WARARKA BARAAWEPOST Axad 16 decemBER 2007

WARQAD FURAN OO KU SOCOTA:

Ku, Salaadiinta  Qowmiyadda Aw Digil                      =Fadhigooda=

Og. Xildhibaada Beesha Tunni                                     = Baydhabo =

Og, Mujtamaca Reer Baraawe meel kastoo ay joogaan.

Ujeeddo. Faqi Saciid Faqi oo daad qaaday.

Inta aanan gudagalin mowduucayga, waxaan marka hore Salaadiinta Aw-Digil oo warqaddaan sida tooska ah ugu socoto, Xildhibaanada Beesha Tunni, Mujtamaca Reer Baraawe meel kastoo ay joogaan iyo akhristayaasha websitka baraawepost u caddeynaaya in warka ku saabsan “Caleemo saarka Suldaan Faqi Saciid Faqi” oo lagu daabacay bogga ay leedahay websitka Marka-caddey, taariikhdu markay ahayd 14/12/07, uu yahay mid aan waxba ka jirin, been abuurna ah, waxaana ka dambeeya oo soo abaabulay soona habeeyay  isla Faqi iyo Koox yar oo isugu bahaystay in ay carqaladeeyaan midnimada  Beesha Shangamaas, Toorre iyo Todoba Tol.

Waxyaabaha lagu qoslo ee ku  xusan warkaas, ayaa waxaa ka mid ah in caleemo saarka Faqi, lagu gaaray kadib markii wada tashiyo & wada xaajood badan dhexmaray siyaasiinta, odeyaasha, waxgaradka, dumarka, dhalinyarada, aqoonyahaanada iyo culumaa’udin ka soo jeeda Beesha Tunni ee ku kala nool waddanka gudihiisa iyo dibadiisaba, dabadeedna la isla wada gartey, lana  oggolaaday in Faqi uu buuxiyo “mansabka uu ka geeriyooday adeerkiisa marxuum Cumar Faqi Xaaji Awiisa, taasoo aan sal iyo baar toona lahayn.

Arrintaas in aysan jirin cid lala tashaday, ka warqabay amaba oggolaaday,  waxaa muujinaaya markhaatina ka ah, in qof kasta oo ka tirsan Bulshada Reer Baraawe, gaar ahaan  Shangamaas & Toorre, markuu websitka Markacaddey ku arkay warkaas iyo sawirka Faqi Saciid uu ku noqotay mucjiso, la yaab iyo amakaag.

Anigu  ma doonaayo in aan faallo ka bixiyo Faqi Saciid shaqsiyadiisa oo ah nin aan si wanaagsan u aqaano, waxa uu galo iyo waxa uu gudo, laakinse, arrintii uu ku dhaqaaqey kuna daabacay websitka, waa mid aan waafaqsanayn  Qaanuunka Ijtimaaciga, Diinta iyo Shuruucda Islaamka, isla markaana lid ku ah dhaqankeena suuban iyo caadooyinkeenaba, amuuraha hoos ku taxan awgood:

1.  Haddii mansabka Suldaanka Beesha Tunni  ay iska dhaxlayaan ookeliya “Reer Aw Faqi Xaaji Awiisa”,   maxaa keenay in uu Faqi Saciid uu dhaxlo adeerkiisa,iyadoo laogsoon yahay in uu nool yahay         “Cabdulle Faaqi Xaaji Awiisa”, sharci ahaan xaq u leh in uu dhaxlo“Maqaanka” ee uu aabihiisa ka     tegay;

2.  Sidoo kale waxaa jooga  “Maxamed Cumar Faqi” oo isagana qaanuun ahaan mudan yahay inuu      daboolo mansabka Suldaanimada ee uu aabihiis dhawaan uga dhintay, haddii adeerkiisa Cabdulle      Faqi uu diido inuu qabto hawshaas.

3.  Xageeba loo cuskaday in Faqi uu adeerkiisa dhaxlo, maadaama uu joogo wiil uu dhalay adeerkiisa      oo qaan-gaar ah, awoodna uleh in uu fuliyo hawshaas.

