WARARKA BARAAWEPOST Arbaco 10 february 2010
Xaflad aad u ballaaran oo lagu qabtay mid ka mid ah maraakiibta shirkadda SHIFCo korkiisa ayaa shalay lagu qabtay magaalada dekedda ah ee Cadan. Xafladdaasayaa ahayd munaasabad si rasmi ah ay xukuumadda Yemen ugu wareejineysay wafdi ka socday dowladda Somalia oo uu horkacayay ku xigeenka raiisal wasaaraha isla markaana ah wasiirka kalluumeysaiga iyo qeyraadka badda Prof Ibbi.
Munaasabaddaas oo ahayd mid si heersare loo soo agaasimay ayaa waxaa halkaas hadalo ka jeediyay Maareeyaha guud ee shirkadda kalluumeysiga soomaaliyeed ee SHIFCO mudane Ibarahim Cabdulqaadir Cumar ”Ibrahim Tunni” kaasoo warbixin ku saabsan xaaladda ay ku sugan yihiin maraakiibtaas siiyay wafuuddii ka kala socotay dowladda Yemen iyo DFKMG.
Mudane Ibrahim Tunni kadib waxaa iyana halkaa ka hadlay wasiirka kalluumeysiga iyo kan hantida qaranka ee DFKMG danjireyaasha dowladaha Yemen iyo Somalia u kala fadhiya Muqdisho iyo sanca , qaar ka mid ahshaqaalaha shirkadda iyo marti sharaf kale.
Maraakiibta lagu wareejiyay DFKM oo ah afar markaab ayaa waxay kala yihiin Cismaan geeddi Raage, faarax Oomaar, 21 ka oktober ( three and four). Xaaladda M/Muqdisho oo maanta deggan Xasilloni yar oo aan laysku hallayn karin ayaa maanta ka jirta magaalada Muqdisho iyadoo dhinacayada ka soo hojeeda DFKMG ay ku jiraan hub urursi iyo diyaargaroow xooggan waxaana habeenkii xalay ahaa gobolada koonfurta kaga beeggan magaalada Muqdisho ka yimid ciidamo aad u fara badan kuwasoo ka soo gudbay dhinaca ceelasha biyaha. Sidoo kale DFKMG ee Soomaliya ayaa wada diyaargaroow xooggan iyadoo gawaarida dagaalakana kala wareegtay ganacsatada badeecooyinka kala soo dega Dekedda Muqdisho waxaana Muqdisho ka soo muuqato saanaan colaaded oo xooggan.
Ciidamada Ahlusuna oo xabsiga u taxaabay dad ay ka shakiyeen Ciidamo ka tirsan ururka Ahluunaa wajamaaca ee ka howlgala magaalada Caabudwaaq oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa xabsiga u taxaabay dad lagu eedeeyey in ay wadeen hawlo looga soo horjeedo maamulka Ahlusuna wajamaaca. Dadka la xiray ayaa waxa ay tiradoodu gaareysaa illaa iyo sideed iyo toban ruux kuwaasoo sida la sheegay faraha kula jiray arrimo wax u dhimi kara amaanka gobolada dhexe oo ay ka arimiyaan Ahlusuna. Afhayeenka Ahlusuna ayaa sheegay in dadkaasi la horkeeni doono sharciga lana waafajin doono shareecada islaamka. Ma aha markii ugu hooreeysay oo ay ciidamadu gacanta ku soo dhigaan waxayna kol hore gacanta ku soo dhigeen dad sitay waxyaabaha qarxa. Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com |