilaahay Ummadiisa uusan simin oo laba mataana ah ayuu Ilaahay midna Faqri ka dhigay midna Taajir, midna Cilmi siiyay, midna Caqli, mid magac siiyay, midna magac xumo iwm. Sidoo kale qofka taariikh yeelanaya, midka maal yeelanaya, midka magac ummadiisa iyo aduun-weynaba ku yeelanaya, intuba dal iyo ummad wey u baahan yihiin, laakin intuba sida la ogsoon waa waxyaalo uu Ilaahay ”Cazzaa-wa-jallah”bixiyo ee waxyaalo la iska helo ama iska yimaado ama maal, been abuur iyo khiyaano lagu helo ma ah.

Haddaba, taariikh ma ah wax aad iska qoran karto oo ka weyn wax la iska qoro. Sanadkan waa sanad-guuradii 21-aad ee halgankii 2008 Suldaan Xeydar Suufi Munye (1987/2008) uu u galay in uu dib ugu soo celiyo Beesha Tunni Shangamaas mansabkii Saldannada ka luntay (lost), muddo dheerna uga maqnayd si sabab la’aan ah iyo xilkas la’aanba, maxaa yeelay, iyadoo la ogsoon yahay: ”sharaftii, magacii iyo sumcaddii” Salaadiinteena ay ku lahaayeen ummadda soomaaliyeed dhexdeeda iyo adduunweynahaba.

Nasiib darrose, Odayaasha Dhaqanka, siyaasiinta, waxgaradka iyo aqoonyahaanadaba ka soo jeeda Beesha Tunni, wax xil iskama saarin doonista iyo u doodista mansabkaas, waxaana moodaa in uu Ilaahay maskaxdooda ka saaray, qalbigoodana ka daboolay muhiimaddii, kaalintii iyo doorkii ay ku lahaayeen beelaha dhex-dooda, laakin Eebbe ayaa garansiiyay, qiirona ku beeray Suldaan Xeydar Suufi Munye oo xilligaas ahaa nin dhallinyaro ah, in uu beeshiisa u gurmado dagaalna u galo sidii uu dib ugu soo celin lahaa mansabkii in muddo ah gacantoodo uga baxay, dhaqan ahaanna hoos u dhacday xadaaradii bulshadeena ay ku lahayd Dalka gudihiisa & Dibadiisaba, isla markaana aan la simanay Beelaha lagu ogayn ama aan lahayn Suldaan ama wax u dhigma.

Akhristow:

Dunida qofkii magaca, danta iyo sumcadda (reputation) ummadda ka shaqeeye iyo midkii lugooyadeeda iyo khasaaradeeda ka shaqeeya isku meel ma galaan, isku siina wax ugama mudna. Haddaba, sida ay murtidani ku timid duruufaha la soo maray tilmaameyso, khuraafaadka iyo been abuurka jira, waxaa la arkay in xitaa la iska dhaadhiciyay in xitaa taariikhdu ay tahay wax la iska sameysto ama la iska qorto. Taariikhdu sidaas ma aha oo taariikhi ka weyn wax la iska qorto ama la iska sameysto.

Tusaale, markii uu geeriyooday marxuum Cumar Faqi, waxaa Websatyada qaarkood lagu xusay taariikhdiisa (commemorate), laguna sheegay in uu ahaa Suldaanka Tunnida oo uu ka dhaxlay aabihiisa, taas oo ah mid xaqiiqa ka fog ahna mid la iska dhoo-dhoobay, ujeedo iyo hadaf gurracan laga lahaa, taas oo hadda shaaca laga qaaday, kadib markii Magaalada Ohio (USA) lagu caleemo saaray Faqi Sayid Faqi, iyadoo la ogyahay in Suldaanka Beesha Tunni uu yahay Suldaan Xeydar Suufi Munye oo weli u adeegaayo bulshadiisa, marxuum Cumar Faqina uu ahaa wakiilka Suldaan Xeydar Suufi.

Dunida waxaa ugu daran ”Doqon fariid is-mooday” oo ku sifoobay nin aan is-ogayn oo moog ”axmaq-nimadiisa” iyo waxa uu geysanayo. Qofkku marka uu is-og yahay waaba dan. Sidoo kale qof ”Damiir laawe dad ismooday”, oo ah qof ka talaabay soohdinta aadamiga oo midda xayawaanka ku siman. Waana sida ay murtidu sheegeyso oo labadaasi waa laba aan ”Caaqibo lahayn”.

Haddii aan doonayno in aan ogaano dadka sifooyinkaas xambaarsan kuwo ay yihiin, waxaa nagu filan in aan mitaal ahaan u soo qaadano, raggii ku tallaabsaday arrimo ka dhan ah ama ka soo horjeedo dhaqanka iyo caadada Bulshada Soomaaliyeed, waayo weli taariikhda ma soo marin in Suldaan Beeleed lagu caleemo saaro Waddan aan Waddankiisa ahayn,  saaraana dad aan beeshiisa ka tirsanayn, welibana dadkaasi ay yihiin qudhooda qaxooti ah.

Soomaalidu waxay tiraahda: ”Caado (dhaqan) laga tagay caro Ilaah bey leedahay”. Waxaana maahmaahdan loo adeegsadaa marka la dhuujinayo ama la adkeynayo tiirarka ama masaamiirta dhaqanka bulshada iyo waxyaalaha muhiimka ah ee arrimahaas la xiriira:

Haddaba, dhaqan ahaan iyo sharci ahaanba, Suldaan beeleed waxaa dooran kara, caleemo saari karana dadka  u dhashay kana soo jeeda beeshiisa, laakinse dad kale awood uma lah in ay caleemo saaraan Suldaan aan ka tirsanayn qoladooda, fara gelinna kuma samayn karaan arrimahooda haba yaraatee, waxaana la ogyahay in wax kasta oo xiriir la leh dhaq-dhaqaaqa iyo arrimaha bulshada, heer ahaan iyo dhaqan ahaanba, waxay weligeed ahayd, welina tahay mid laga soo go’aamiyo Golaha Odayaasha Dhaqanka ama rabitaankooda iyo oggolaashahooda laga helo.

