WARARKA BARAAWEPOST Arbaco 12 march 2008

Somaalida South Afrika Dukaamadii Horana way la mashaqaysan yihiin kuwo kalena way furayaan.

Soomaalida kunool Koonfur Afrika waxa ay yihiin qaxootiyada ugu badan ee wadanka jooga,hadana marka la fiiriyo isku xidhnaan la'aantooda iyo ninba gees u orodkiisa waxaad moodaa nooca ay wadanka kujoogaan in uu yahay qaab aan qorshaysnayn,nolosha wadankanina waxaa kaliya oo lagu wajihi karaa nooc isgarabsi iyo istaakulayn ah,ninkii kaligii isku daya in uu noolaado ama ganacsadana waxaa hubaal ah in uusan ka baxaynin kacaakuf.

Shakhsiga Soomaaliga ahi markii uu wadanka yimaado waxa uu helaa fursad ayna helin dadka kale ee qaxootiga ahi,oo waxa uu ushaqeeyaa nin Soomaali ah oo aan raashinkiisa iyo fasixiisa tooda xisaabinaynin,dhowr bilood marka uu lashaqeeyo ayaa waxa uu ka madax taagaa shaqaalanimadii oo waxa uu uhanqal taagaa in uu noqdo mulkiile (Boss) sidaas daraadeed ayaa waxaa laga yaabaa in uu kazoo jeedsato dukaan wax yar dhaama shaqaalanimadii.

Hadaba dhibaatada ugu ubadan ee Soomaalida haysata waxa ay tahay ninku marka uu dukaan furto isagoo kaligii ah ee uu helo faa'iido yar oo reerkoodii uga tuuri karo dhadhamo yar ayaa waxa uu uhanqal taagaa in uu furo dukaan kale,shaqada dukaamadu waa shaqo aad u adag oo aan ka duwanayn lo' ladaab ah,marka ruuxna xoogiisa,kanshihiisa iyo fikirkiisu kama badnaan karo hal dukaan,marka meesha loo baahnaa in ninku xoogga isugu geeyo sidii uu ula tacaali lahaa dukaankaas ee ugu ilaalin lahaa madhashad ama adeeg oo kala go'a ayaa marka uu furo mid kale waxaa qaybsama fikirkiisii,xooggiisii iyo fursadiisiiba,markaas ayaa waxaa laga yaabaa maadaama oo uusan qaybsami Karin in uu labada dukaan oo midba hal nini joogo in uu mid lajoogo kii kalena uu kaligii ahaado,waana sababaha ugu badan ee raggu udhintaan,marka tuug oo dhan uu arko nin kaligii tukaan gadaya waxaa galaya hunguri ah in ay fududahay dhicitaankiisu,oo wax cid kale oo looga shakiyo in ay waardi tahay ayna carada joogin.

Taas waxaa kasii daran oo maalin kasta ishaadu qaban laba Soomaali ah oo gartooda loo fadhiyo,waxa ugu badan ee la isku qabsadaana waa labo Arimood oo kala ah:-

1-Dukaan laga agfuray Dukaan Kale:-

Waa garta ugu badan ee Soomaalida South Afrika dhextaala,meeshii ninku uu ku farxi lahaa walaalkiisa soo dagay ee wehelka uga noqon lahaa xagga nabad galyada,ka caawin lahaa xagga ciidanka,kana qaadan lahaa sarifka ayaa waxa uu ka fiirin dhanka xun oo ah in uu laqaybsanayo dadkii macmiilkiisa (customer ) ahaa,oo meeshaa iimaan la'aani kaga dhicdo,waana arin ay kasiman yihiin Soomaalida South Afrika,waxayna gabi haanba is dhinac mariyeen aayaadkii alle ee ahaa in aan ruuxna ruuxa kale irsiqiisa qaadanaynin,kaaga daranta meesha uu walaalkii udiidan yahay hadii uu soo dago nin kale oo aan Soomaali ahayni aabbo uma laha uu kula hadli karo,marar badan waxaa dhacda arin noocan oo kale ahi ay labo Soomaali ahi xaafadaha dhexdooda isku rasaaseeyaan oo dadku wadaniga ahi ay qaadan waayaan dadka walaalaha ah ee waxan yarka ah isku dilaya,markaasay dadku wada nacayaan oo la ogaanayaa in ayna dad jiraba ahayn.

