WARARKA BARAAWEPOST Khamiis 13 december 2012 

 

 

RaŽiisal wasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya oo ku dhawaaqay maanta magacyada wasiir ku xigeenada iyo wasiir u dowleyaasha

 

Kulan ay maanta isugu yimaadeen golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoominayay raiisal wasaaraha xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa loogu dhawaaqay magacyada masuuliyiinta noqonaya wasiirro ku xigeenada iyo wasiiru dowleyaasha xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka maanta ka dhacay xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu soo dhameystiray intii ka dhineyd dhismaha xubnaha golaha wasiiradda Soomaaliya.

Shirka maanta ay yeesheen wasiirrada Soomaaliya oo ah mid todobaadle ah ayaa waxaa ka qeyb galay dhamaan wasiiradda Soomaaliya waxaana intii uu socday waxaa R/wasaaraha Soomaaliya uu ku dhawaaqay magacyada 20 wasiir ku xigeen iyo shan wasiiru dowleyaal waxayna kala yihiin:

 

Magacyada Wasiir ku xigeenada

1-Eng Maxamed Aadan Axmed  Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha Dibada

2 Jamaal Axmed Barrow Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibada

3 Xasan Ibraahim Maxamed Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha

4 Jaamac Axmed Maxamed Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha

5 Maxamed Xasan Aadan Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda

6 Abuukar Xasan Cali Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda

7 Bashiir Maxamed jaamac Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada

8 Maxamuud Macalin Yaxye Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada

9 Fahmo Axmed Nuur Wasiir ku xigeenka wasaaradda caddalada awqaafta iyo arrimaha diinta

10 Xasan Maxamed Jimcaale Wasiir ku xigeenka wasaaradda caddalada awqaafta iyo arrimaha diinta

11 Nadiifo Maxamed Cusmaan Wasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud gaadiidka iyo dib u dhiska

12 Cali Sheekh Maxamed Wasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud ,gaadiika iyo dib u dhiska

13 Siciido Xasan Cusmaan Wasiir ku xigeenka wasaaradda Qeyraadka

14 C/raxmaan Maxamed Geedi Wasiir ku xigeenka wasaaradda Qeyraadka

15 Axmed Maxamed Maxamuud Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhiga.

16 C/raxman kulmiye Xirsi Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaasgaandhiga

17 C/qadir Sheekh Ismaacil Wasiir ku xigeenka wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha

18 Maxamed Cali Xagaa Wasiir ku xigeenka wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha

19 C/shakuur Cali Mire Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo isgaarsiinta

20 Ibraahim Isaaq Yaroow Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo isgaarsiinta.

Magacyada Wasiir u dowleyaasha

1-Cabdi Faarax  Cabduqadir  Wasiir u dowladaha madaxtooyada

2-Dr  Maxamed  Nuur Gacal Wasiir u dowladaha wasaaradda arrimaha dibada

3-Mahdi Maxamuud Cali Wasiir u dowladaha wasaaradda arrimaha gudaha

4-Maxamed Rashiid Sheekh Daahir Wasiir u dowladaha wasaaradda Maaliyada

5-Maxamuud Ismaaciil Barqadle Wasiir u dowladaha wasaaradda Horumarinta Iyo Adeega Bulshada

 

 

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com