WARARKA BARAAWEPOST axad 15 september 2013 

 

 

Safiirka Somaliya ee Beljium iyo E.U. Danjire Dr.Cali Siciid Faqi oo Lagu Wareejiyay Gurigii Safaarada iyo xaflad lsoo dhoweyn ah oo loo sameeyay

              

Waxaa la Wareegay Xilkii Safaaradda Somalia Ee Belgiumka iyo E.U.Safiirka Cusub ee dowladda wakiilka uga noqon doona Belgium Dr Cali Siciid Faqi Iyo Xoghayaha 1aad Ee Cusub Ee Safaaradda Loo Soo Magacaabay, Eng Belian Mohamed Mohamud ( Belian Timacade ).

Labadaan Masu’uul oo ah aqoonyahanno ka Soo Jeeeda Qurba Joogta Somaliyeed ayaa  sheegay in ay wax aa beddeli doonaan hanaanka siyaasayadda iyo diblomaasiyadda Dowladda Federalka Somaaliyeed, taasoo ah sida ay sheegeen tallaabo si weyn loogu baahnay yahay maaddaama laga baxay xiligii ku meel gaarnimada kaasoo dib u dhigay ama iska hortaagay in Somaaliya ay wax la qeybsato caalamka.

    

Labada masu’ul ayaa la Filaya in ay wax ka badalaan, islamarkaana dardar geliyaan, xiriirka ay Dowladda Federalka Somaliyeed la leedahay waddamada reer galbeedka, sidoo kale waxay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool waddamada Beljium , Holland iyo Luxamberg ugu baaqeen wada shaqeyn.

Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Belgium ayaa iyagu Kulan ballaaran oo soo dhoweyn ah ugu sameeyay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium danjiraha cusub ee Soomaaliya ay u magacowday dalkaas, Dr Cali Saciid Faqi, iyadoo shirkaas ay ka qaygbaleen mas’uuliyiin iyo wakiilo ka kala socotay, jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Belgium.

         

 

 

 

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com