Garta noocaas ah oo aad usoo noqnoqotay laguna kala dhintay xal kalena loo waayay ayaa gobolada qaarkood Soomaalida kunooli ay go'aansadeen in aan dib dambe loogalin gar noocaas ah,oo cid kasta meeshii ay ka gayn waydo ay dukaan kadhigato.

2-Labo shirko ahayd oo heshiin wayday:-

Soomaalidu inta aan arkay waa dadka ugu xun ee wax wadaaga ama shirkooba, waa dad asalkoodu baadiye ahaa,oo nin walba xoolohoodu ugu foofi jireen meel naq leh oo aan arkin kaleexo leh iyo sharci lagu dabbaalayo,ninkasta xoolihiisu waa ugooni waligiina nin kale wax iskuma ayna darsanin,dhaqankii noocaas ahaa ee kali noolaanshaha ahaa ayaa magaalooyinkiina lala yimid markaas ayaa dadka nin walba kaligii wax yeelanayaa oo meel cidla ah oo aan ciidan lahayn uu cadawgu kuhelaa,hadaba waxaa dhacda in labo ama sadex ay shirkoobaan,ha isu dhowadaan ama haba kala dheeraadaane,maddo markii ay isku caana maalaan waa qasab in laheshiin waayayo,markaas ayaa kii markii hore dukaankan shirkada lagu yahay soo helay uu go'aansadaa in isaga looga dareero dukaanka,kuwa baxayaana waxa ay xoogga saarayaan in mar hadii meesha laga saarayo ay kutagaan lacag dhabarjab kunoqon ninkii dukaanka isjeclaysiiyay,waxaa laga yaabaa in dhinacna uu tanaasuli waayo oo gartoodu bilo socoto,taasina marka dambe laga yaabo in ay dhaxalsiiso is la isu hub gurto amaba la isu adeegsado gaalo mad-madoow oo sacabbada wax ka maqla.

Anigu markaan darsayna waxa dadka isku sii kahribayaba waa garta odayaasha loo dhiibayo ee hadii lagu kala boxo sharciga wadanka la joogo, dhibabkani mayna soo nownoqdeen,ugu yaraan nin walba waxa uu ka baqi lahaa Lowyarka uu qabsanayo ee qaadanaya lacagta adag,waxaad dareemi in nin walba isagoo ushu meel uga go'an tahay in uu odayaasha galinayo gar uusan ku qanci doonin hadii guuldaradu xagiisa noqoto.

Sida ay hadda wax usocdaanna waxaa xaqiiqo ah in Soomalida dukaamada kuleh tuulooyinka ay kasoo wada bixi doonaan iyadoo ninna uusan haysanin wax fara qabsi ah,taas sababteedu waxa ay tahay maalin kasta dukaamada Soomaalida waxaa gata rag Bangladesh ah iyo kuwo Itoobiyaan ah,oo dukaankii aad shalay ku ogayd nin Soomaali ah ayaa barri waxaad uun ugu tagi nin Bangladesh ama Itoobiyaan ah.

