WARARKA BARAAWEPOST sabti 11 may 2013 

 

 

Raiisal wasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha o oka qayb galay xafladdii xilwareejinta taliyaha ciidanka boliiska isla markaana bilad sharaf guddoonsiiyay taliyihii hore ee CBS S/gaas Shariif Sheekhuna

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ay weheliyaan guddoomiyaha Maxkamada Sare Caydiid Ilka Xanaf iyo Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa ka qeyb-galay munaasabadda xil-wareejinta taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Cabdixakiim Dahir Saciid (Gen. Saacid) uu xilka kagala wareegayay taliyihii hore ee ciidanka boliiska soomaaliyeed S/gaas Shariif Sheekhuna Maye.

 

Munaasabadan oo ay sidoo kale ka soo qayb galeen taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida, mudaneyaal ka tirsan Baarlamanka iyo saraakiil kale, ayaa waxaa intii ay socotay Riwaayado iyo heeso ka tarjumaya waxqabadka ciidanka Booliska ku soo bandhigay kooxda Heegan ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed.


Raiisal wasaaraha oo halkaas hadalo ka jeediyaya ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaalada ay xukuumaddiisu ugu jirto sugida amniga iyo isbeddelka cusub ee uu ku doonayo inuu ku sameeyo qaybaha kala duwan ee ciidamada

Gen. Sharif Sheekhuna ayaa lisagu qabtay xilka taliyaha ciidamada booliska soomaaliyeed bishii march ee sannadkii 2011 waxaana lagu amaanay inuu qeyb weyn ka qaatay dib-u dhiska ciidanka oo muddadii uu hayay xilka taliyenimada  uu saddex jibaarmay ciidanka boolisku tiro ahaan.

Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed General Shariif  Shiikhuna Maye oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in intii uu xilkan hayay ay wax badan u qabsoomeen isagoo ka sheekeeyay caqabadihii ay la kulmeen iyo marxaladaha  adkaa oo ay ka soo gudbeen, wuxuuna sidoo kale sheegay in loo baahan yahay qorshe sare loogu qaadayo tayada iyo tirada ciidanka si loo gaarsiiyo shaqaada ciidanka wadanka oo dhan arrintaas oo ahayd arrimhii uu sida aadka ah uga shaqeeyay taasoo qeyb ahaan uu ku guuleystay wax badana ay ka dhiman tahay.

Gen Sheekhuna ayaa yiri waxaan soo dhaweynayaa taliyaha cusub ee CBS, waxaana u rajaynayaa in Illaahay u fududeeyo masuuliyada weyn ee uu qaaday oo ah mid aan sahlanayn. Waxaan kula dardaarmayaa inuu ka hawl-galo kordhinta tirada ciidanka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayo ahaan,” wuxuuna Gen Sheekhuna sidoo kale ku amaanay ciidanka booliska sida ay naftooda ugu huraan sugida amaanka dalka iyo difaaca xuquuda shacbiga Soomaaliyeed.



Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa mahad gooni ah u soo jeediyay Gen. Sharif Sheekhuna oo uu ku amaanay wada-shaqeyntii ay lahaayeen lixdii bilood ee la soo dhaafay, wuxuuna si aad ah
ugu bogaadiyay howshii uu qabtay taliyihii hore waxaana shahaado sharaf muujineysa waxqabadkii S/Gaas Shariif Sheekhuna oo ay wasaaradda arrimaha guduhu ugu talagashay halkaa ku guddoonsiiyay R/wasaaraha Soomaaliya.

        
Gen. Saacid ayaa sheegay inuu  mudnaanta kowaad siinayo daryeelka ciidanka iyo inuu cadaalad u sameeyo isla markaana ay muhiim tahay in askariga lagu aaminayo masuuliyada illaalinta sharciga iyo amniga inuu xaqiisa helo.

Taliyihii hore ee ciidanka Booliska ayaa ugu danbeyn gudoonsiiyay taliyaha cusub calanka ciidanka iyo Koobab ay ku guuleysteen ciyaartooyda ciidanka Booliska.

 

 

 

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com