WARARKA BARAAWEPOST Talaado 29 January 2008

Waa iga talo iyo in wax la saxo, maahi gabyaa waligayna maan gabyin, laakiin waxaan u dulqaadan waayay qaladaadka jira iyo umada wali u sacab tumaysa oo leh qaladkayaga baa sax ah, qadiyadoodiina ay ku soo koobnaatay wasiir baa reerkayaga la siiyay, madaxwaynaha ama raisul wasarahaa ixiga; amaba aaminsan xabashaa qaran inoo dhisi;

Amaba kuwa oranaya inagaa diin wadna, umada shahaadanaysana waan dilaynaa, nabadna dooni mayno, cidaan anaga ahayna islaam maaha iyana waxbaan ka oran.

Arinkaanu hogaan san maahee madaxwaynow meerso.

Anaa iri anaa sax ah hogaan san iyo daw somali maahee madaxwaynow meerso.

Qabiil iyo qaran baan is dhinac wadi, hogaan san iyo daw somali maahee madaxwaynow meerso.

Anaa u badan, anaa u mudan hogaan san iyo daw somali maahee madaxwaynow meerso.

Xeer aduun (international) baan ilaalin oo kaygii baan ka tagi (xeerkeenii iyo diinteenii), hogaan san iyo daw somali maahee madaxwaynow meerso.

4.5 iyo gaalo yaa sax oo diintaa qaldan, hogaan san iyo daw somali maahee madaxwaynow meerso.

Qaar baan dulmi (dagaal iyo xabashi dulgayn) qaar baan dhici (lacago laiska daabacayo), hogaan san iyo daw somali maahee madaxwaynow meerso.

Xabashaa qaran inoo dhisi hogaan san iyo daw somali maahee madaxwaynow meerso.

Anaa u badan (somali-kale, Daarood, Harti, Majeerteen) inta kale waa yar-yare hogaan san iyo daw somali maahee madaxwaynow meerso.

Hawiyaan dagi (oo kala qaybin) hadba qayb cuni, hogaan san iyo daw somali maahee madaxwaynow meerso.

Doorashoo xaqaa dhici, hadba qolo maqashiin, sidii dibigii doolood, hogaan san iyo daw somali maahee madaxwaynow meerso.

Sharcigaan ku tuman, kaan rabaan xiri maxkamad la’aan, hogaan san iyo daw somali maahee madaxwaynow meerso.

Doorashaan xaq ahayn, gacan taag iyo nal damin, hogaan san iyo daw somali maahee madaxwaynow meerso.

Damiin iyo dayuus (golaha wasiirada) baan isku deeri hogaan san iyo daw somali maahee madaxwaynow meerso.

Magac caan ah (oo soo noq noqda golaha wasiirada) iyo nin aqoon leh yaan arag (golaha wasiirada), hogaan san iyo daw somali maahee madaxwaynow meerso.

Sharci diimeed iyo mid kaloo lagu dhaqmaa ma jiro, hogaan san iyo daw somali maahee madaxwaynow meerso.

Labo madaxwayniyo (Puntland iyo Federalka) iyo wasiiro is babac yaal, hogaan san iyo daw somali maahee madaxwaynow meerso.

Culimada iyo maatadaan dhiibi (gaalo u dhiibi), hogaan san iyo daw somali maahee madaxwaynow meerso.

Shacabkayagii yaan layn oo xabashi ku fasaxi, hogaan san iyo daw somali maahee madaxwaynow meerso.

Iskuul iyo isbitaal la dhisi baan jirin, hogaan san iyo daw somali maahee madaxwaynow meerso.

Dhaqaalaha wadankaan curyaamin (lacago badan oo warqad ah baan daabici) hogaan san iyo daw somali maahee madaxwaynow meerso.

Culimadaa daalimiin ah anagaa (DFKMG) xaq ah hogaan san iyo daw somali maahee madaxwaynow meerso.

Cidaan gaalo rabin la hadli mayno hogaan san iyo daw somali maahee madaxwaynow meerso.

Intaa madaxwaynaha iyo DFKG ha iga gaadho.

Arinkaanu hogaan san maahee sheekhow meerso.

Qolada Asmarana waxaa ku leeyahay: anigoo ka leexleexanaya culimada islamku dhab kayahay, hadana waxaan rabaa inaan u sheego in:

40 sheekhoo hal deegaan ah yaa soomaali oo dhan ka talin, hogaan san iyo daw diimeed maahee sheekhow meerso.

Indho cadaa sheekh ah, hogaan san iyo daw diimeed maahee sheekhow meerso.

Diin iyo qabyaalad baan is dhinac wadi, hogaan san iyo daw diimeed maahee sheekhow meerso.

Anaa kali talin, anaa kali diin wada, hogaan san iyo daw diimeed maahee sheekhow meerso.

Africoo idil baan dagaal ka shidi, hogaan san iyo daw diimeed maahee sheekhow meerso.

Ina caydiid iyo shariifkaa ka xaq ah, inta kalena xabashi raac, hogaan san iyo daw diimeed maahee sheekhow meerso.

Anoo sheekh ah dalimiin ina caydiid iyo shariif u horeeyaan doon la raaci, hogaan san iyo daw diimeed maahee sheekhow meerso.

Qof shahaadanayaa gaal ah, hogaan san iyo daw diimeed maahee sheekhow meerso.

Qof islaam ah baa dhiigiisu xalaal yahay, hogaan san iyo daw diimeed maahee sheekhow meerso.

Anaa kali sax ah anaa mudan, anaa diin ah, hogaan san iyo daw diimeed maahee sheekhow meerso.

Gaalbaa gaal dhaama (Ethiopia versus Eriteria), hogaan san iyo daw diimeed maahee sheekhow meerso.

Goortay xabashi baxdaan wada hadli karnaa, kahor maya, hogaan san iyo daw diimeed maahee sheekhow meerso.

Nabad dooni maayo, hogaan san iyo daw diimeed maahee sheekhow meerso.

Intaana culimada ha iga gaadho.

Mohamed Qandala

qandala@hotmail.co.uk

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of the Baraawepost

ARAGTIDA QORAALKAN KU XUSAN MASUUL KAMA AHA BARAAWEPOST WIXII JAWAAB AH WAXAA TOOS LOOGU DIRI KARAA QORAAGA KU SAXIIXAN QORAALKA.