WARARKA BARAAWEPOST sabti 10 novemBER 2007

SUUBBANEHEENNII MAXAMED IYO SAGAALKIISII XAAS!!

Nabi Muxammad (SCW) wuxuu guud ahaan guursaday saddex iyo toban (13) haween ah. Saddex iyo tobankaas wuxuu la gogol galay koow iyo toban kamid ah. Labada haweenka ahe aanu la gogol gelini waxay kala ahaayeen: Asmaa’ bintu Nucmaan Al-Kindiya iyo Camra bintu Yaziid Al-Kilaabiya (Juuniya). Koow iyo tobanka uu la gogol galay laba kamid ahi waxay dhinteen isagoo nool waana Khadiijo iyo Zaynab bintu Khuzayma. Tiradii ugu badnayd ee uu isku mar qabay waxay ahayd sagaal haween ah, sagaal isagoo qaba ayuuna geeriyooday. Rayxaana bintu Zayd Al-Nadariya iyo Maariya Al-Qibdhiya labadaas haween iyaga xaasaskiisa laguma darin, maxaa yeelay xor may ahayn oo waa loo hibeeyay.

Haddaba su’aasha dad badan oo ama gaalo ah amaba muslimiinta aqoontooda xagga diinta islaamku aanay xeel dheerayni is weydiinayaan waxa weeye: Maxay tahay sababta annaga muslimiinta ah afar dumar ah naloogu banneeyay, suubbaneheennii Muxammad (SCW) ahaana sagaal isku mar u qabay?.

Si aynu su’aasha uga jawaabno bal aynu marka hore eegno waqtiyadii uu Nabigu (SCW)  dumarka intaas le’eg guursaday iyo sidii uu mid waliba ku guursaday.

1- KHADIIJA

Haweenkii nabi Muxammad (SCW) waxa ugu horraysay Khadiija bintu Khuwaylid (RC), oo uu guursaday markuu sanadku ahaa 595 Miilaadiga. Nabigu (SCW) markuu Khadiijo (RC) guursanayay wuxuu jiray 25 sano, iyaduna waxay ahayd afartan jir. Khadiija (RC) intaanu Nabigu (SCW) guursan waxa hore usoo guursaday laba nin waxayna usoo dhashay isku dar saddex carruur ah.

Khadiija (RC) waxay Nabiga (SCW) u dhashay carruurtiisa oo dhan, intaan Ibraahim ka ahayn, isagase waxaa dhashay Maariya Al-Qibdhiya. Carruurtiisa ay Khadiijo dhashay waxay kala ahaayeen: Al-Qaasim, Zaynab, Ruqiyo, Ummu Maltuum, Faadumo iyo Cabdullaahi. Khadiijo (RC) waxay geeriyootay 620kii Miilaadiga, keddib markuu Nabigu (SCW) 25 sano qabay. Waxay ka geeriyootay isagoo 50 jir ah, iyaduna ay markaas 65 jir tahay, 25 kaas sano ee uu qabayna dumar kale lama aanu guursan.

2- SAWDA bintu ZAMCA

Sawda bintu Zamca bin Qays (RC) waxa Nabiga (SCW) hortiis qabi jiray nin ina adeerkeed saxaabi aad u wanaagsan ahaa oo la oran jiray Sakraan bin Camr lana dhashay saxaabi kale oo aad u qiima badnaa waa Suhayl bin Camr (RC).

Sakraan wuxuu kamid ahaa Asxaabtii Nabiga (SCW) ee dhulka Xabashida u haajirtay bishii Sabbuux (Rajab), sanadkii shanaad ee Nabinnimada. Sakraan markuu Makka kusoo noqday intaan Madiina loo haajirin buu dhintay, Sawdana wax carruur ah umay dhalin.

Geeridii Sakraan keddib, waxaa Sawda guursaday Nabiga (SCW) bishii Soon-fur ee sanadkii tobnaad ee Nabinnimada, waana isla sanadkii ay Khadiija (RC) geeriyootay. Sawda (RC) Nabiga (SCW) oo qaba bay da’ noqotay. Waxay markaas ka codsatay in habeenkeedana ay Caa’isha (RC) ku wareejiso iyadana uu iska haysto, si ay Aakhiro xaaskiisa u noqoto, waanu ka yeelay.

