WARARKA BARAAWEPOST sabti 1 march  2008

Noqo Tusaale wanaagsan, oo lagu daydo

(Role Model )

Marka hore mahad idilkeed waxey u sugnaatay Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadib dhammaan aqristayaasha sharafta leh waxaan hawada idiin soo marinayaa salaanta Muslinka ( A. C.W. W ).

Ummad waliba oo caalamkan ku nool waxaa had iyo jeer u kaca oo hogaanka u qabta bulsho yar oo u noqda tusaale ay ku daydaan, haddey noqota xag diin, dhaqaale, siyaasad, waxbarasho, iyo arimaha kale ee la xiriirta nolosha bulshada. Kooxdaa yar waxey had iyo jeer isku dayaan sidii ay ummadooda uga gudbin lahaayeen caqabaadka hor taagan, oo waxey mar walba si wanaaga ku jira u daraaseeyaan tubtii ay ummadooda ugu horseedi lahaayeen horumar iyo baraare. Haddii ay arkaan qof wado xun u hagaya ummadda, waxa leysku dayaa sidii dadka looga digi lahaa khataraha uu qofkaa keeni karo. Dadkuna wey ku faanaan, waxqabadka Shaqsiyaadka  wanaaga u horseedaysa, uma eegaan waa reer hebel iyo kan baa i xiga, ee qof walboo wanaag la yimaada waa lagu tixgaliyaa. Waxaad arkeysaa rag ganacsato ah, oo ku wareegaya goobaha waxbarashada oo doonaya inay ka qeyb qaataan horumarinta waxbarashada dalalkooda iyo magaalooyinkii ay asal ahaan ku dhasheen. Waxaad arkeysaa marka masaajidyada laga naadiyo wax kheyrku ku jiro inay u kala hormarayaan dadka Allaah uu xoolaha siiyay

Nasiib darro annaga Soomaali hedeynu nahay waxeynu u shaqeynaa, si ka duwan qaababka ay bulshooyinka caalamka u shaqeeyaan. Wey dhici kartaa amaba weyba jirtaa dad faro ku tiris ah oo wanaag baddan, laakiin waxa boqol jeer ka baddan inta had iyo jeer xumaha hor kaceysa.  Qaababka aynu u shaqeyno waa sida hoos ku tilmaaman:-

Siyaasi:- waa kan dagaal oogaha ah, oo had iyo jeer ummadda u kala qoqobaya qabiil qabiil. Dhalinyarada siinaya daroogada iyo qaadka si ay ugu dagaalamaan. Aan weligii nabad dooneyn mid isaga dan ugu jirto mooyee. Hantidii dadka xalaaleystay, qaranimo aan dooneyn.

Aqoonyahan: - Waa kan soo saaraya ama qoraya qoraalada ummadda quluubtooda had iyo jeer wax loogu dhimayo. Waa kan khaldaya taariikhdii ummadda. Waa kan had iyo jeer abuuraya fidnooyinka ummadda lakala dhex dhigay. Waa kuwa lakala safan dagaal oogayaasha aan innaba naxariis u heyn ummadda. Waa kuwa dhaafsada waddankooda xooga shilimaad ah, oo aan marnaba laga sugeen inay waddankooda ugu shaqeeyaan qaab iska wax ugu qabso ( Voluntary ).

Ganacsade:- Waa kan ka ganacsanaya Xoolihii dheddiga ahaa, waa kan gubaya dhirta, si uu dhuxul uga ganacsado, waa kan keenaya raashinka dhacay iyo daawooyinka dhaca. Waa kuwa lacagtooda ku taageerayo dagaal oogayaasha aan wax wanaag  ahba laheyn. Waa kuwa mar walba shiila dhiga bulshada. Waa kuwa canshuurtii bulshada wax loogu qaban lahaa isdaba marinaya.

Haddaba waxaan  qoraalkeygan kusoo gudbinayaa qaabka wanaagsan ee la doonayo inay u shaqeeyaan dadka hormuudka u ah ummaddan:-

Siyaasiga: - Waxaa laga doonayaa inuu had iyo jeer ku fekero inuu ka tusaale qaato bulshooyinka caalamka kuwooda u horseeda ummadooda jidka wanaagsan. Inuu had iyo jeer la yimaado tanaasul iyo inuu ka fogaado fitanta dadka lagu kala geynayo. Haddii aad xilligan jago heli weyso ama aad ka harto doorashada, ogow in aad waqti kale kusoo bixi karto. Noqo mid lagu farxo aragtidiisa iyo hadaldiisa. Ha noqon mid had iyo jeer laga naxo.

