Magaalada Beledweyn oo maanta ay xasillooni yar ka jirto
Xaalad deganaansho oo aan sidaas usii weyneyn ayaa saaka ka jirtay magaalada B/weyn ee xarunta gobolka Hiiraan , ka dib markii ay ku hardameen kooxaha xizbul islaam iyo kooxo taageersan ciidamada AHLUSUNAA iyo ciidamo ku abtirsada DFKMG ee soomaaliya.
Dagaaladaasi oo inta badan laysu adeegsaday madaafiicda loo yaqaaaano hoobiyaha ayaa sababatay in dad badan ay ku nafwaayaan iyadoo magaalada B/weyn uu ka dhacay barakicii ugu balaarnaa, waxaana ku dhinatay sedexdii maalmood ay dagaladu socdeen dad lagu qiyaasay 25ruux oo ay kujiraan dad rayid ahi iyo dhinacyada dagaalada ay dhexmarayaan iyadoow dhaawac fara badan lagu daweeynayo cisbitaalka magaalada B/weyn.
Guud ahaan waraka aya sheegay in mar mar lays weydaarsanaayo madaafiicda hoobiyha goobaha ay isku horfadhiyaan labada garab taasoo sababatay in uu hakad ku yimaado isu socdka gaadiidka iyo dadkaba.
DFKMG oo si weyn u canbaareysay hadalkii ka soo yeeray dhowan xarakada Alshabaab
Wasiirka madaxtooyada DFKMG ee somaaliya oo shir jaraaid ku qabtay qasriga madaxtooyada ee villa soomaaliya M/Muqdisho ayaa sheegay in wax laga xumaado uu yahay hadalkii ka soo yeeray Afhayeenka xarakada alshabaab oo sheegay in madaxtooyada ay ku sugan yihiin hayado wax qarxiya iyo kuwa xasuuq geeysata oo ka yimid dalal dibadda ahi gaar wadamo Afrikaan ah.
Sidoo kale ayuu afhayeenku shirkiisa jaraaid ku sheegay in dad soomaliya oo wax ma garad ahi ay soo hoggaamiyeen dad ajaanib ah kuwaasoo aanan shacabka soomaaliyeed il naxariis leh ku eegeeynin islamarkaana ay abuuraan waxyaabaha qarxa iyo gumaadka lagu hayo shacabka,in DFMG ay tahay mid shacabka u adeegta islamarkaana ay u heegan yihiin samata bixinta shacabka soomaaliyeed,
shirkaasi jaraaid ee uu qabtay wasiirka madaxtooyada oo ay ka qayb galeen warbaahinta qaybaheeda kala duwan ayaa uu ku sheegay in Dowladda soomaaliya ay ku mashquulsan tahay sidii shacabka soomaaliyeed looga qaadi lahaa dhibka islamarkaana xilli dhow ay arki doonaan wax dadku ay ku farxaan .