3- CAA’ISHA

Nabigu (SCW) wuxuu guurkii Sawda (RC) hal bil kaddib guursaday Caa’isha (RC). Caa’isha waxaa dhalay Abuubakar Al-Siddiiq (Cabdullaahi ibnu abii Quxaafa) (RC), hooyadeedna waxay ahayd Ummu Ruumaan bintu Caamir Al-Kinaaniya. Caa’isha waxay dhalatay sanadkii siddeedaad ama kii sagaalaad ee Hijrada kahor, kuna beegnaa 613 ama 614 Miilaadiga, ayadoo yar bayna islaantay. Haween gabar ah oon iyada ahayn Nabigu (SCW) ma guursan.

4- XAFSA

Bishii Soon-dheere (Shacbaan), sanadkii 3aad ee Hijrada Nabigu (SCW)  wuxu guursaday Xafsa bintu Cumar binul Khadhaab (RC) kaddib markuu ninkii qabi jiray ka dhintay, Ciddadii ay tirsanaysayna u dhammaatay.

Xafsa waxaa qabi jiray Khunays bin Xudaafa Al-Sahmi lana dhashay Cabdullaahi ibnu Xudaafa (RC), oo isagu ahaa ergaygii Nabigu (SCW) uu u diray boqorkii Faaris, Kisraa. Khunays wuxu kamid ahaa dadkii diinta ugu soo horreeyay, dhulka Xabashidana u haajiray, Xafsana way la haajirtay. Markuu Madiina kusoo noqday wuxuu ka qaybgalay dagaal weynihii Badar, kaddibna dagaal weynihii Uxud, wuxuna u dhintay dhaawac dagaalkaas kusoo gaaray.

Markuu Khunays dhintay, Xafsana ay garoob noqotay, ayuu Cumar u bandhigay Abuubakar inuu guursado. Abuubakar uma aanu jawaabin oo wuu ka aamusay. Markaas buu misana Cismaan bin Caffaan oo ay ka dhimatay Ruqiyo, gabadhii Nabiga (SCW) u bandhigay. Cismaan wuxuu Cumar ku yiri: "Ma doonayo inaan hadda guursado".

Cumar (RC) oo cara ah baa markaas Nabiga (SCW) u tegay. Nabigu (SCW) wuxuu Cumar ku yiri: "Xafso waxaa guursanaya mid Cismaan ka khayr badan, Cismaanna wuxu guursanayaa mid Xafsa ka khayr badan". Qofka Cismaan bin Caffaan ka khayr badan oo Xafsa guursaday waa Nabiga (SCW). Qofka Xafsa ka khayr badan oo Cismaan guursadayna waa Ummu Kaltuum, gabadhii Nabiga (SCW). Nabigu (SCW) wuxuu Xafsa guursaday sanadkii saddexaad ee Hijrada, markii laga soo noqday dagaalkii Uxud.

5- ZAYNAB bintu KHUZAYMA

Zaynab bintu Khuzayma binil Xaarith Al-Hilaaliya (RC), waxaa lagu naynaasi jiray "Hooyadii Masaakiinta". Waxaa naynaastaas loogu bixiyay ayadoo masaakiinta raashin siin jirtay, sadaqo bixintana ku dheerayd. Nabigu “SCW” wuxuu Zaynab guursaday sanadkii saddexaad ee Hijrada.

Nabiga (SCW) hortiisa waxaa Zaynab qabi jiray nin Nabiga (SCW) ina adeerkiis ahaa oo la oran jiray Cubayda ibnul Xaarith ibnu Cabdul-Mudhalib bin Cabdi Manaaf  kuna shahiiday dagaalkii Badar. Zaynab waxay Nabiga (SCW)  u dhaxday muddo gaaban (laba ama saddex bilood) kaddibna way dhimatay.

6- UMMU SALAMA

Sanadkii afaraad ee Hijrada, Nabigu (SCW) wuxuu guursaday Ummu Salama. Magaceedu wuxuu ahaa Hinda bintu abii-Umaya bin Mughiira Al-Makhzuumiya.

