WARARKA BARAAWEPOST talaado 16 april 2012 

 

 

 

Boqolaal Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Somaliyeed oo maanta tababar loogu soo xiray dalka Jabuuti

Ciidamo ka tirsan ciidanka booliska Somaliyeed ayaa maanta tababar loogu soo xiray xero ciidan oo ku taala magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, tababarkaas oo ay maalgelisey dowlada Talyaaniga, isla markaana ayt casharadii la siiyay ciidamadaas ay bixinayeen macalimiin iyo saraakiil ciidan o oka tirsan ciidamada loo yaqaano Carabinieri ee ah booliska sida militeriga u tababaran ee dalka Talyaaniga.

Munaasabaddii xiritaanka tababarkaas waxaa ka qeyb galay masuuliyin ka tirsan xukuumada Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Mudane Mahdi Axmed Xasan iyo taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyed Sareeye Gaas Dr. Shariif Sheekhuna Maye.

 

Ciidamada tababarkaas loo soo xiray oo gaaraya 200 oo askari ayaa saida ay sheegeen macalimiintii tababareysay waxaa tababarkoodu oo ahaa mid lagu magacaabo (Public Order Management Course) uu socday muddo ku dhow saddex bilood waxayna ku qaateen ciidamadan duruus la xiriirta sharciyada Booliska, qaabka amniga loo xoojiyo,sida looga hortago rabshadaha, sida loo sugo amniga xarumaha dowladda iyo sida loo badbaadiyo öloona ilaaliyo madaxda qaranka (VIP Security) sida dambiilayaasha loo soo qabto iyo waxyaabo kale oo fara badan.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Shariif Sheekhuna Maye oo halkaas ka hadlay ayaa u mahad celiyey dowladaha Talyaaniga iyo Jabuuti oo iska kaashaday tababarkan, isagoo codsaday in ciidanka Booliska Soamaaliyeed laga taageero dhinaca qalabka iyo loogiistikada si ay waajibaadkooda u gutaan.

Xiritaanka tababarkaas ayaa sidoo kale waxaa ka soo qayb galay diblomaasiyiin ka tirsan safaaradaha dalalka caalamka u jooga dalka Jabuuti waxaana sidoo kale ka hadlay wakiilo ka socday dowlada talyaaniga oo iyadu maalgelisay qarashka ku baxay tababarkaas, waxayna sheegeen iney sii wadi doonaan taageerada ay dowlada Somalia ka siinayaan sugida amaanka.

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com