WARARKA BARAAWEPOST jimce 12 july 2013 

 

 

 

War deg deg ah: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay agagaarka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

 

MAnaata duhurnimadii xilli lagu jiray tukashada salaadda Jimce ayaa waxaa qarrax xooggan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa isla markaana lasoo dhigay waddada dhinaceeda waxa uu ka dhacay agagaarka xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho.

Warar aan ka hgeleyno goobta uu qarraxu ka dhacay ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaasi uu ka dhacay meel dhowr mitir u jirta xarunta UNDP  halkaasoo ah goobtii bishii hore uu ka dhacay qaraxii lagu hoobtay iyo weeraradii tooska ahaa.

Lama oga cidda sida rasmiga ah loola eegtay weerarkaasi laakiinse sida wararku sheegayaan wxaa halkaasi ay ka soo gaartay dad shacab ah oo waddada marayay.

Qaraxaan ayaa sidoo kale sida wararku sheegayaan waxaa ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM.

Majirto wali cid shegatay masuuliyada weerarkaani waxa uuna imaanayaa xilli afhayeenka dagaalada ee kooxda Shabaab uu shaaciyay saacado ka hor in inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan ay dagaalayahanada ururkiisu sii kordhinayaan weerarada.

 

 

Dowlada Somalia oo qorsheyneysa in ay la wareegto Isbitaal Madiina

 

Dowlada federal-ka Soomaaliya ayaa waayihii danbe waxa ay dadaal xooggan ugu jirtay qaabkii ay gacanteeda ugu soo celin laheyd maamulka Isbitaalka Police-ka Soomaaliyeed ee Madiina kaas oo gacanteeda ka baxay wixii ka danbeeyay fowdadii dalka hareysay.

Dowlada Soomaaliya gaar ahaan taliska Police-ka ayaa waxa ay ka dalbadeen agaasimaha isbitaal Madiina, Maxamed Yuusuf, in uu qeybta Madaxda ee Isbitaalka uu dowlada kusoo wareejiyo si dhaawacyada dowlada loogu daweeyo oo ay u noqoto qeyb dowlada u gaar ah arintaas oo dowladu ay uga gol laheyd in ay maamulka Isbitaalka wax ugu yeelato si mustaqbalka guud ahaanba ay ula wareegto .

Taliyihii hore ee Police-ka Soomaaliyeed, Shariif Sheekhunaa Maye oo bilaabay qorshaha Isbitaalka Madiina dowladu kula wareegeyso ayaa waxa uu ku guuleestay in uu isbitaalka irirdiisa ka suro astaanta Police-ka Soomaaliyeed xilli uu aad uga soo horjeeday arrintaas maamulka isbitaalkaasi.

 

 

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com