Nabiga (SCW) kahor Ummu Salama waxaay u dhaxday Abuu Salama (Cabdullaahi) bin Cabdul Asad Al-Makhzuumi. Abuu Salama waxaa dhashay Nabiga (SCW)  eeddadiis Barra bintu Cabdul Mudhalib. Tiiyoo jirta ayuu misana Nabiga (SCW)   iyo Xamza ibnu Cabdul Mudhalib walaal ugu ahaa xagga nuugmada. Waxaa saddexdaba nuujisay islaan jaariyad u ahayd Nabiga (SCW)  adeerkiis, cadawgii Alle Abuu-Lahab, lana oran jiray Thuwayba.

Ummu Salama iyo ninkeedu waxay kamid ahaayeen Muhaajiriintii ugu horraysay ee dhulka Xabashida u haajirtay, kaddibna markay Makka kusoo noqdeen, misana Madiina u haajirtay. Abuu Salama wuxuu ka qaybgalay Badar iyo Uxud. Dagaalkii Uxud waxaa kasoo gaaray dhaawac, dhaawacaas buuna goor dambe bishii Boqol-Soon (Jamaadul-Aakhir), sanadkii 4aad ee Hijriga u geeriyooday.

Ummu Salama waxay Abuu Salama u dhashay; afar carruur ah. Markuu Abuu Salama geeriyooday, waxaa guursaday Nabiga (SCW)  bishii Soon-fur ee isla sanadkaas.

7- ZAYNAB bintu JAXSHI

     Nabigu (SCW) wuxuu guursaday Zaynab bintu Jaxshi bin Ria’b Al-Asadiya, bishii Safar, sanadkii shanaad ee Hijrada, una dhigantay bishii Juun, 626kii. Zaynab hooyadeed waxay ahayd Umayma bintu Cabdil-Mudhalib, Nabiga (SCW) eeddadiis.

Nabiga (SCW) hortiis waxaa Zaynab qabi jiray, oo furay, Saxaabigii la oran jiray Zayd binul Xaarith bin Shuraxbiil Al-Kalbi (RC). Zayd binul Xaarith, isagoo 8 jira bay haweentii Nabiga (SCW) Khadiija bintu Khuwaylid (RC) oo iyadu lahayd ay Nabiga u hibaysay. Markaas intuu xoreeyay, buu korsaday. Arrintaasi Nabinnimada way ka horreysay. Markuu korsaday buu sida carabtii jaahiliga oo islaamka ka horraysay dhaqan u ahayd, iminkana adduunka aan islaamka ahayn looga dhaqmo, wuxu qaatay magaciisa, waxana loo bixiyay Zayd ibnu Maxamed.

Zayd oo sidaas wiilkiisii u ah buu Nabigu (SCW) wuxuu u guuriyay ina eeddadiis Zaynab bintu Jaxshi. Markuu Nabigu (SCW) Zaynab u doonay inay guursato way diidday. Markaas buu Eebbe Subxaanahu watacaalaa wuxuu soo dejiyay Aayaddan:

{وَمَا كَانَ لِمُؤْمِنٍ وَلَا مُؤْمِنَةٍ إِذَا قَضَى اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَمْرًا أَن يَكُونَ لَهُمُ الْخِيَرَةُ مِنْ أَمْرِهِمْ وَمَن يَعْصِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ ضَلَّ ضَلَالًا مُّبِينًا} {سورة الأحزاب: 36}.

 (Uma bannaana Mu'min iyo Mu'minad toona hadday Eebbe iyo Rasuulkiisu tala go'aamiyaan inay arrinkooda kala doortaan, Ruuxiise Eebbe iyo Rasuulkiisa ku gacan sayraa lumid cad buu lumay) (Suurat Al-Axzaab: 36).

Zaynab waxay ahayd islaan kulul, markayse Aayaddaasi soo degtay way isdhiibtay, Zayd baana guursaday. Zaynab hadday jirkeedii dhiibtay, way ku adkaatay inay qalbigeeda dhiibto, mana aanay jeclayn inay Zayd xaas u noqoto. Sidaas darteed, way qiimayn weyday, wayna tixgelin weyday. Muddo keddib, Zayd (RC) wuu kari waayay, wayna ku adkaatay inuu Zaynab lasii noolaado, kaddibna wuu furay. Zayd markuu furay, ciddadeediina dhammaatay waxaa guursaday Nabiga (SCW).

