WARARKA BARAAWEPOST Khamiis 14 january 2010 

 

 

Dagaalo ka socda maalintii shanaad magaalada Beledweyn

 

Waxaa maalintii shanaad galay dagaalada ka socda magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan kaasoo uu dhexeeya weli kooxaha xizbul islaam iyo Ahusunaa wajamaaca oo ay taageerayaan ciidamo ka socda DFKMG ee soomaaliya.


Waxaa dagaaladaas culus barbar socda barakac kii ugu badnaa oo ay samaynayaan dadka ku dhaqnaa magaalada kuwaasoo gaaray tuulooyinka ku dhow dhow kuwaasoo baahi biyo la aaan ay ku habsatay xilli ay hayadaha baqdin daraadeed ay shaqaalahooda uga baxeen magaaladaasi B/weyn.


Guud ahaan dagaaladani oo galay maalinitii shanaad ayaa waxa ay labada dhinac isku horfadhiyaan labada buundo ee dhinaca galbeed , iyadoo maalinba maalinta ka dambaysa ay sii kordheyso qasaaraha naf iyo maal  ee soo gaaraya dadka shacabka ah.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG ee ku sugan dalka kenya oo isku mowqif noqday

 

Kulan ballaaran oo socday in muddo ah ayaa waxaa uu dhexmaray mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka FKMG ee soomaaliya kuwaasoow ka arinsanaayay sidii go aamo isku mid ah looga qaadan lahaa doodda iyo mugdiga soo kala dhex galay Barlamaanka soomaaliya mudadii ugu danbeeyasay.


kulankaasi oo uu soo qaban qaabiyay madaxweyne shariif oo arimo shaqo u joogga dalka kenya, islamarkaana uu madaxweynaha uu xubno ka tirsan uu xilsaaray in xaliyaan khilaafka soo kala dhexgalay xidhibaanada dhexdooda oo aanan xilligani loo baahneeyn.


Gabagabadii kulankasi oo ay ka qayb galeen xubno gaaraya illaa iyo 125 xubnood ayaa laysku afgartay in wax walba laga horumariyo danta qaranka soomaaliyeed  islamarkaana wixii khilaaf ah meel layska dhigo loona baahan yahay  in laysu tanasulo guud ahaan.


Waxaana kulankaasi  oo ay qayb libaax ka qaateen qabsoomiddiisa mudanayaal ay ka mid yihiin Xasan Abshir Faarax , Mowliid Macaane iyo xubno kale uu ku dhamaaday jawi iyo is afgarad. 
 

 

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com