WARARKA BARAAWEPOST talaado 12 march 2013 

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wafdi Balaaran oo uu horkacayo oo u duulay waddanka Saudi Arabia si ay uga qaybgalaan shirka wasiirada arrimaha gudaha ee jaamacadda carabta

 

 

Waxaa saakay ka ambabaxay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho wafdi ballaaran oo uu horkacayay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wafiga uu horkacayay wasiirka ayaa waxaa ka mid ahaa taliyaha ciidanka booliska federaalka Soomaaliyeed S/gaas Dr Shariif Sheekhuna Maye, iyagoona u kicitimay magaalada Riyaad ee caaasimadda waddanka boqortooyada Sacuudi caraabiya halkaasoo maalinta berri ah uu ka furmi doono shir sanadeedkii wasiirada arrimaha gudaha ee dalalaka ku jira ururka jaamacadda carabta.

  

Ka qaybgalka ay dowladda soomaaliya ka qaybgalayso shirkan ayaa u nqoqonaya shirkii ugu horeeyay ee ay Soomaaliya ka qaybgasho muddo labaatan sanno kadib iyadoo ah dowlad buuxda oo caalamku aqoonsana yahay ah kana baxday xilligii ku meel gaarnimada ahayd.

 

 

Shirka berri furmaya ayaa sida wararku sheegayaan ajendayaasha looga hadlayo waxaa ka mid noqonaya sidii dalalaka ku mideysan ururka jaamacadda carabtu ay taageero dhan walba ugu fidin lahaayeen dib u dhiska hayadaha amniga ee dalka Soomaaliya iyadoo wasiirka arrimaha gudaha iyo taliyaha ciidanka booliskuba ay halkaas sharaxaad ka siin doonaan ka qayb galayaasha baahidooda. Sidoo kale arrimaha kale ee shirkaas looga hadlayo waxaa ka mid noqon doona sidii ay waddamada ku jira ururka jaamacadda ay wada shaqayn buuxda uga yeelan lahaayeen dhanka sugidda amniga iyo ka hortagga dambiyada.

 

Taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed S/gaas Dr Shariif Sheekhuna Maye ayaa intii uusan ka ambabixin magaalada Muqdisho saakay kulan gaar ah kula qaatay xarunta taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ”Commando Polizia” saraakiisha sare ee ciidanka booliska soomaaliyeed halkaasoo uu taliyuhu uga jeediyay saraakiishaas hadalo isugu jira guubaabo iyo dardaaran isagoona kula ballamay saraakiishaas in ay howlahooda u gutaan si hagar la´ aan ah isla markaana la dardargeliyo howlaha lagu sugayo amniga caasimadda Muqdisho iyo goobaha kale ee ku jira gacanta dowladda.

 

Ugu dambeyntii waxaa uu taliyuhu sheegay in muddada uu dalka ka maqan yahay uu sii hayn doono xilka ku simaha taliyaha ciidanka boolsiak federaalka soomaaliyeed S/guuto Axmed Dayib ”Dhega caleen” oo ah taliyaha dugsiga sare ee tababarka booliska ee magaalada Muqdisho ”Akadeemiyada Generaal Kaahiye 

 

 

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com