Kaddib markuu Zayd ibnul Xaarith furay in Nabigu (SCW) Zaynab guursaday Xikmadda ku jirtay waxay ahayd inu Eebbe baabi’iyo dhaqankii xumaaye waagaas jirtay, iminkana dadyowga aan muslinka ahayni ku dhaqmaan, taas oo diidaysay in haweenayda uu guursado, kaddibna furo wiil lasoo korsaday laga daba guursado.

Guurkaas uu Nabigu (SCW) Zaynab guursaday markuu Zayd furay kaddib, ayaa lagu sharciyeeyay in guurkaas oo kale uu xalaal yahay. Eebbe Subxaanahu watacaalaa isagoo sii caddaynayana wuxuu Qur’aankiisa ku leeyahay:

{مَّا كَانَ مُحَمَّدٌ أَبَا أَحَدٍ مِّن رِّجَالِكُمْ وَلَكِن رَّسُولَ اللَّهِ وَخَاتَمَ النَّبِيِّينَ وَكَانَ اللَّهُ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمًا} {سورة الأحزاب: 40}.

(Maxamed Aabbe uma ahayn nin raggiinna kamid ah, laakiin waa Rasuulkii Alle iyo Nabiyada kii u dambeeyay, Allena wax walba waa ogyahay) (Suurat Al-Axzaab: 40).

Arrintaan ubad aadan dhalin wiil ama gabar ka dhigashada ah waxaa Afka Ingiriisiga lagu yiraahdaa Adoption, Afka Carabigana Tabanni. Ilmaha caynkaas ah oo sidaas magacaaga lagu siiyo diinta islaamku ma oggola. Eebbe Subxaanahu watacaalaa wuxuu leeyahay:

{ادْعُوهُمْ لِآبَائِهِمْ هُوَ أَقْسَطُ عِندَ اللَّهِ} {سورة الأحزاب: 5}.

(Ugu yeera ilmahaas Aabbayaalkood sidaas baa Alle agtiisa ku caddaalad badane) (Suurat Al-Axzaab: 5).

Diinta islaamku waxay qabtaa in dadka masaakiinta ah la gargaaro, gaar ahaan agoonta, hase yeeshee lama siin karo magac aan ahayn aabbihii dhalay, mana uu dhaxli karo, maxaa yeelay dhab ma aha oo ma uusan dhalin. Markay Aayaddaasi soo degtay kaddib, waxaa Zayd loogu yeeri jiray Zayd ibnul Xaarith. Xaarith wuxuu ahaa aabbihii runta ahaa ee Zayd dhalay.

8- JUWAYRIYA bintul  XAARITH

Bishii Soon-dheere (Shacbaan), sanadkii lixaad ee Hijrada, una dhigantay Diseembar 626kii, Nabigu “SCW” wuxuu guursaday Juwayriya bintul Xaarith ibnu Abii-Diraar Al-Khuzaaciya. Waxay kamid ahayd dadkii reer Khuzaaca ee maxaabiis ahaanta loogu soo qabsaday dagaalkii Banii Musdhaliq. Nabiga”SCW” hortiis waxaa qabi jiray nin la oran jiray Musaafic bin Safwaan Al-Musdhaliqi, waxaana Musaafic lagu dilay dagaalkaas.

Markii dagaalkaas laga soo noqday oo Madiina lagu soo noqday Nabigu “SCW” maxaabiistii asxaabta ayuu u qaybiyay, waxaana islaantaas saami ahaan u helay Saxaabigii Thaabit bin Qays bin Shammaas Al-Ansaari. Thaabit bay markaas ku tiri: "Ii sheeg qiimaha aan isku furanayo". Wuxuu u sheegay inay sagaal Wiqiyadood (dahab ah) isku furan karto. Markaas bay Nabiga”SCW” u tagtay, kana codasatay inuu siday madaxeeda u furan lahayd ka caawiyo. Qiimihii lagu sheegtay ayuu ka bixiyay isagaana guursaday. Markay asxaabtii guurkaas maqleen bay waxay dheheen: "Ma Rasuulka Alle seediyaalkiis baa la addoonsanayaa!". Markaas bay wax allaale wixii reer Banii Musdhaliq gacantooda ku jiray wada xoreeyeen. Waxa madaxeeda sidaas loogu xoreeyay boqol qoys oo xigtadeeda ah.