Haddaba, waxaa mudan in la is-weydiyo maxaa ku kallifay Faqi Sayid iyo xulafadiisu (henchman) in aysan cidna kala tashanin caleemo saarkooda, wax qaddarin ah haba yaraatee aysan siinin Odayaasha dhaqanka ee Beesha Tunni Shangamaas, Toore iyo Todoba Tol ee Waddanka ku sugan, ayna ku tallaabsadaan wax dhaqankeena iyo xadaaradeenaba ka baxsan?

Waxaa xusid mudan, waqtigii Suldaan Xeydar Suufi uu Ilaahay maskaxdiisu ku beeray in uu raadsado mansabkii Saldanada Tunnida ka luntay, tallaabadii ugu horeeysay ee uu qaaday ay ahayd in uu la tashado dhammaan qaybaha ay ka kooban tahay bulshada Reer Baraawe, gaar ahaan AKHWAAN CABDULLE oo ka mid ahaa Culumadii aad loo qaddarin jiray, taladiisu iyo dar-daarankiisu si dhab ah loo fulin jiray.

Suldaan Xeydar Suufi, markii uu kalsooni buuxdo ka helay dhammaan mas’uuliintii uu la kulmay, ballanna u qaadeen in ay hagar la’aan oo daacadnimo ku dheexan tahay ula shaqayn doona, ayuu markaas kadib la xiriiray Wasaaradii awooda u lahayd in ay oggolaato magacaabidiisa iyo in ay fasaxdo qabashada Xafladdii lagu caleemo saari lahaa Suldaanka oo lagu qabtay Magaalada Baraaw iyo Tuuladda Kuunyo Barow.

Akhristow:

Bulshada Reer Baraawe waxyaalaha qalooca ah ee tan iyo intii Dalka Soomaaliya ka dhaceen dagaalada sokeeye lagu soo waday, waxay dhaxalsiisay cawaaqib xumo tiro badan, waxaana ka mid ah dadkeena oo ay runtu dhibto oo waxaa la doonayaa in been iyo heeso aan jirin la isku maaweeliyo oo aan marnaba run la isu sheegin.

Ummad mar haddey runtu dhibtana waa dhibaato. Runta markaad sheegto ama aad qorto waxaa soo yeerta waxa la yiraahdo ”Hebal waa laga cabaadayaa”. Runtii baa waxay noqotay bahal sida geel cabaadis ah oo wax xanuujiso. Waxaana arrintan ugu wacan dadnimada iyo dunta oo muda dheer laga dilayay dadkeena.

Dhibaatooyinka tirada badan, waxaa iyana ka mid ah dariiq xaaraan ah mooye wax alla wixii xalaal ah wey dhibayaan dadkii. Tusaale: Kadib markii Suldaan Xeydar Suufi dib ugu noqday Waddanka Soomaaliya, gaar ahaan Deegaankiisa (Baraawe), waxaa ka daba tegay Faqi Sayid Faqi iyo qaar ka mid ah  xulafadiisa  oo aan kor ku tilmaamay in  ay yihiin ”Doqon fariid moodayiyo Damiir laawe dad is mooday”, oo mar labaad Xaflad caleemo saar ah ka sameeyeen Hoteel Sahafi oo ku yaal Xamar, taasina waxay na xasuusinaysa cudurada ugu waa-weyn ee soomaali haya oo ka mid ah cudurka ah: ”xasadka la is xasdayo” oo aysan cidi cid kale oo soomaali (dadkeeni Ilaahay inaga dhaliyay) ah aysan waxba u ogoleyn.

Waxa kale oo intaas ka cajaa’ib badan in wiil uu dhalay marxuum Cumar Faqi oo lagu magacaabo Xasan Cumar Faqi isaguna Magaalada Baydhabo u joogo in lagu caleemo saaro Suldaanka Tunnida oo uu buuxiyo jagadii uu aabihiisa uga geeriyooday.

Haddaba, bacdamaa labaduba ay ka tirsan yihiin duriyadda Aw Faqi Xaaji Awiisa abkoodana ah, maxay tahay sababta ama xikmada ku jirta in mid kasta goonidiisa u raadsado Suldaannimada Tunni, ayagoo ka dheregsan in Suldaan Xeydar uu yahay Suldaankii Tunnida, seedigoodana yahay oo uu qabo Faqi Sayid walaashiisa, bulshada R/B iyo Odayaasheedana ay weli kalsooni ku qabaan (confidence) Xeydar,  taageero buuxda iyo qaddarinba u muujiyeen markii uu tegay Baraawe si heer sare ahna caleemo quyan ugu soo dhaweeyeen meel kasta uu tagaayey.

BOGGA    1AAD    2AAD     3AAD  4AAD     5aad  6aad  7aad  8aad

W/Q. Macallin Cusmaan Sheekh Axmed

axmadiya25@hotmail.com.

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of the Baraawepost

ARAGTIDA QORAALKAN KU XUSAN MASUUL KAMA AHA BARAAWEPOST WIXII JAWAAB AH WAXAA TOOS LOOGU DIRI KARAA QORAAGA KU SAXIIXAN QORAALKA.