WARARKA BARAAWEPOST Arbaco 19 SEPTEMBER 2007

Qoyska Islaam ka ah: qeybtii 2aad

 Islaamku markuu yimid wuxuu u aqoon sadey haweynka iney yihiin lagama maarmaan ka bulshada, Dunida oo idil islaamku wuxuu gaarsiiyey sharafta  iyo xuquuqda siman aay lee yihiin Haweynka Xuquuq la siman tan Ragga leeyihiin sida Diin ta Islaam ka dhigeyso oo nooga digeeyso fikradaha qaawanaan ta ee Dawlada ha Galbeed ka u ololeey nayaan in Haweenka farabaxsadaan Siriqda Sheyddaan ka ku dhacaan .           

   Allah “Swt “ Isagoo Caddeey naayo Xuquuqda wuxuu yiri:

Haweenka waxay leeyihiin Xuquuqda lagu leeyahay in lamid ah,Aayadda labaad ne waa:Haweynka kula noolaada Macruuf waxaa loo yaqaan macruuf wixii wanaag san oo Diinta na fareeyso Munkar ne wixii xun oo Diinta naga reebeeyso,sida : Haweynka oon loo dhowrin sharafa iyo Xuquuqda banii aadam nimada aay leeyihiin .Suubanow “Csws wuxuu yiri “haweeneyda wanaagsan waa tan ugu kheyrsan inta dunida lagu raaxeysto. Awlaaddana waxaa ugu kheyrsan gabdhaha”

Sifada haweeneyda wanaag san:

Waxaa kammid ah : Ineey u fartoom to macruuf ka sida Salaadda la oogo waqtigeeda lagu Dukado Ramaddan ka la Soomo Zakada ne la guto iyo ineey is asturto dhowrsato oo akhlaaq wanaag Sanaato Sariig : Xishood badnaato Sabar iyo samaan ba lahaato,ballanka iyo cahdiga xajiso . Adheecdo Zooj keeda : Ninkeeda  Daacad u ahaato  Reerka iyo Raxan ka Maamulka Caruurta ,Guriga ,Hantida  wanaajiso  tix geliso darajada Waalidkiisa sida aay u tix gelineeyso Waalidkeeda , wixii xumaan ah oo Eebbe reebey ne  ineey ka fogaato sida: Waaliddiinta oo lagu Caasiyo,Xaaraan la Quuto iyo   In leeys Xanto Been la sheego iyo Nabyo ,Namiimo,intaas iyo wixii lammid ah oo xummaato ah ineey  ka fogaato . Ragga wanaagsan waa kuwa u fartooma Macruf ka Alla faray kana rebtooma munkarka alla rebey. Ragga iyo  Haween kaba waxaa laga rabaa "Samafal ka iyo taqwada "  ineey isugu kaalmeeyaan oo eeyan isugu kaalmeenin wixii keenaaya Dembiga iyo Colaadda xumaatada

Xaqa Hooyadu ay dheertahay Aabbo:

Abuu Hureyrah “Rc”ayaa laga wariyey inuu yiri: Nimbaa u yimid Rasuulka Allah”Csws” wuxuu yiri:Rasuulka Allow yaa iigu xaq wanaagsan lajirkayga? Wuxuu yiri:Hooyadaa. Wuxuu yiri:Yaa ku xiga?  Wuxuu yiri: Waxaa ku xiga Hooyadaa,Wuxuu yiri: Yaa kuxiga? Wuxuu yiri: Waxaa ku xiga Hooyadaa. Wuxuu yiri :Yaa ku xiga? Wuxuu yiri: waxaa ku xiga Aabbahaa.”waxaa wariyey Bukhaari 5626. Iyo Muslim 2548.

Gabdhaha ruuxii u samafalo Janna ayuu gelayaa :

Abuu Saciid waxaa laga wariyey : Rasuul ka Allah inuu yiri:” Qofkii seddax gabdho uu dhalay u sugnaadeen

 ama seddax gabdho oo la dhalatey, ama laba geber uu dhalay ama laba la dhalatey ee lajirkooda wanaajiyo Allah ugu cabsado dhexdooda Jannada ayuu geleyaa.” Wxaa weriyey Ibnu Xabbaan.190/2

W.Q.Sh.M.Sh.C/laahi "Sh.Fataxallah"

Halkan ka aqriso qeybtii 1aad ee casharka (RIIX)