9- UMMU XABIIBA bintu ABII SUFYAAN

Ummu Xabiiba magaceedu wuxuu ahaa Ramla bintu Abii Sufyaan (Sakhar) bin Xarb bin Umaya, waxayna la dhalatay Saxaabigii weynaa Mucaawiye ibnu Abii Sufyaan (RC). Hooyadeed waxaa la oran jiray Safiya bintu Abil-Caas. Waxaa Ummu Xabiiba loogu bixiyay gabadheeda oo magaceedu ahaa Xabiiba bintu Cubaydillaahi bin Jaxshi.

Ummu Xabiiba waxay kamid ahayd Muhaajirintii koowaad ee uu Nabigu “SCW” dhulka Xabashida u diray, kaddib markii Makka lagu dhibay. Waxay raacday ninkeedii hore Cubaydillaahi bin Jaxshi Al-Asadi. Cubaydillaahi isagoo dulka Xabashida jooga ayuu diinta Islaamka ka baxay wuxuna noqday Kirishtaan, halkaas buuna ku dhintay.

Markaas keddib boqorkii Xabashida Najaashi oo isagu asxaabtii u haajirtay si fiican usoo dhoweeyay ayuu Nabigu  “SCW” farriin u diray uu uga codsanayo inuu Ummu Xabiiba u guuriyo. Boqor Najaashi markay farriintaasi gaartay, wuxuu Ummu Xabiiba waydiiyay inay sheegato qofka wakiil ka noqonaya, markaas bay wakiilatay Khaalid bin Saciid binul-Caas (RC). Boqorkii baa markaas Nabiga”SCW” wakiil ka noqday Ummu Xabiibana u doonay, Khaalidna wuu bixiyay, sidaas baana loogu nikaaxay.

Abuu Sufyaan bin Xarb oo ah Ummu Xabiiba aabbeheed, markuu arooskeedii yimid wuxuu yiri: "Ninkaan ragannimada buuxda iyo sharafta leh lama xumayn karo". Markaas uu sidaas leeyahay waa gaal, waana intuusan islaamin kahor. Sababta Nabigu “SCW” Ummu Xabiiba uu u guursaday waxay ahayd, isagoo doonayay inuu aabbeheed Abuu Sufyaan oo madaxda Quraysh kamid ahaa, usoo duwo diinta Islaamka.

10- SAFIYA bintu XUYAY

Safiya bintu Xuyay bin Akhdhab Al-Nadariya oo yahuudiyad ahay, Nabiga”SCW” hortiis waxaa qabi jiray nin yahuudi ahaa oo la oran jiray Sallaam bin Mishkam, wuuna furay ninkaasi. Sallaam kaddib waxaa guursaday nin la oran jiray Kinaana binul Rabiic bin Abil-Xuqayq. Labadaas ninba waxay ahaayeen gabyaa Yahuud ah. Kinaana waxaa la dilay maalintii Khaybar la furtay, sanadkii 7aad ee Hijrada, una dhigantay  628kii, isagoo weli Safiyo qaba. Safiyo waxay kamid ahayd dadkii dagaalkaas Khaybar lagu qabsaday. Nabiga”SCW” ayaa intuu naftiisa u doortay, xoreeyay, dabeetana guursaday. Safiyo inkastoo ay laba guur oo hore soo martay, haddana markuu Nabigu “SCW” guursanayay waxay jirtay 17 sano oo qura.

11- MAYMUUNA bintul XAARITH

Bishii Sidataal (Dul-Ciqda), sanadkii 7aad ee Hijrada, una dhigantay Febraayo 629kii, Nabigu “SCW” wuxuu guursaday Maymuuna bintul Xaarith Al-Hilaaliya oo kasoo jeedday reer Hilaal bin Caamir bin Sacsaca. Wuxuu guursaday kolkuu Cimradii qallada ahayd gutay, xalaalna ka noqday.

