WARARKA BARAAWEPOST  talaado 13 may  2008

 

GABAY LA MAGAC BAXAY MAXAA SABABAY? .

13, May 2008

Gabaygan lamagac baxay MAXAA SABABAY? waxaa tirisay Abwaanada caanka ah
Rooda Ibrahim C/gurey (Afjanno), Gabaygan waxay curisay Abwaanadu dabayaaqadii   sanadkii 2004 waxayna u tirisay Maamulka W/Galbeed Soomaaliya. wuxuuna gabaygu ka hadlayaa dhibaatada ay maamulkaasi jideeyeen ee ay kula kaceen dadka ka soo jeeda  dhulka Soomaalida Ogaadeenya.

Abwaannada saloolee murtida aad u kala saara
Xikmad inay sameeyaani waa sahal illahaye
In la siiyo mooyee majiro ruux sawirayaaye
Bal ogoow hadana surin la’ aan sawdku bixi waaye.
Ninba si uu u sheegaba hadii gabay la soohaayo.
Sal wuxu ku leeyahay koleey shay siyaado ahe.

Anna sagaal jirkaygii kolkaan curiyay suugaanta.
Een sida daruur hoorayee lay gilgilay saabka.
Qiirana isaamaysay een seexan kari waayay.
Deedna aan lasare kacay iyado la i saluugaayo.
Wixii sababay jeerkaa hadii aan salkaba taabto.
Soomaalida Waqooyibay ahayd oo saqaafe ahe.

Sabaankaa wixii dhacay anoon siiba hadal haynin.
Sikin iyo anoon rabin in uu saacad iga qaato.
Socdaal baan ku marayaa hadana saydun aragtaane.
Sifaheeda baahida jirtiyo sadar xusuuseedkan.
Siqiirkaaba wada garanayiyo sabi caruureede.
Hayeeshee inaan meel ka saro waa lasuga yaaye.

Siyaasadda Waqooyiye guracan sabad xumaanteeda.
Suryaday ku libidhiyo kobtay salalag laynayso.
Siday aniga ila tahay anoo sudhaya miisaanka.
Anigoon sagsaagaynin oo saxar ka dhawraaya.
Hadii uu i saamaxo wakhtigu waa inaan sugo e.
Adna sabbir dhagaystoow intaan hadalkan saafaayo.

Aduunyadan salaankii sharciga aan ku soconaynin.
Xaqa laga sokeeyee dulmiga laga saraysiiyay.
Safafkaa is wada laynayiyo saban colaadeedka.
Sawaariikhda lali iyo hubkaa la isku saydhaayo.
Waxaa sababay oo caalamkii loo sal dhigi waayay.
Waa ruux sad haystiyo mid raba inu ka saydhaaye.

Sarwad iyo dad baradooda xoog lagaga saaraayo.
Surkana lagaga jari baa batiyo sabi agooneede.
Sanahaabadiyo qaxarkankada samada rooraaya.
Ninba si uu u taabtaba dhibkani meelo badan saaqye.

Iyadoo saxmadi ay jirtoon buuqa lala seexan.
Suruur iyo hadana dunida qaar faraxu saameelye.
Sareediyo nasiibkoodu badi samo ku nooleeye.
Soomaalida Ogaadeenya waa murugo saad koode.
Sadri damac wadiyo kaanagoo maya lasoo taagan.
Isa seeg kayimid baa jiriyo saymo dirireede.

Saciim kii Gurey ee kufriga sirin sirqaysiiyay.
Seeftiisa waakii labaxay ee sur goyn jiraye.
Soo doolki noo yimid wuxuu sun u walaaqaaba.
Solay wuu u diidiyo inay soor dhadhamiyaane.
Sumaduu ku reebaa u nool wali sideediiye.
Sarartiyo cadkoo dhiigibay iligta saaraane.

Sanadku bilaabiyo ilaa subaxdan aan joogno.
Halgankaa sutida loo hayee uu susumi dhiigu.
Sababtiisu waa inan xornimo calan kusaarnaaye.
Saaciido wuu mudan yihiyo gacan lasiiyaaye.
Sadkolkaanu dhawraynay iyo samo fal taageero.
Sokeeyihii dhamaantood gafbay nagu sameeyeene.

Sinta koonfur iyo soolka bari dile saraakiile.
In kastoon su’aal qabo raggaa sababtiloo laayay.
Sahal ruux in loo toogto oo saabka laga shiisho.
Ama seenyo geel iyo la dhaco saami lacageedba.
Soomaaliday dhaqan u tahay loona garan siife.
Suuq baa ku soo biiray iyo saylad xoog badane.
Siday reer Waqooyigu faleen baa siyaado ahe.

Martidu soo dhawayn bay lahayd sooryo sharafeede.
Safarna waa qariib iyo ilayn magan sideediiye.
Intii bahal sibraha looga xidho hilib ku suuxaaya.
Socotada in laga iibsho nacab loo silsiladeeyay.
Maxaa suurto galinaaya oo surinkan loo jeexay?

