WARARKA BARAAWEPOST Isniin 17 decemBER 2007

WARQAD FURAN OO KU SOCOTO BEELAHA AW-DIGIL

Ujeeddo: Qofkii dulmiga dan mooda waa qof adduun & aakhiroba ku eedeysan.

Waxaan qoraalkan kooban ugu tala galay in aan uga hiiliyo walaalkey Faqi Saciid iyo koox wax-magarata ah oo dulmiga wada in ay ka waantoobaan gardarrada, musuq-maasuqa, been abuurka iyo musabidkaba, maxaa yeelay, sifooyinkaas dhammaantood Nebigeena Suuban (scw) wuu nagula dar-daarmay in aan ka fogaano,

Waxaan aad ula yaabey markii aan akhriyey beenta iyo khuraafaadka lagu daabacay Websitka Markacaddey, taariikhdu markay ahayd 14 bisha aynu ku jirno oo la xiriira Caleemo saarka Faqi Saciid oo loo nisbeeyay in uu dhaxlay Mansabka Suldaanka  Beesha Tunni oo aabahey Suldan Cumar Faqi uu ka tegay, iyadoo saldhig looga dhigay in aqlabiyad iyo taageeroba laga  helay Odeyaasha Dhaqanka, Siyaasiinta, Waxgaradka, Dhalinyarada, Dumarka iyo Culumaa’udiin  u dhashay Beesha Tunni & Toore ee  ku kala nool Waddanka Gudihiisa & Dibadiisaba.

Wararka iyo sawirada lagu soo bandhigay Websitka waxba kama jiraan haba yaraatee, mana jirto cid lagala tashaday ama loo bandhigay mashruucaas, waxaana daliil u ah anigoo ah dhaxaltooyada Suldaan Cumar Faqi, kuna sugan Columbus, Ohio oo ah Magaalada uu deggan yahay Faqi Saciid iyo asxaabtiisa, in la iga qariyey qorshaha Caleemo saarka, xitaa la ima qaddarin in aan ka mid ahay “Reer Aw Faqi”, iyadoo aysan jirin cid iga xigta in aan dhaxlo xilkii uu aabahey ka dhintay iyo ayagoo ogsoon in Faqi uusan dhaxli karin ama marooqsan karin xuquuq uusan si sharci ah ku mutaysan.

Haddaba, falalka iyo qaladaadka uu sida bareerka iyo ula-kaca u sameeyay Faqi isagoo ka shidaal qaadanaayo shakhsiyaad ujeedo gurracan ka leh arrinta iyada ah, gaar ahaan in ay khilaaf iyo tafaraaruqa ka abuuraan dad walaalo ah dhexdooda si ay danahooda u fuliyaan, nin xilkas ah oo xishoonaaya, isla markaana caqli iyo cilmi u leh ficilada u sameynayo, marna kuma kaceen arrimahaas  oo kale, kuwaas oo dhaawacaya sharaftooda iyo karaamadooda, ciqaab iyo carro Ilaahna ku muteysan doona.

Sida runta ah, weli ma fahmin sababta ku kallifay Faqi iyo xulufadiisa inay  dedejiyaan mashruucooda, mujtamacana ay been u sheegaan, ayagoo ogsoon in beentu iwm. Ahba ay xaaraan tahay lagu hadlo, qofkiisana uu “lacnad Eebbe ku dhacaayo

Haddii aan dib ugu noqdo sheekada mansabka Suldaanka Beesha Tunni, qofkii buuxin lahaa waa iska cad yahay, waxaa la raaci doona wixii  Qaanuunka iyo Diinteena waafaqsan iyo go’aanka Odeyaasha Dhaqanka ee Tunni Baraawe iyo Baadiyaba ku sugan. Dhaxalka mudnaanta koowaad  waxaa iska leh adeerkey Xaaji Cabdulle Suldaan Faqi, haddii uusan diyaar u ahayn xilkaas, aniga ayaa ku xiga oo xaq u leh, maadaama Saldanada uu aabahey uu dhawaan uga dhintey.

Ugu dambeyn waxaan walaalkey Faqi xusuusinayaa in Nabigeena SCW yiri: Qofkiin mu’min noqon mayo jeer uu walaalkiis Islaamka la jeclaado waxa uu naftiisa la jecel yahay, sidaas darted, mansabka Suldaanka Tunni, adiga keligaa ha isku dhejinin ee adeerka iyo anigaba na qaddari.

Waxaan dadweynaha caddaaladda iyo sinaanta jecel, walaalaheena ku abtirsada Todobada Aw Digil, bulshada Shangamaas, Toore iyo Todoba Tol, kaga tacsiyenaynaa qaladaadkaasi dhacay uu ahaa mid ula kac ay sameeyeen dad maangaab (mansabad doon iyo qaswadayaal), naga raalli ahaada, waxaadna ka dhigtaan wax aan ka soo qaad lahayn celeemo saarka  dhalanteedka ah ee uu Faqi Saciid ku hungoobey.

Wa Billaahi Towfiiq.

Dr. Maxamed Cumar Suldaan Faqi

     yuu_faqi@hotmail.com