WARARKA BARAAWEPOST Jimce 12 february 2010 

 

 

Labo ruux oo mid uu yahay nabadoon caan ah oo lagu dilay degmada Afgooye

 

Waxaa habeenkiii xalay ahaa lagu dilay degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka sh/hoose laba ruux oo midkood uu yahay nabadoon caan ka ah gudaha degmada Afgooye.


Dilkaasi ayaa waxaa geeystay kooxo hubeeysan oo aan la ogeeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen, waxaana goobti uu dilku ka dhacay durbadiiba soo gaaray ciidamo ka tirsan xizbul islaam kuwaasoo ku guul dareeystay in ay gacanta ku soo dhigaan kooxahaasi dilka geystay.


Falkan dilka ah waxaa si weyn uga xumaaday dadka ku dhaqan degmada Afgooye.

 

Dagaalo iyo duqeymo ka dhacay saaka qaybo ka mid ah gobolka Banaadir

 

waxaa saakay aroornimadii degmooyinka gobolka Banaadir ee ay ka mid yihiin kaaraan , yaaqshiid iyo shibis ka dhacay Duqeeymo xooggan kuwaasoo geeystatay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawacba.
Sida ay sheegeen darawalada gaadiidka gurmadka (Ampulance) waxay arkeen lix ruux oo meyd ahi, waxaana dhaawaca soo gaaray tiro kale waloow inta badan xaafadahaasi laga qaxay oo ay joogeen dad yar oo fara ku tiris ah.

 

Duqeynta kadib waxaa halkaas ka dhacay dagaalo goos goos ah oo dhex maray ciidamada DFKMG iyo kooxaha ka soo horjeeda.
Guud ahaan dagaaladani ayaa u muuqda kuwa biloow ah iyadoo dhinacyada dagaalamaya ay ku jiraan diyaargaroow xooggan.

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com