Sidaadaba Hargaysaay inaad seegto marinkaaga.
Waa soo jireen dhaqan ah oon idinka suulaynne.
Soomaalidoo nabad ah oo samo ku daaqaysa.
Siidhibaad afuufteen intaad salaw abuurteene.
Calankii sudhnaayee bulshadu wada salaamaysay.
Sarihiyo guryihi aad dhisteen ee sanado qaatay.
Sal fudaydku waa waxaad digada uga samayseene.

Siiroo kolkii laga dhigiyo seere laga guuray.
Dadkiina wada sabooloobay ee aad u saxariiray.
Sonkorta dabaqyadii wada noqdiyo saqafyadii daatay.
Seeskii bur buraybaad markale dib usan cayseene.
Saxalkii inuu idinka baxay baad sawirateene.
Khaladkiina lama saxahayoo waad ku socotaane.

Saldanada waxaa wali hayoo sida hogaankiina.
Sahwigaba kuwii beeray iyo silici waagiiye.
Seeftii boqnaha idin jartay soofe mariyeene.
Iyagaa saxare idinku furay suudigoo kulule.
Suq suq bayna idin xulinayaan aad ku saalasheene.

Sarsar orodkibaa idin ku jira wali sunaysnaaye.
Maamulkaad samayseen haduu suruq idiin raacay.
Ama suus dhex galay shacabku waa inay saluugaane.
Sar gooyada xun iyo ceebta waa laga sariigtaaye.
Sumacdiini nimabaa kaagaday Xabashi suudhleeye.
Suniyihii miyaad xiirateen kama siqaysaane?.

Soomaliland sheega iyo sawrac madhadkiina.
Siqiir iyo kabiir waan hubaa inaad sexeexdeene.
Sarajoogsi gooniya kolkuu sahanku goobaayay.
Masal kaa Itoobiyo ahaa ood ku socoteenba.
Sal saloolashada gacalka iyo cadaw la saaxiibku.
Sahli mayso citiraaf hadii aydun sugaysaane.

Saylac iyo Hargaysoo Tigree wada sabaynaayo.
Saldhigyana intaad uga furteen goobo laga siiyay.
Soomaalida in loo diido ooy seexan kari waydo.
Oo siyaaradii timid xabsiga lagu dhex seeteeyo.
Maxaa sababay oo keeni kara waa su aal kale e?

Sinjigaaga lama diido iyo siidhka aad tahaye.
Saaxiibku way kala hadhaan la isna seegaaye.
Sina looma jaro dhalasho oo way sal wayntahaye.
Sokeeyaha intaad riixdo ood saado nacabkaaga.
Surka xadhig nin kuu galinayoon rabin samaantaada.
Sadiiq inaad u aragtiyo ninkii uurka kula seexday.
Maxaa sababay oo keeni kaar waa su aal kale e?

Ehel kiini siicdee hadii laga san taagaayo.
Amaad sahansateen qolo kaloo sagal idiin muuqdo.
Saantiyo badala hadalku waa baadi kala sooce.
Sadana daaya oo magac labaxa meelo kale saaran.
Calankaydun sidataanba waa suurad gooni ahe.

Salka geed kanaafoobay oo siibmay xididkiisu.
Saldhadiisa lama fuulo wuu seexan karayaaye.
Itoobiyo inay tahay sidaa waad la socotaane.
Iyaba toodi baa saabatooy sin ula ciireene.
Sancadooda idinkoon aqoon baydun sudhanteene.
Kana soocmi doontaane way idin sidaysteene.

Sunbadaa wayaanuhu haday idin sabaalaysay.
Amay sixir idiin gunuday waa saan koleey qabo e.
Soohdin lama wadaagtaane waad sahal dhaqaaqdeene.
Saqsaqdiyo intaad aayartaan siigadiyo boodhka.
Sakaarkiyo hamiga naga lalee samada dhawraaya.
Indhaha saabka loo yeelay iyo suusad lagu jiiday.
Ee suursan kala qaada waa laga sokeeyaaye.

Sac kalumay nin daydayanayoo sumad ku goobaaya.
Yaaban seexo loo quudhi karin sulub haraad cayne.
Umad sara kacdoo duul dhacay sabadi ciideeda.
Soodh iyo halgaad ula tagtoo sibi ku laynaysa.
Saxna ay kutahay oo dagaal kaga sifaynaysa.
Sakiin laguma xagi karo Tigree oo la sari maayo.
Hadaydaan siloonayn maxaa idinka siinaaya.?

Salaadiin wax garadiyo cilmiga qoladi loo soocay.
Siyaasiga fayoow een caqliga dhoobo laga saarin.
Saadaasha iyo aragtidii idilba Soomaali.
Sakal inaad gasheen lagu cadee ood sirgaxanteene.
Sumad guur inuu idinku dhoco yaad ku socotaane.

Sikastaba hanoqotee anaga magaca Soomaali.
Sibraar buuba nooyahay biyaha aan ku sidanaaye.
Samaantiina waan jecelnihiyo inaad sinaataane.
Saxma weeye hadalkani haduu idin solaayaaye.
Saqajaanka naga daaya waa dawgu suuyahaye.

Rooda Ibrahim C gurey (Afjanno)
Afjano2004@yahoo.com