Raga Bangladeshka ahi waxa ay ushirkoobayaan 10 nin ama 20 nin,intooduba waxa ay kawada shaqayn dukaanka mushaar yarna mid walba waa lasiin,kadib markay muddo 5 illaa 6 bilood ah joogaan ayaa waxa ay furayaan dukaan kale,waayo ciidankiisiina way hayaan lacagtii lagu furi lahaana way hayaan,deedna maalin kasta dukaan Soomali ah oo dariskooda ahaa ayay lawareegaan illaa Locationkii ay kaligood kunoqdaan oo maciishadda ay gadaan qiimihii ay doonaan,Itoobiyaanka ayaa iyguna noocaas ah oo tala wadaag leh,ninbaa utalin shaqaduna way uqaybsan tahay,gar tood ah oo lagali majirto,waayo meel gar laga gooyaba kama ayna imaanin,waana dad isu samra oo dhiiggoodu qabaw yahay,wada shaqaysigooduna waa Soomaalida Cagsigeed,waxay mideeyaan cududdooda,ciidankooda iyo fikirkooda,dadku markay sidaas noqdaan in ay wax helaan way dhacdaa.

Dhimashada ugu badan wadanka ee dad qaxooti ah loo gaysto waxaa ugu badan Soomaalida,boobka dukaamada lagu sameeyo ee ka dhaca tuulooyinkana 90 % waa Soomaalida,waayo markay tuulo yar oo qaadi lahayd 5 dukaan laga furo 25 dukaan,dadku inkasta oo dukaamada badan ay dantooda yihiin hadana dhinacaas kama fiirinayaan ee waxa ay fiirinayaan cudurkii ay qabeen ee ahaa in dhulkooda uu qaxootigu qaadanayo,ninkii wadaniga ahaa ee dukaanka yar lahaana hogaanka ayaa ugo'ay oo markaas waxa uu maleegaayi waa uun cadaawad kadhan ah Soomaalida.

Hadaan Tusaale usoo qaadano meel mageceeda layidhaahdo Jeffers pay oo Port Elizabeth dhinaca Cape town uga jirta 65 Km oo dukaamadii Soomaalida ahaa ee kuyaalay la boobay "Bishii January ee 2008 kii" ragga kumaada kulahaa waxaa kamid ahaa nin lahaa 3 dukaan iyo mid kale oo isnalahaa 3 dukaan,qaar kalena in ay jiraan waa laga yaabaa,dukaamadaas faraha badana nin walba mid mooyee inta kale dukaan muusan ugu talo galin ee waxa uu udhisay boos celin si aan qof kale oo Soomaali ahi uusan meeshaas usoo dagin,nimankaas oo kaliya ma aha ee dhamaan Soomaalidu waa wada qaabkaas.

Arinta kale ee Jita Wadanka dhexdiisa Soomaalidu marba gobol ayay uwada hayaamaan,nin dukaan fiican haysta ayaa waxaa laga yaabaa in nin kale uu lasoo hadlo oo uu kuyidhaahdo gobol hebel ayaan dukaan kahelay,isagoo aan midig iyo bidix fiirinin ayuu dukaankii iibin oo u wareegi gobolkii loo amaanay,markuu tago ee uu waayo wixii uu filayay ayaa waxa uu iska dagi meel dani kugu qabatay ah,oo laga yaabo in ay hoos uceliso,sanadkii 2000 kii illaa iyo 2004 kii waxaa lagu yaacayay Gobolka Eastern Cape, sanadkii 2005-2006 na waxaa lagu yaacayay gobolka Western Cape, sanadkii 2006-2008 na waxaa lagu sii qulqulayaa Gobolka Gauteng, Northwest, Lipombo iyo Mpulanga.

Gobolkii dhowr dil uu ka dhacana waa lawada nici,kii ninkii daganaa uu ku nabad qabayna intii la iska soo buuxiyo ayaa yool laga dhigi oo uusan nabadgalyo sii ahaanaynin.

Isku soo wada Duuboo "Halkudhag Soomaaliyeed ayaa ahaa Hebel Waylihii Horena wuu ubiyo la'yahay Kuwa kalena wa biyo barayaa" Soomaalidii South Africa Dukaamadii horena way la mashaqaysan yihiin kuwo kalena way furaayaan

Mukhtaar Gundid

gundid@gmail.com