WARARKA BARAAWEPOST sabti 11 may 2013 

 

 

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Saacid oo kulan la qaatay shalay saraakiisha sare ee ciidanka iyo xaflad xil wareejin iyo sagootin isku jirta oo haatan ka socota Akademiyada Gen Kaahiye

Taliyaha cusub ee ciidamada Booliska Gen.C/xakiin Daahir Saciid(Saacid) ayaa shalay kormeer ku tagey xarunta taliska ciidan Booliska Soomaaliyee (Commando di Polizia) isagoo halkaa kulan la qaatay saraakiisha sare ee ciidamada booliska kuwaasoo isugu jiray madaxda hogaanada.kala duwan ee uu ka kooban yahay ciidanka,taliyeyaasha Qeybaha iyo taliyeyaasha saldhigyada booliska ee gobolka Banaadir. Waxaana kulankaas goobjoog ka ahaa taliyihii hore ee Booliska S/gaas Shariif Sheekhuna Maye iyo agaasimaha cusub ee hayadda nabadsugidda qaranka soomaaliyeed Gen BAshiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe)

 

Taliyaha ayaa intii uusan kulanku bilaaban waxa uu ku soo wareegay qeybaha ay ka koobantahay xaruntaasi waxaana xog wareysi kadib ay kala saxiixdeen isaga iyo taliyihii hore dokumentigii ay xilka kula kala wareegayeen, iyadoo uu taliyaha hore uu sheegay inuu soo dhoweynayo lana sahqeyn doono taliyaha cusub.

Sidoo kale waxaa haatan ka socota xarunta dugsiga tababarka ciidanka booliska soomaaliyeed ee Muqdisho xaflad ay ka qayb galayaan Raiisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliye iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha taasoo isugu jirta soo dhoweynta taliyaha cusub iyo sagootinta taliyihii hore ee ciidanka booliska soomaaliyeed. Raiisal wasaare oo munaasabadaas hadal kooban ka jeediyay ayaa ku amaanay taliyihii hore sidii dhabar adayga iyo muwaaddinimada ahayd ee uu ugu adeegay qarankiisa, wuxuuna sheegay in Gen Sheekhuna uusan waxba ka hagran shacabkiisa oo uu har iyo habeen mar walba oo loo baahan yahay iyo meel walba oo looga baahan yahayba uu taagnaa.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa isna sheegay in Gen Sheekhuna uu muujiyay intii uu xilka hayay karti iyo awood badan . Sidoo kale taliyihii hore ee ciidanka Booliska ayaa munaasabaddaas ka sheegay inuu weligii intii uu garaadsaday uu ahaa askari ka mid ah ciidanka Booliska Soomaaliyeed isla markaana inta noloshiisa ka dhiman uu kasii tirsanaan doono ciidankaas diyaarna uu u yahay in wax alaale iyo wixii karaankiisa ah oo wada shaqayn ah uu gacan ugu fidiyo taliyaha cusub.

S/gaas Shariif Sheekhuna taliyihii hore ee ciidanka booliska ayaa sheegay in xilka hayntiisa iyo u adeegidda qaranka ay la mid tahay sida ka qayb galka tartanka orodka ee qori isu dhiibka oo ninba mnarka doorkiisa la soo gaaro uu halkaas howsha ka soo amabaqaadayo kii horena mrakii uu soo gaarsiiyo meeshii loogu talagalay uu waajibka ku wareejinayo qofka ku xiga

Gen Saacid taliyaha cusub ee ciidanka booliska ayaa isna dhankiisa qiray waxqabadkii Gen Sheekhuna wuxuuna ballaanqaaday inuu asna intii karaankkiisa ah uu howsha uu bilaabay taliyahii ka horeeyay uu halkeeda kasii wadi doono. 

 

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com