Maymuuna Nabiga”SCW” hortiis, waxaa waqtigii Jaahiliga guursaday Abuu Sibra Al-Caamiri, kaddib markuu furayna waxaa guursaday Abuu Ruhum bin Cabdil Cuza. Abuu Ruhum markuu dhintayna Nabiga”SCW” ayaa guursaday, waxayna ahayd haweenaydii ugu dambaysay ee uu Nabigu “SCW” la aqalgalay.

DOOD!!

Qofka noloshii Nabiga”SCW” il quman ku eegaa wuxu ogaanayaa in guursiga uu tirada intaas le'eg ee dumarka ah guursaday, weliba kaddib kolkuu konton jir dhaafay aanu ahayn mid uu raaxo iyo dumar jacayl ugala jeeday. Nabigu“SCW” wuxuu Khadiija bintu Khuwaylid (RC) guursaday isagoo 25 jir ah, iyadoo markaas 40 jir ahoo seddax carruur ah wadata, laba ninna ay hortiis soo furtay. Wuxuu Khadiija keligeed qabay 25 sano, haween kalena lama aanu guursan ilaa ay ka geeriyootay. Markii ay Khadiija (RC) geeriyootay kaddib dumarka uu guursaday gebigood waxay ahaayeen wada Garoobbo Caa'isha bintu Abiibakar (RC) mooyaane.

Haddaba muxuu tirada intaas le’eg u guursaday?

Haddaynu si kooban uga hadalno, sababaha uu Nabigu “SCW”  tirada intaas le’eg ee dumarka ah u guursaday waxaynu u kala qaadaynaa laba qaybood:

Qaybta koowaad:  Xariirin iyo samafal:

Nabigu “SCW” wuxuu gabdho ka guursaday Abuubakar Al-Siddiiq iyo Cumar ibnul Khadhaab (RC) si uu ula xidido xiriirkoodana u adkeeyo, maadaama ay Wasiirkiisii koowaad iyo kii labaad kala ahaayeen, Diinta fidinteedana kaalin weyn ka qaadanayeen. Waxaa kaluu gabdhihiisa u guuriyay Cismaan ibnu Caffaan iyo Cali ibnu Abii-Dhaalib (RC) oo iyaguna Wasiirradiisii saddexaad iyo afaraad kala ahaa.

Maadaama ay Carabtu Xididnimada aad u qiimayn jirtayna wuxuu Ummu Salama ka guursaday reer banii Makhzuum oo Abuu-Jahal ibnu Hishaam iyo Waliid ibnu Mughiira (Khaalid ibnu Waliid aabbihiis) jilibkooda ahaa. Waa labadii ugu darnayd ee diinta islaamka kasoo horjeedday. Kaddib markuu Nabigu “SCW” Ummu Salama guursaday, Khaalid Islaamka uma aanu dhibin siduu Uxud ugu dhibay, heshiiskii Xudaybiya waxyar kaddibna waabu islaamay. Waxa kaloo xusid mudan in Ummu Salama uu ka dhintay Abuu Salama (RC) oo kamid ahaa Asxaabtii Nabiga “SCW”  ayna dhashay Nabiga”SCW” eeddadiis. Haddaba si uu u koriyo carruurta Saxaabigaas, una xariiriyo qaraabannimadaas ka dhaxaysa ayuu Ummu Salama u guursaday.

Sidoo kale Nabigu “SCW” wuxuu guursaday ina Abuu Sufyaan (Ummu Xabiiba). Abuu Sufyaan oo kamid ahaa madaxdii iyo asharaaftii Quraysh wuxuu Nabigu “SCW” doonayay inuu usoo duwo dhanka diinta Islaamka, amaba ugu yaraan shartiisa ka nabad galo, maadaama uu la xididay. Abuu Sufyaan guurkii gabadhiisa kaddib ma uu dhibi jirin Nabiga”SCW” ilaa uu goor dambe islaamay.

