WARARKA BARAAWEPOST kihamiis 14 february 2013 

 

 

 Xaflad Soo Dhoweyn ah oo Jaaliyadda Manchester u samaysay Xildhiban Injineer Ibrahim Cali Cumar Shegow

Jaaliyadda Manchester ,UK ayaa ku casumtay Xildhiban Ing Ibrahim Cali Cumar Shegow Xaflad aad u qurux badan oo si wanaagsan loo agaasimay. Dulucda Xafladda ayaa ahayd soo dhaweyn iyo mahadcelin loo jediyay Barlamanka iyo xukumada iyo qaabka ay u dhacday dhisiddii Baarlamaanka iyo doorashadii Madaxweynaha iyo magacaabista Prime Ministerka .

Sidoo kale, Jaaliyadda ayaa ka dalbatay in Xildhiban Ing Ibrahim Cali Cumar Shegow uu warbixin ka siiyo xaaladda guud ee dalka Soomaaliya

Xafladda ayaa ku bilaabantay qur’aanka kariimka iyo qaar ka mid ah kasoo qaybgalayaasha xafladda oo ka jeediyay halkaa hadalo ku aaddan talooyin iyo dardaaran ku socda Barlamanka iyo Xukumada Somaliya

   

Odayaasha madasha ka hadlay waxaa ka mid ahaa

·                                    Sheck Abdibasiid

·                                    S/Guto Hashi Musse

·                                    Dr.Abdurahman M. Jamac

·                                    Nabadoon Habiib Mahamed Mahamuud

·                                    Dr.Ahmed Hassan Ahmed

·                                    Mahamed Mungani

·                                    Mudane Mahamud Geesey

·                                    Cali Ugaas

Dhamaan ayagoo ka tarjumaya dareenka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Manchester ayey Xildhiban Ibrahim iyo barlamanka ku amaaneen howshii qaran ee ay dalka iyo dadka u qabteen wakhtigii koobnaa ee ay dowladdu jirtay

Ugu Dambeyntii, Xildhibaan Injineer Ibrahim Cali Cumar Sheegow ayaa khudbadiisii u istaagay asagoo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Manchester ku booriyay iney meel iska dhigaan qabyaaladda oo uu sheegay iney Soomaaliya dumisay isla markaana ay abuurtay kala tag iyo is aamin la’aan soo kala dhexgashay bulshada Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa ku nuuxnuuxsaday sida loogu baahanyahay in shacabka Soomaaliyeed ay daruus ka bartaan ku dhaqanka qabyaadalada oo uu sheegay in la arkay waxyaabaha laga dhaxlay.

Xildhiban Ibrahim ayaa tilmaamay in Soomaalida ay la gudboontahay iney ka waantoobaan qabiilka una guntadaan qaranimada Soomaaliya”Soomaaliya wey liidataa mana na caawineyso inaan faraha isku taag taagno inagoo qabyaalada u durbaan tumayna, Waa inaan dib u firinaa waxa naga qaldan waxaana waajib nagu ah inaan ka dhaqaaqno halka aan maanta taaganahay oo ah meel aan nagu habooneenayuu yiri Xildhiban Ing Ibrahim Cali Cumar Shegow

Xildhiban Injineer Ibrahim Cali Cumar Shegow ayaa ugu baaqay umada Soomaaliyeed iney ka faa’iideystaan inta ay bulshada caalamka ula heelantahay taageerada balse waxa uu tilmaamay hadii aduunyadu ay aragto is aamin la’aan iyo Isdhaleeceen ay taasi keeni karto in caalamku uu ka niyad jabo isla markaana ay dib ula laabtaan taageeradii ay ina siin lahaayeen, mana aha inaan gabno kaalinta nalooga baahanyahay si aan uga baxno dhibaatadan inagu raagtay.

Xildhiban Ibrahim oo hadalkisa si wato aya ugu baqay Jaliyada Manchester Uk iney ka qayb qaatan dib uu dhiska waddanka isagoona ugu dambeyntii, xildhibaanku  uu si gaar ah ugu mahad celiyey xubnihii soo qaban qaabiyey xafladda quruxda badan kuwaasoo ay ka mid ahayen Mudane Cumar cabdirahman Haybe ,Mudane Mahamud Gesey iyo  MudaneCali Ugaas

Abdullahi Mahamed Hassan (Afeey)  

Manchester ,UK

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com