Haddaba waxaa ii muuqata in falkii ay ku dhaqaaqeen Faqi Saciid iyo xulufadiisa  yahay mid ku saleysan fidno abuurid oo aan ka marnayn: “kibir, yasid iyo liiditaan bani’aadanka”, kuwaasoo gebi ahaanba ka soo horjeeda Diinta Islaamka, waayo dulmi, kibir iwm. Waa xaqa oo la diido isu-bogid awgeed, iyadoo dadka kalena loo arkayo cid kaa liidata oo la yaso.

Walaal Faqi, haddii ay jirto Diin ku celiso, dadnimo ku celiso, isla markaana ay ku dhibeyso oo ay ku danqinayso kala qub qubka xigtadaada iyo qaraabadada, waad ku taagan tahay dhabbihii ku gaarsin lahaa foolxumadaas, maxaa yeelay adigoo  u xaqal taagayo oo keliya in aad huwato mansabka  Suldaanka Tunni, waxaad ilowday awaamiirta Eebbe na faray in aan ka fogaano “been abuur, musabid iwm.”, qur’aankiisa ku sheegay :”kuwa ku dhiba mu’miniinta (Rag & haweenba), waxayan kasbanin, waxay xambaarteen been abuurasho iyo dambi cad (suurat Axzaab, aayad 58).

Xasuusnow  Odeyaasha Dhaqanka ee awoodda u leh in ay go’aan ka gaaraan ciddii laga dhigi lahaa Suldaanka Beesha Tunni iyo Bulshadii la hoggaamin lahaaba ay ku sugan yihiin Waddanka gudihiisa, gaar ahaan Degmada Baraawe iyo nawaaxigeeda, sidaas awgeed, dadka qaxootinimo ugu nool qurbaha caleemo saarkood cilmi kuma fadhiyo.

Haddaba, waxaan ku leeyahay u soo laabo xikmada iyo caqliga, garawsona taariikhda iyo guddoonkeeda. Ka  Tobad keen  gefefka aad gashay, Bulshada Beesha Tunni iyo Odeyaasheedana cafis ka dalbo xad-gudubkii aad ku samaysay, isla markaana ogeysiiy in aad ka tanasushay arrinta ku saabsan dhaxalka suldaannimada. Ceel aanad ka biyo gaarayn lama qodo, taas waxaan ukla jeeda in ay mustaxiil tahay in aad noqoto Suldaan Tunni, mar haddii ay joogaan dhaxaltooyada Aw Faqi iyo Cumar Faqiba.

Bal haddana aan soo dharaan dhirino taariikhda Saldanada Beesha Tunni iyo maraaxilkii ay soo martay, kadib markii uu geeriyooday Suldaan Aw Faqi Xaaji Awiisa sabnnadku markuu ahaa 1949.

Waxaan ahay odey ku dhashay kuna barbaaray Degmada Baraawe, kuna abtirsada Beesha Tunni Shangamaas,anigoo xasuusan culayska ay leedahay aayadda Eebbe ay na farayso caddaaladda iyo xaqsoorka markii aynu wax ka sheegeeno axad kale, aayaddaas ah: “Haddaad hadlaysaan caddaalad fala, haba ahaato qofka dadka idin ku dhaw”(Suurat Al-Ancaam, aayad 152).

Suldaan Aw Faqi anigu ma arkin, hase yeeshee, hoggaamiintiisa iyo waxqabadkiisa taariikhda ayaan ku bartay. Odeyaasha aan si fiican u xasuusto, hoggaamintooda iyo kartidooda aan arkay dhammaantood waa ay geeriyoodeen Allah ha u naxriistee, waxayna kala ahaayeen: Xaaji Cumar Sheego,  Aw Munye Xaaji Cabdulqaadir, Xaaji Baytulla, Nuur Xajuuwa, Xaaji Cabdulqaadir iyo Xaajiyo.

