WARARKA BARAAWEPOST Axad 15 february 2010 

 

 

Qoysas hor leh oo ka barakacaya dagaalada ka socda Muqdisho

 

Boqolaal qoys hor leh ayaa isaga barakacay dagaalada ka socda M/Muqdisho gaar ahaan dhinca waqooyiga Muqdisho.


Qoyasakan fara ku tiriska ah ee ku harsanaa magaalada Muqdisho ayaa maanta isaga barkacay waqooyiga Muqdisho, iyadoow warbixin dhowaan ay qortay hayadda UNHCR ay sheegtay in saddexdii maalmood ee ugu danbeeysay ay ka barakaceen magaalada Muqdisho illaa iyo 8500 ruux oo u badnaa caruur iyo haween kuwaasoo haatan daaadsan inta u dhaxeeysa AFgooye iyo Muqdisho oo ay soo wajahday xaalad murago badan oo isugu jirta hoy xumo iyo cuno yari.


Guud ahaan arimahani ayaa waxaa ay ku soo beegmeen xilli hayadaha samafalka ay isaga baxeen M/Muqdisho arimo la xiriira amaan daro oo aysan suurtagal ahayn in shaqaalaha Q/midoobay ay howlo ka fulin karaan degaanadaa u Muqdisho iyo ceelasha biyaha.

 

Xaaladda degaanadii shalay ay dagaaladu ka dhaceen ee gobolka Galagaduud oo maanta deggan

 

Waxaa saakay deggan xaaladda degaanka Gaddoon oo 45 km ka xigta dhinaca galbeed ee magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud , dagaaladaasi oo dhexmaray xarakada alshabaab iyo Ahlusunaa wajamaaca oo gacanta ku haysa degaanadaasi gobolada dhexe ee soomaaliya.


waraka waxaa ay intaa ku darayaan in saraakiisha labada dhinaca ay sheeganayaan guulo, balse weerarka ay qaadeen xarkada alshabaab iyadoow ciidamada xarkada alshabaab ay halkaasi isaga baxeen balse ay sheegeen in qasaro xooggan ay u geeysteen  ciidamada Ahlusunaa.

 

Majiraan illlaa iyo hadda warar madax banaan oo sheegaya cidda halkaasi ay guushu ka raacday waxaase weli ay degaanadasi gacanta ugu jiraan kooxaha Ahlusunaa oo sheeeyin ay  gacanta ugu haya degaanadaasi.

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com