Aqoonyahanada:- Waxeynu ka rabnaa inay had iyo jeer dadka wacyi geliyaan, oo u horseedaan qaabkii loo cirib tiri lahaa jahliga, oo qof walba wuxuu soo bartay bulshaddan ugu soo gudbin lahaa. Wey dhici kartaa inaad lacag baddan ka heleyso waddamada kale ee aad ku nooshihiin, laakiin Mudnaanta lacag kaliya maaha, oo waxa wanaagsan in qofku fiiriyo waxa uu wanaaga ku jiro aakhiro iyo addunba. Mar walba noqo mid ka fekera sidee dalkaaga uu uga baxaa heerka fakhriga, uuna ula jaan qaadaa dunidan horumartay. Inaad ka fekerto sidee dalkan sicir bararka heysta looga saari karaa, sidee looga hortagi karaa lacagahan leyska soo daabacanayo, sidee loo hormarin karaa caafimaadka waddanka, sidee dhulkan oomanaha ah biyo loogu heli karaa, sidee looga faa’ideysan karaa kheyraadka dhulkeena ceegaga.

Ganacsatada:- Waxeynu ka rabnaa inay iska ilaaliyaan ganacsiga ku dhisan xaaraanta, oo dhaqaalahooda halista gelin kara, sida dhirta la gubayo, xoolaha dheddiga ah ee la dhoofinayo, dhagxaanta badda ee kalluunka ee la dhoofinayo, daawooyinka iyo raashinka dhacay ee dadka laga iibinayo. Ganacsatadu haku tartamaan sidi ay dhaqaalahooda uga faa’ideyn lahaayeen bulshadooda{ sida shaqo abuuris, qodid ceelal, dhisid masaajidyo, dhisid rugo waxbarash,o caafimaad iyo weliba horumarinta dhan kasta }. Shilinkaaga mar walba ka ilaali inuu noqdo mid lagu duminayo dalka, oo aakhiro kuu horseedaya Naar. Mar walba shilinkaada ku raadi kheyr.

Bulshada Soomaaliyeed caam ahaan:- waxeynu ka rabnaa inay mar walba qofka garab ku siiyaan wanaaga uu had iyo jeer uu bulshada u qabto, ee garab haku siin waa ina hebel, oo isku qabiil beynu nahay. Immisaa kula qabiil ah, oo aan wanaagaada ogoleyn, immisaa kasoo jeeda qabiilo kale oo mar walba jecel horumarkaada. Misaanka rasmiga ah maaha qabiilka, ee waa sida Allaah looga kala cabsi baddan yahay. Bulshada waxaan ka codsaneynaa inay ilaaliyaan oo badbadiyaan dadkooda aqoonyahanada ah, culimada ah, ganacsatada ah, oo yaanan loo dilin aano qabiil iyo wixii la mid ah. Qofka aqoonta leh, ama caalimka ah ama maalqabeenka ah, waa Symbol, u baahan in loo ilaaliyo sida loo ilaaliyo hantida waddanka. Adduunka waxaa lagu tartamaa waddan hebel intaas oo takhaatiir ayuu leeyahay iyo intaas oo Professionals ah, haddii aad iska dishaan yaa waddanka wax u qabanaya. Soomaaliyeey iska ilaaliya halheyska jahliga ku dhisan ee Soomaalida ee ah, { Hebel waa nin ka reerka laga dilo },

Qoraalkeyga waxaan kusoo gabagabeynayaa haddii ummadda Soomaaliyeed meel walboo ay joogaanba, ay gartaan qof walba Kaalinta kaga aadan horumarka waddanka, waxaan wax la qeybsan laheyn ummadahaa horumaray. Waxaan mar labaad iyo mar saddexaadba ka codsanyaa bulshada Soomaaliyeed inay ka fogaadaan wax alla wixii noo horseedaya baaba’ iyo bur burka waddankeena. Weli waqti ayeeynu heysanaa ee aynu isdaba qabano. Intaas waa cabiraadeyda iska yarn oo intii aan wanaaga iyo kheyrka ka waafaqay waxay u sugnaatay Allaah, wixii aan ku khaldamayna waa nafteyda iyo sheydaan.

Wabilaahi Towfiiq 

{ Qalinkii : -   Cabdixakiim Jaamac Jooje } saicentadv@yahoo.com

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of the Baraawepost

ARAGTIDA QORAALKAN KU XUSAN MASUUL KAMA AHA BARAAWEPOST WIXII JAWAAB AH WAXAA TOOS LOOGU DIRI KARAA QORAAGA KU SAXIIXAN QORAALKA.