Dumarkii kale ee uu Nabigu “SCW” guursaday haddaynu dib u baarno, waxaynu arkaynaa inay badankoodu ahaayeen dumar uu u samafalayay ooy rag Asxaabtiisa kamid ahi ka dhinteen, raggaas oo ku dhintay iyagoo diinta Alle fidinaya ama dagaal gaalada kula jira. Bal eeg Sawda bintu Zamca (waxaa ka dhintay Sakraan ibnu Camr oo kamid ahaa Asxaabtii ugu horraysay ee dhulka Xabashida u haajirtay, markuu Makka kusoo noqdayna geeriyooday), Zaynab bintu Khuzayma (waxaa ka dhintay Cabdullaahi ibnu Jaxshi oo Nabiga “SCW” ina eeddadiis ahaa, dagaal-weynihii Uxudna ku shahiiday) iyo Ummu Salama (waxaa ka dhintay Abuu Salama oo Nabiga “SCW” ina eeddadiis ahaa, una dhintay dhaawac dagaal-weynihii Uxud kasoo gaaray).

Zaynab bintu Jaxshi (RC), ka sokoow inay Nabiga”SCW” ina eeddadiis ahayde, waxaa kaluu Nabigu “SCW” u guursaday inuu ku baabi'iyo dhaqankii xumaa ee ay Carabtu islaamka kahor lahayd. Dhaqankaas oon hore uga soo hadalnay si loo baabi'iyo, waxaa lama huraan ahayd Nabiga”SCW” laftiisu inu fuliyo suu dadka horseed ugu noqdo, maadaama uu ahaa dhaqan soo jireen ah, ayna adkayd in iska daaya lagu daayo.

Yuhuuddii reer banii Musdhaliq iyo reer banii Nadiir iyagana Nabigu “SCW” wuu la xididay, wuxuna ka kala guursaday Juwayriya iyo Safiya. Xididnimadaas kaddib labadaas qolo way joojiyeen cadaawadii ay Nabiga”SCW” iyo Islaamka u qabeen. Waa taynu soo marnay in guurkaas Juwayriya uu Nabigu “SCW”guursaday dartiis ay Asxaabtu boqol Qoys oo xigtadeeda ah Maxaabiisna ahaa u xoreeyeen maadaama ay Nabiga“SCW” xididkiis noqdeen. Qoladaas badankoodii uu Juwayriya aabbeheed ku jiraa kolkay arkeen sida wanaagsan ee loola dhaqmay way islaameen.

Qaybta labaad: Amar Alle adeecid:

Shareecada islaamka marka laga eego, qofka muslinka ah waxa u bannaan inuu afar haween ah isku mar qabi karo, ha yeeshee qaar furi karo qaar kalena guursan karo. Sidaas darteed waxa laga yaabaa in aad maqasho nin boqol dumar ah guursaday, kol haddaanu markiiba afar ka badan qabayn. Haddaba Nabiga ”SCW” asaga xaalkiisu kaas waa uu ka duwanaa oo markii hore waxa loo tilmaamay inu guursado haween shuruudo gaar ah leh, loomana xaddidin tiro go’an ee waxa u bannaanayd naag kasta oo shuruuddii Alle u dhigay ka bixi karta. Bal ila eega Aayadda hoos ku qoran:

{يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ إِنَّا أَحْلَلْنَا لَكَ أَزْوَاجَكَ اللَّاتِي آتَيْتَ أُجُورَهُنَّ وَمَا مَلَكَتْ يَمِينُكَ مِمَّا أَفَاء اللَّهُ عَلَيْكَ وَبَنَاتِ عَمِّكَ وَبَنَاتِ عَمَّاتِكَ وَبَنَاتِ خَالِكَ وَبَنَاتِ خَالَاتِكَ اللَّاتِي هَاجَرْنَ مَعَكَ وَامْرَأَةً مُّؤْمِنَةً إِن وَهَبَتْ نَفْسَهَا لِلنَّبِيِّ إِنْ أَرَادَ النَّبِيُّ أَن يَسْتَنكِحَهَا خَالِصَةً لَّكَ مِن دُونِ الْمُؤْمِنِينَ قَدْ عَلِمْنَا مَا فَرَضْنَا عَلَيْهِمْ فِي أَزْوَاجِهِمْ وَمَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ لِكَيْلَا يَكُونَ عَلَيْكَ حَرَجٌ وَكَانَ اللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا 05} {سورة الأحزاب: 50}.