Xilliga ay noolaayeen Odeyaasha kor ku xusan, ma jirin Suldaan, inkastoo Aw Munye Xaaji Cabdulqaadir  uu si gaar ah uga muuqan jiray bulshada dhexdeeda, Odeyaasha kalena si aad iyo aad u qaddiri jireen, go’aankiisa lagama hor imaan jirin, shirarka qaarkooda keligiis ayaa matili jiray Shangamaas, Toorre & Todoba Tol.

Weligeey qofna kama maqlin isagoo ka hadlayay mansabkii uu ka geeriyooday Aw Faqi. Sidoo kale ilmaha Aw Faqi iskuma shidayn in ay raadiyaan ama dhaxal ahaan ka doodaan maqaanka aabahooda, sidaas awgood mansabka  Suldaanka Tunni uu  dhaxda ka baxay.

Sannadku markuu ahaa 1987 waxaa soo baraarugay Xaydar Suufi Munye, isagoo la kaashaday Odeyaasha Dhaqanka, Siyaasiinta, Waxgaradka  iyo Indheergato ka soo jeeda Beesha Tunni, waxay xiriir la sameeyeen Madaxda Dowladda Kacaanka waxayna ku guulaysteen in ay dib u soo celiyaan mansabka Beesha Tunnida uga maqnaa  39 sano xilkasnimo la’aan iyo is-xilqaamin la’aan, kadibna Dowladda Kacaanka iyadoo tixgelinayso soo jeedintii Odeyaasha Dhaqanka ee Shangamaas, Toorre iyo Toba Tol, waxay Xaydar Suufi loo magacaaway Suldaanka Beesha Tunni, Toorre iyo Todoba Tol.

Waxaan xasuusta in xafladda caleemo saarka Suldaan Xaydar Suufi lagu qabtay Tuulada Kuunyo-barow waxaanA goob jog ka ahaaAkhwaan Cabdulle”, oo u duceeyay Suldaanka, bulshadana ku booriyay in ay ka dambeeyaan Suldaan Xaydar, awaamiirtiisana ay fuliyaan.

Suldaan Xaydar Suufi oo hadda ku sugan Waddanka  U.S.A. weli wuu huwan yahay mansabka Suldaanka Tunni, waana lagu ixtiraama laguna qaddariya,  waajibadkiisuna wuu guta, xiriir toos ahna wuxuu la leeyahay Odeyaasha Dhaqanka kuwii Baraawa jooga iyo kuwii Baadiyaha ku suganba.

Shirkii dib u heshisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay Jabuuti, waxaa lagu casumay  Odeyaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan Salaadiinta Todoba Aw Digil oo dhulkooda  lagu gorgortamayay,sidaas darted, maadaama Suldaan Xaydar Suufi, waddanka ka maqnaa, waxaa la gartay in shirkaas loo diro Cumar Faqi  oo u matilo Beesha Tunni, sidaas ayaana loogu qoray in uu Suldaan u yahay Beesha Tunni.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Odey ahaan waxaan cambaaraynaaya dhammaan dadkii ku booriyay,  Koofiyad madax u saaray iyo  camaamad garabka u saaray Faqi Saciid, kadibna websitka ku qoreen in aqlabiyad iyo taageero Faqi ka helay shacbiga ka tirsan Tunni ha ahaatee kuwa Dalka ku nool iyo Dibedaba ku sugan, taasoo aan waxba ka jirin oo been iyo masabid ah.

Allow aqoon darro ha nagu cadaabin, eexna ha nagu cafin ayay xeer beegtida soomalida garsoorka ka bilowda, taasna waxaan ula jeedaa haddii ay soo baxaan dad dhibsada shekada xambaarsan dhambaalkan, waxaan leeyahay eex iyo ayidaad igama aha ee waxay ila noqotay in aan sheego wixii aan ka ogahay maraaxilka ay soo martay Saldanada Tunni Shangamaas Aw Faqi kadib.

Waa Billaahi Towfiiq

W/Q. Nuur Maxamed  Cali (Nuurow)