 (Nabiyahow, annaga Eebbaa waxaan kuu bannaanaynay haweenkaaga aad siisay meherkooda iyo wixii ay gacantaadu hanatay oo ah wixii Alle kuusoo celiyay (gaalada aad ka furatay sida: Safiya bntu Xuyay iyo Juweyriya bintul Xaarith), waxa kaloon kuu bannaynay: adeerkaa gabdhihiisa, eeddayaalkaa gabdhohooda, abtigaa gabdhihiisa iyo habaryarahaa gabdhohooda oo ah kuwii kula haajiray iyo naag kastoo mu’minad ahi hadday nafteeda Nabiga u hibeyso, waase hadduu Nabigu doono inu guursado waana xalaalayn adiga kuu gaar ahoo aanay mu’miniintu kula qabin (mar haddaan weli, markhaati iyo mahar midna lagaa rabin), waxana dhab ah in aan ognahay waxaan ku waajibinnay (mu’miniinta) oo dumarka ay guursanayaan iyo jaariyadohooda ku saabsan (oo ah inaysan afar haween ah ka badan guursan karin, weli iyo laba markhaati iyo mahar la’aantoodna aanu guurkoodu ansaxaynin), waxana arrintaas laguugu sahlay si aadan wax dhibaato ah ugala kulmin, Eebbena waa mid dembi-dhaaf badan oo naxariis badan) (Suurat Al-Axzaab: 50).

Eebbe wuxuu Nabiga ”SCW” sidaas gaarka ah ugu banneeyay inu guursado dumarkii ay qaraabada ahaayeen ee la haajiray iyo dumar kasta oo mu’minaad ahoo naftooda u hibeeyay iyo weliba wixii gacantiisu hanatay iyadoon tiro loo goyn.

Haddaba iyadooy sagaal dumar ahina u dhaxaan, labana ka dhimatay, buu Eebbe hal mar amar kusoo rogay ah inuusan maanta wixii ka dambeeya dumar dambe guursan karin ilaa uu ka dhinto. Waxa weliba taas kasii daran isagoo la yiri xitaa ma beddeli kartid oo naag kamid ah intaad furto booskeedii mid kale ma guursan kartid. Waa sida isagoo la yiri: (intuu Alle kuugu talagalay Aakhirana dumarkaagii Jannada ah waad qabtaaye dumar kale ka saar niyaddaada, wixii addooma ahoo laguu hibeeyo mooyee).

Bal eega Aayaddan hoose:

{لَا يَحِلُّ لَكَ النِّسَاء مِن بَعْدُ وَلَا أَن تَبَدَّلَ بِهِنَّ مِنْ أَزْوَاجٍ وَلَوْ أَعْجَبَكَ حُسْنُهُنَّ إِلَّا مَا مَلَكَتْ يَمِينُكَ وَكَانَ اللَّهُ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ رَّقِيبًا 25} {سورة الأحزاب: 52}.

(Adiga (Nabiyoow) kuuma bannaana hadda keddib naago oo dhami (sagaalkaas haweenka ahe nafafyaalkoodii kuu hibeeyay eed qabto  ee xaasaskaagii Jannada ah naag ka dambeysaa kuuma bannaana cimrigaaga inta ka dhiman), inaad naago kale ku beddeshaana kuuma bannaana xitaa haddii (kuwa aad ku beddelaysaa) wanaaggoodu uu ku cajabiyo, wixii gacantaadu hanato (aad yeelato oo addoomo kuu ah) mooyee, Eebbena wax walba waa kii ilaaliya oo dusha kala socda) (Suurat Al-Axzaab: 52).

Waxaan filayaa in aan ilaa xad ka jawaabay su’aasha dad badan wareerisay ee ah Nabigu ”SCW”  muxuu sagaal haween ah u guursaday muslimiintana afar qura loogu banneeyay??.

Diyaariye:

Sabriye Macallin Muuse

Minnesota – United States

sabkaxaaji@hotmail.com